Hambalyada Maxkamadda, guusha sharciga, guul-darrada Jamaal, caddaalad-darrada Faysal iyo filan-waaga shacabka (WQ: Prof. Maxamuud Jaamac Axmed “Xamdi”)

  1. Hambalyo Ballaadhan ayaan u dirayaa Garsoorayaasha Maxkamadda Sare JSL, go’aankan sharciga waafaqsan ee ay soo saaareen, anigoo Ilaahay ugu mahad naqaaya inay garsoorkeenu noqday kuwo xirfadnimo ka muuqato, oo sharciga Ilaalinaaya.
  2. Guusha dhacday waxa iska leh oo aan cidi ku haysan mabda’a sarraynta Sharciga (Rule of Law) taasoo dan u ah ummada JSL, oo maanta loo xaqiijiyay mabda’a ay aniga iyo dadka ila midka ahi ku xiiqeen inay xoojiyaan, kaasoo aan lahayn xeer-jajab iyo qal-qalooc toona, iyadoo go’aankani uu gabi ahaan ka soo horjeedo go’aankii gudida diiwaangalinta ururada siyaasada oo ahaa mid sharciga baal marsan, laakiin ay ku amaanan yihiin inay is yidhaahdeen sameeya sulux iyo isu-soo dhawayn, taasoo mabda’ ahaan mid fiican ah, laakiin ay waajib tahay inuu suluxu ku salaysnaado markay si waadax ah u cadaato waxa cid waliba ay xaq u leedahay.
  1. Guul-darro cadaan ah waxay raacday Musharax Jamaal Cali Xuseen (anigoo aad uga xun), maadaama uu shaqadiisii iyo maalkiisiiba uu ku burburiyay xisbiga ucid, iyadoo ay ugu badnaan inaga xigto 60 maalmood maalintii si rasmi ah oo walibana sharciga waafaqsan uu jamaal Cali xuseen looga qaadi lahaa musharaxnimada xisbiga ucid (Ilaahuun ayaa og sida aan arrintaasi uga xumahay oo aan uga naxsanahay dhibtaasi ku dhacday qofkaasi muslimka ah), iyadoo guul-darradaasi jamaal ku dhacday ay sabab u yihiin oo aanay cidi la lahayn masuuliyadeeda waa qareenadii garabka Jamaal oo walaahi maalintii aan dhagaystay doodoodii hore ee bisha ramadaan u qabatay uruada siyaasadu aan markiiba aaminay in qareenadaasi ay qandaraas ku qaateen inay jamaal kiiska ku soo foorariyaan (waan ka xumahay eraygaasi, mana aha aflagaado shakhsi ah oo ku wajahan qareenada jamaal iyo la taliyaashiisa, laakiin kaliya waa qiimantayda ku salaysan sida ay u soo dhigeen arjigoodii ugu horeeyay ee dacwadeed iyo dood afeedkoodii la duubay ee warbaahinta lagu faafiyay) laakiin walaahi aniga oo ah qareen-guud oo takhasus u leh xirfadan, haddii aan ka soo horeedo Jamaal, wax yelo umaan geysan karayn in ka badan intii ay yeeleen qareenadiisu, anigoo ka nasteex ahaan isku dayay bishii ramadaan intii lagu jiray in aan arrintaasi kala xidhiidho laakiin iimay suuragalin. laakiin tacsida jamaal waxa ka weyn casharada aynu ka baran karno tijaabada uu soo maray, jamaal siyaasada wuxuu ku cabiray wixii uu yaqaanay ee uu ku soo shaqeeyay oo ah ganacsi iyo kala iibsi, sidaa awgeed xisbigii ayuu isku dayay inuu ka iibsado faysal, isagoo lacagtii bixiyay ayuu markii dambe ka dafiray faysal, manuu fahansanayn jamaal inay siyaasaduu ka ballaadhan tahay laba qof, oo ay dalkeena waxa is bar-bar socda siyaasada ku salaysan qaabka kala iibsiga oo ah muuqaalka dusha ka muuqda oo ay axsaabtu u dhaqmaan sida tukaamada oo kale, laakiin nuxurka gunta ku jira ayaa ah sharciy iyo diimuqraadiyad iyo afkaar iyo mabaadii, markaa khaladka jamaal ayaa ahaa inuu markii hore ku bilaabay qaabka kala iibsiga ah oo sharciga baalmarsan, taasoo khilaafsan ujeedada iyo mabaadiida ay ummadani doonayso inay hogaamiyaal fican ku hesho, jamaalna arrintaasi raali ayuu ka ahaa in xisbigu muuqaal ahaan uu noqdo tukaan shakhsi leeyahay illayn waaba sida uu ku iibsadaybee, laakiin waxay arrintaasi damaqday (Jamaal) markii uu nidaamkaasi shakhsiga ahi uu isaga ka soo horjeestay, waxaa aniga iyo jamaal na dhex maray sannadkii 2012 wada-hadal arrintaasi ii xaqiijiyay wakhtigaasi, laakiin maadaama aanay anshax fiican ahayn in aan faafiyo wada-hadal gaar ah iyadoo aan la ii fasaxin arrintaasi sheegi maayo.
  2. Arinta Faysal Cali Waraabe, haddii aan ka eego dhinaca sharciga oo doodiisii isaga iyo qareenadiisa oo aad u xirfad fiicnaa ayaa guulaystay, laakiin dhinaca cadaalada marka aan ka eego waxa raacday cadaalad-darro weyn oo aan indhaha laga qarsan karin, dabcan cadaalada iyo sharcigu waa laba arrimood oo kala duwan, oo sharcigu mararka qaar isagaaba noqda dulmi, maxkamaduhuna waxay ku khasban yihiin inay sharcigaasi dulmiga jidaynaya inay wax ku xukumaan haddii kale iyaga ayaa cadaalad darro samaynaya, mararka qaarna cadaalada iyo sharcigu way isku yimaadaan oo waxay noqdaan kuwo wada socda, waan ogahay in dadka aan shuruucda aqoonin inay arrintaasi ka nixinayso, laakiin bal milicso xadiiskan Rasuulka (CSW) oo uu macnihiisu yahay sidan: (marka aad gar iila timaadaan, laga yaabaa in badhkiin uu noqdo mid ka hadal yaqaan fiican (aftahansan) ka kale, oo aan aniguna markaasi u xukumo, Ilaahaybaan ku dhaartee ka aan u xukumo xaqa uu walaalkii leeyahay, waxa aan ugu xukumay dhimbiil naar ah, ee ama ha qaato ama ha iska daayo), aniga aragtidayda shakhsiga ah waxay tahay Faysal Cali Waraabe wuxuu qaatay dhimbiil cadaabta naarta ah, kaasoo uu Ilaahay (SWT) ka xisaabin doono haddii aanuu ka toobad keenin oo aanuu Jamaal Cali Xuseen u celin dhamaan wixii kharash ah ee kaga baxay xisbiga ucid, dabcan marka aan leeyahay faysal cadaab ayuu qaatay, taasi maaha xukun ku saabsan shakhsiyada Mudane Faysal, oo xukunka jannada iyo naarta waxa iska leh Ilaahay (SWT) oo kaliya oo cidina kuma qabsan karto, laakiin anigu kaliya waxaan tilmaamiyaa ficil qudha oo ah waxa uu faysal ku sameeyay Jamaal, laakiin labadoodaba Ilaahii lahaa ayaa xisaabin doona oo kala saari doona, laakiin inta ay aqoontaydu gaadhsiisan tahay, waxa uu sameeyay Faysal sida inoo muuqata (Wixii qarsoon maanaan sheegin) waa dulmi cadaan ah iyo cadaalad darro uu ka galay Jamaal Cali Xuseen, cadaalad darradaasi oo ah mid waafaqsan sharciga, waxaana 100% qabaa in dhamaan garsoorayasha Maxkamadda sare ee JSL ee soo saaray go’aankan inay fikirkaasi ila qabaan, laakiin ay ku khasbanaadeen inay sharciga raacaan, taasoo ah sida ugu fiican.
  3. Waan ogahay filan-waaga ugu badan wuxuu ku dhacayaa shacabka JSL, kaasoo is waydiin doona sababta uu mar kastaaba u guulaysto faysal cali waraabe dacwadaha marka lagu qabsado arrimo xisbiga la xidhiidha, arrinta xaqiiqiga ah ee shacabkeenu aanay wali garwaaqsan waxay tahay in inta badan dalkeenu aanay ka jirin wax loo yaqaano dan guud, balse ay ash-khaasi iska leeyihiin meelo kale duwan, oo labada xisbi ee kale waxa iska leh gudoomiyaashooda, dadka qaar waxa aaminsan yihiin in xisbiga kulmiye ay diimuqraadiyad ka jirto, qofkaasi kaliya ha ku noqdo is qabsigii Gud: Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo sannadkii 2014, taasoo si cad kuugu cadaynay in Madaxweyne Siilaanyo uu iskii iyo rabitaankiisa shakhsiga ah uu uga tanaasulay hantida uu isagu Mudane Axmed- Siilaanyo ahaan hanti gaar ah oo uu isagu leeyahay oo la yidhaahdo musharaxnimada xisbiga Kulmiye, sida uu markii horeba ugu tanaasulay Mudane Muuse Biixi hanti uu leeyahay oo la yidhaahdo Gudoominimada Xisbiga Kulmiye, tanaasulaadkaasi madaxweynuhu uga tanaasulay hantidaasi shakhsi uu lahaa waxay la mid tahay sidii uu Madaxweyne Rayaale ugu tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo hanti gaar ahaaneed oo uu iska leeyahay madaxweyne Daahir Rayaale oo ah madaxwayninimada, waan ogahay inay arrintaasi dad badan ka nixin doonto, laakiin bal waxaad u noqotaa maqaal aan ku daabacay wargeyska SAXAFI bishii August 2010-kii muddo toddobaad ka dib xil-wareejintii Rayaale oo uu cinwaankeedu ahaa (Aynu dul Istaagno Mawqifka Madaxweyne Rayaale).

Nuxurka iyo gabagabadu waxay tahay haddaynu nahay shacabka JSL waxay ku guul-darraysanay in aynu samaysano qaranimo iyo dawladnimo, taasoo aanay haba yaraatee aanay shuruucdeenu shaqaynayn isla markaana ay jirto xil-gudasho la’aan hadday tahay waajibaadkii saarnaa madaxda iyo kuwii saarnaa shacabkaba, iyadoo manta ay kaliya inoo caafimaad qabto kaliya waaxda garsoorka ee sida cadaalada ah ee fiican maanta u socda isagoo ku dhex jira jawi aan fiicnayn, eraygaasna ha la iga qoro (muddo bilo gudohood, ama waxa is badalaya qaabka ay hadda u shaqeeyaan Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee JSL siiba Gudoomiyohooda Prof: Aadan X. Cali, oo waxay noqon doonaan kuwo aan ku dhaqmin shuruucda sida ay maanta u ilaaliyaan shuruucda, ama waxay la badali doonaa hogaanka sare ee Maxkamadda Sare ee JSL). Iyadoo Ilaahay aan ka baryaayo inay dhacdo qaabka ugu fiican ee JSL dan u ah oo ah mid aan labadaasi horeba ahayn oo ah inay Maxkamadda Sare badasho labada waaxood ee kale ee fadhiidka ku noqday xil-gudasho la’aan iyo musuq-maasuq caqligu aanuu suurayn karin.

Iyagoo waxaasi oo dhan dhacaayaan ayaa qayb ka mid ah bulshada oo ah (Aqoonyahankii) wax u bartay aanuu haba yaraatee u jeedin waxa socda oo ay noqdeen kuwo ama dantooda gaarka ah ku mashquulsan ama kuwo xumaanta qayb uun kaga sii jira…. Ilaahoow Somaliland u Hiili…. Ilaahoow dantaayada na garansii… Aamiin.