Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka wuxu muxaadiradan inala wadaagi doonaa wadada loo maro nolosha wanaagsan.
Sh. Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) waxa uu aqoontiisii heerka jaamacadeed ku soo qaatay waddanka Yemen, wuxuna hadda imaamka iyo khadiib ka yahay Masaajidka Ansaar oo ku yaalla Hargeysa. Waxa kale oo uu Sheekhu bare sare ka yahay kulliyadaha barashada Shareecada Islaamka ee jaamacadaha waddanka. Sidoo kale waxa uu masaajiddada Hargeysa ka dhigaa duruus xidhiidh ah oo ku saabsan cilmiga diinta, gaar ahaan xadiiska, caqiiqada iyo duruus kaleba.
Sheekh Berberaawi waxa uu dedaal xoog leh ku leeyahay baraarujinta bulshada ee dhinaca diinta, waxana uu muxaadarooyin joogto ah iyo waanooyin ku qabtaa gobollada iyo degmooyinka waddanka.
Bahda Bandhige waxay Sheekh Cabdillaahi Xasan โBerberaawiโ ugu ducaynayaan in uu Illaahay ka abaal-mariyo wacdigii qiimaha lahaa ee uu dadweynaha la wadaago.
Halkan hoose ka daawo muxaadiradan oo dhammaystiran: