Go’aanka Maxkamadda Sare Faysal iyo Jamaal iyamuu waa’san u bariyey? (WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud)

 

Go’aannada maxkamadduhu inta badan siyaasadda ay ka soo saarraan waxa ay noqdaan kuwa lagu kala calaf-qaado oo soo af-jara khilaafka dhinacyada doodda sharciga ahi ka dhexayso. Sidoo kale waxa ay go’aannadu mararka qaar noqdaan kuwa dhinac lagu tukhaan-tukhiyo, si hadhow cidda wax loo xukumay ay afka ciidda ugu galiso ciddii kale ee laga xukumay.

Waa midka hore e, waxa ay noqdaan kuwa lagu kala calaf-qaado, oo dhan isku raaca, waana in cid loo xukumo, cidna laga xukumo oo wax la wada sheegganayey oo ninba cidhif haystay dhan sii daa la yidhi, halka dhan kale sharcigu u xukun calfayo. Waxa kale oo ay noqdaan kuwa cid siriirriya oo cid kalena madaxa u buuxiya. Waana hubaal in cidda sharcigu siriirriyey ee uu awoodda ka qaaday ay caggo-caddaan madasha ka hulleeli doonto.

Haddaba, Maxkamadda Sare labada go’aan eek or ku xusan iyamay xukun ahaan ayidday; ma cidbaa la siriirriyey mise goobta lafteeda ayaa go’aanku cid ugu quus gooyey? Si aynnu uga jawaabno su’aasha ah cidda waa’ sani u baryey, bal marka hor aynnu sharciga xukunka Maxkamadda Sare dib u eegno:-

Maxkamadda Sare waxa ay ugu horreyn ba burrisay oo ay waxba kama jiraan ka dhigtay qodobka 3aad ee go’aanka Guddida Diiwaan-Galinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku ay ugu garnaqeen labada dhinac ee ay kala hoggaaminayeen Faysal iyo Jamaal. Qodobka 3aad ee xukunkii hore ee Guddida Diiwaan_galintu waxa uu odhanayaa;

In guddi  tiradoodu ay tahay toban xubnood magacyadooda loo soo gudbiyo Guddida Diiwaan-Galinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Qodobkaa Maxkamadda Sare waa ay daa’dafaysay. Nuxurka ah in Guddida Diiwaan-Galintu hawsha Xisbiga Ucid ku lug yeellato xullista xubnaha Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga gabi ahaan meesha waa ay ka saartay maxkamaddu.

Waxaana ay taa beddelkeeda awooddaa gacanta u galisay Hoggaanka Xisbiga Ucid oo hadda ah Faysal iyo Ku_Xigeenka Xoghayaha Guud Naasir Qodax. Cali Guray waxa magacaabay Faysal oo ka ansixiyey Gollaha Dhexe ee Xisbiga, halka sida sharciga Ucid dhigayo ay ka ahayd in Shirweyne lagu doorto Hoggaanka Xisbiga. Mar haddii aanu ansax ahayn waa ay fududdahay sharciyan in uu Faysal ka hor istaago gabi ahaanba hawsha Xisbiga. Waxa kale oo ay Maxkamadda Sare daa’dafaysay dhammaan farqaddaha qodobka 3aad oo odhanaya;

-Guddidu waxa ay iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Xoghaye Fulinneed oo midba Garab ka imanayo.

-Guddidu waxa ay si is le’eg u soo xullaysaa ergada shirwaynaha

-Gudidu waxa ay maamulaysaa Shirwaynaha ilaa inta uu go’aankiisu soo baxayo.

-Qarashka shirka ku baxaya waxa bixinaya labada garab ee shirka si is le’eg.

Dhammaan farqaddahan afarta ah Maxkamadda Sare si toos ay ayey u burrisay oo ay meesha uga saartay. Marka aad eegto qodobka 3aad ee go’aankii Guddida Diiwaan_Galintu waxa uu hiil u ahaa garabka Jamaal. Maanta se qodobkaasi gabi ahaan waa uu libdhay oo go’aankii sharci ee dalka ugu sarreeyey ayaa daaqadda kala baxay.

Intaa kaliya Maxkamadda Sare hawl kuma aysan joojin e, waxa ay dib ugu noqotay oo ay wax ka beddel ku sameysay qodobka 1aad iyo kan 2aad ee Guddiga Diiwaan-Galintu ka soo saartay khilaafkii garnaqa ahaa ee u dhexeeyey Faysal iyo Jamaal. Qodobka koowaad waxa uu odhanayaa; waa in Xisbiga Ucid labadiisa garab qabsadaan Shirweyne aan caadi ahayn muddo 45 cisho gudahood ah, oo ka bilaabmaysay 21/07/2016.

Halkaa Maxkamaddu waxa ay ka dhigtay 60 cisho oo ka bilaabmaya 25/09/2016. Inkasta oo aan wax weyn farsamo ahaan laga beddelin qodobka 1aad haddana marka aad eegto wakhtiga la siiyey, waxa siyaasiyan cad in uu Faysal ku faa’idayo, iyada oo loo eegayo awoodda kale ee gacanta loo soo galiyey.

Qodobka labaad waxa uu odhanayaa; waa in labada garab soo magacaabaan guddi maamusha Shirweynaha oo tiro is le’eg ah. Qodobka Maxkamadda Sare xooggiisa sharciyan waa ay dhalan gaddiday oo ay waliba burrisay. Waxa ay u adeegsatay Maxkamaddu halka ay tirada is le’eg ka maamullayeen labada garab si siman in Shirweynaha aan caadiga ahayn loo raaco sida uu dhigayo qodobka 12aad farqaddiisa 3aad ee Xeerka Xisbiga Ucid.

Farqadda 3aad ee qodobka 12aad waxa ay odhaneysaa; Ergada Shirwaynaha aan caadiga ahayni waa ergadii shirwaynihii u danbeeyey ka qayb gashay. Ergadaasi ma ahayn ergo garabka Jamaal ay haba-yaraato e, wax war iyo wacaal ah kala socdeen. Soo xulistooda iyo yeedhintooda waxa u madaxbannaan oo liiskooda gacanta ku haya Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare waxa ay go’aamisay nuxur ahaan shan qodob oo ay ka soo dheegtay qoraal sharciyeed  ay faahfaahintiisa ku sheegtay 25 bog oo garyaqaannada labada dhinac loo qaybin doono, waxa xukunka shanta qodob u dhignaayeen sida tan:-

-In Xisbiga Ucid qabsado Shirweyne aan caadi ahayn muddo 60 maalmood guddahood ah, oo ka bilaabmaysa 25/09/2016. Waxa ay Maxkamadda Sare u cuskatay qabsoomida shirkaa qodobka 25aad ee Xeer Lambar 14 farqaddiisa 2aad ee 2011.

Waxa ay farqadda qodobkani odhaneysaa; Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor. Waxa kale oo ay maxkamaddu raacisay ‘’si loo hor-geeyo heshiiska labada dhinac ay wada galeen.

Halkaa waxa aad moodaa in ay qolada Jamaal il-duufeen sida hadalka Jamaal ka muuqata. Waxa ay u qaateen kalmadda ‘’Hor-geyn’’ kalmad aad ugu eg oo ah ‘’Hirgelin’’. Si aad u hubbiso dib u daawo muuqaalka “video’ ga ah ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

-In guddida qabanqaabada oo ka kooban toban xubnood loo qaybsado si is le’eg.

Qodobkaa marka aad eegto waxa kuu soo baxaya in guddidu isugu yeedhi doonto Shirweynihii saddexaad ee xisbiga, halka ergooyinku yihiin kuwii hore, oo go’aanka iyo marjaca kama dambeysta ahina yahay hoggaanka xisbiga, ee aannu ahayn Guddida Diiwaan-Galinta iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ama guddida qabanqaabada midna. Sababtuna ay tahay in gabi ahaanba la burriyey qodobka saddexaad ee go’aankii hore ee Guddida Diiwaan-Galinta.

-In ergada la xullayo loo raaco Xeerka Xisbiga Ucid. Xukunka qodobkan warkiisu waa cad yahay, waxa caddayn u ah qodobka 12aad farqaddiisa 3aad ee Xeerka Xisbiga Ucid.

-Heshiiska ay wada galeen Faysal iyo Jamaal waxa uu ansax noqonnayaa marka la qabto Shirweynaha aan caadiga ahayn ee xisbiga. Xukunka qodobkani waxa uu meesha ka saarrayaa in Jamaal hadda yahay sharciyan Murashax.

-Go’aanka ugu dambeeya waxa iska yeellanaya Hoggaanka sare ee Xisbiga Ucid. Warka qodobkan ku cad waa in awood oo dhammi ay la taal Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa ay intaa maxkamaddu ku dartay in ay gabi ahaan ayidday qodobada 4aad, 5aad, 6aad iyo 7aad ee go’aanka Guddida Diiwaan-Galinta iyo Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Qodobbadani waxa ay odhannayaan:-

  1. Shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhamaan Qodobada Heshiiska labada qodob iyo wax ka beddalka  xeerka guud ee xisbiga Ucid ee ku tariikhaysan 12/7/2012kii.
  2. Golaha Dhexe ee xisbiga Ucid oo tiradiisa sharciga ahi tahay 181 xubnood soo jeedin sharcina ka taalo waxa lagu dhamays tirayaa Shirwaynaha.
  1. Musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen waxa ay ku dhamays tirmaysaa marka uu Shirwaynahu ansixiyo.
  2. Cali Maxamed Yuusuf oo heshiiska loogu ansixiyay guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga ucid waxa uu xilkiisu dhamays tirmayaa marka uu shirwaynahu ansixiyo.

Halkaa marka ay hawli marayso, waxa cad in Xisbiga Ucid sidii aan in badan soo sheegi jiray ay dhab iyo biyo kama dhibcaan noqotay. Siyaasaddu ma laha damiir (moral) ma na aha mid naxda, naxariisata oo jixin jixda.

Waxa kaliya oo dabraa waa sharci marka uu loolan keedu ku hirdiyo. Haddii aad sharci ku baxsan kari waydo waa doontu ha kula degtay. Run ahaantii xukunka maanta ee Xisbiga Ucid waa in aan albaabka wali laga wada saarrin Jamaal iyo garabkiisa, laakiin waa loo sii dhaweeyey si hadhow aad-yar oo dhalatay uu Faysal albaabka uga xidho. Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.ukmohamedhagi@gmx.co.uk