Xukuumaddu waxay 40,000 oo Doollar ugu deeqday dadkii ay duufaannadu ku waxyeeleeyeen Taleex

Wasiirka Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Guddoomiyaha Guddida Abaaraha ee gobolka Xaysimo ayaa maanta lacag dhan afartan kun oo Doollar (40,000) ku wareejiyeen maamulka gobolka Xaysimo.

“Hanti baanu sidnaa Hargeysa nalooga soo dhiibay. Waxa loogu talo galay oo kaliya dadkii duufaannada ku waxyeeloobay. Lacagtan markii aanu waraysanay kuma filna dhibaatadii meesha taallay, laakiinย dawladda Somaliland iyo guddida abaaraha qaranku waxay ka damqadeen dhibaatada dadka gaadhay” ayuu yidhi Wasiirka Khayraadka Biyahu.

Badhasaabka Gobolka Xaysimo ayaa soo dhaweeyey caawimadan ka timid xukuumadda, wuxuna ballan-qaaday in ay gaadhsiin doonaan dadkii loogu soo talo-galay.

Bulshada Caalamka ayaa xukuumadda Somaliland ku ammaantay sida ay uga hawl-gashay abaarihii dalka saameeyey iyo dhibaatooyinkii ay gaysteen roobabkii ka dambeeyey.

Hoos ka daawo muuqaalka Wakaaladda Wararka ee Somaliland oo ku saabsan warbixintan: