Guddoomiye Faysal iyo UCID xagee u socdaan, mase wada socdaan? (WQ: Maxamed Haaruun)

Maxaa qalinku sheekiyo.

Qubanaha dharaartiyo.

Hadba qodob la yaab liyo.

Ma hadhooyin qorayaa.

(Hadraawi)

 Xaaladda haatan ee Xisbiga UCID, kolka si dhab ah loo eego, waa mid qalafsan. Dhab ahaan waa xaalad aad u qalafsan, aadna u liidata. Xisbigu waadhka xaaladaha halista ah, (Intensive care unit), ayaa uu yaalaa. Xaaladda noocaas ahi iskamay iman ee waxay leedahaya asbaabteeda iyo ayaankeda.

Qormadan iyo kuwa ka dambe oo soo waddo waxaan ku eegayaa saddex su’aalood:-

(1) Xaaladda dhabta ah ee xisbigu haatan waa sidee?

(2) Sida xaalka xisbigu haatan yahay yaa sabab u ah? Iyo

(3) Xisbiga UCID xaaladdan ma ka bixi doonaa?

Xasuusnow, xisbigu maanta waa garabyo kala duwan, aniguna, dhex-dhexaad ma ahi, dhinaca xisbigu u badanyahay, in ay qumanyihiinna aan u arko ayaa aan la jiraa. Wax badan baa aan ka shaqaynay in aanay dhinacyo jirin, laakiin waa ay shaqayn wayday. Sababta ay u shaqayn wayday iyo sababta uu xisbigu halka uu maanta yaalo u gaadhay ayaa aan ka waramayaa, waxna dhaafi maayo, maxaa yeelay, hadalkuba macno ma samaynayo inta qaybi dhiman tahay.

Waanwaanta kama maarantee, nabaddii yaa wiiqay?

Waaya-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday?

Waabeeyo shil baa jiree, wadhidan yaa gaystay?

Wadiiqihii sharciga yaa duway, oo luuq widhwidh ah rooray?

Waraabaha qarsoon yaa noqday oon, ruux wajiga moodnay?

(Is Waydiin, Dhoodaan, 1973)

U kaalay su’aasha hore – Xalka xisbigu haatan waa sidee?

Waxa suurowda in ay iskaba yar tahay cid xaalka xisbigu ka qarsoon tahay. Dhawaan Hargeysa ayaa aan joogay, dadkuna sheeko kale oo aan siyaasadda ahaynba badiyaa ma hayaan. Xisbiga UCID waxa uu yahay, marka run loo hadlo, mid aan cidiba soo qaadin. Sababo kala duwan ayaa warkiisa loo dhigay, laakiin waxa laga midaysan yahay in aan la soo qaadin. Faalada iyo falanqayntaba ma ku jiro, haddii uu soo galona, si ciyaar-ciyaar iyo kaftan ah uun baa loo soo qaadaa. Sheekada iigu yaabka badnayd, oo aan is leeyahay malaha si dhab ah baa ay xaalka xisbiga u sawiraysaa, waxa ay iiga timid Cisbitaalka Hargeysa, gaar ahaan dhinaca xanuunada maskaxda, waa sheeko dhab ah, waxaana iiga sheekeeyay Cismaan, oo ah nin halkaas ka hawl gala.

Saaxiibkay waxa uu u shaqeeyaa hay’ad cisbitaalka ka madax banaan, laakiin la shaqaysa. Qaybtaas xanuunada maskaxda ama dhimirka, qofba sida uu u yaqaanno, ayaa aan booqday xaalka dadka lagu hayo ayaanan la socdaa ayaa uu igu yidhi. Kuwooda yar ladan, ama kula hadlaaya waa aan la sheekaysta, shaqadayda ayaana ah baa uu igu yidhi.

Ruux dumar ah, oo da’da dhexe ah, ayaa aan xaalkeeda waydiiyay, sheeko ayaana dhex martay. Waxa ay igu tidhi:

“Anigu waa aan fiicanahay, xisbina waa aan sameeyay. Xisbigaas waxa lagu magacaabaa Hana-qaad, aniguna Guddoomiye ayaa aan u ahay.”

Waxa aan waydiiyay, ayaa uu Cismaan igu yidhi, rajada ay ka qabto in uu xisbigu guuulaysto inta ay leegtahay, jawaabteeduna ma daahin, waxa ay tidhi:

“xisbigu waa guulaysanayaa, waanan hubaa.”

Waa kala tagnay, kadibna dhawr maalmood ka dib ayaa aan sidii caadiga ahayd ku soo noqday, xisbigii ayaanan ka warsaday ayaa uu igu yidhi. Waxa ay u muuqatay in ay yar niyad jabsanayd, waxa ayna igu tiddhi:

“xisbigii anigu musharax ma ka ahi haatan, waana uu iska jiraa uun. Haa xisbigu waa uu iska jiraa uun, sida xisbigan Faysal oo kale.”

Qof maan fayow leh iyo mid wax ka dhimanyihiinba isku si baa ay u ogyihin xaaladda dhabta ah ee UCID. Hadalka inantu falo dheeraan lahayd baa uu soo koobayaa, Xisbigu waa uu iska jiraa uun. Dhab ahaan, waa halka inantee, xisbigu waa uu iska jiraa uun! Sidaas iyo sababtaas darteed, ayaa warkiisa loo dhigay.

Doc kasta oo aad ka eegtid, astaamo isku mid ah baa kaaga muuqanaaya.Saddex usbuuuc ka hor ayaan booqday xafiiska xisbiga waxaan ugu tagay saddex qof oo ah shaqaalaha maamulka. Ma aha in maalintaas uun uu cidla ahaa, ee waa sida caadiga u ah, oo aad mararka qaar baa hal qof loogu yimaadaa.

Xisbigu afar sanno shirkii Golaha dhexe ma qabsan, Guddiga fulintu shir ay isugu yimaadaan hadalkiisa dhaaf, taageerayashii xisbigu na jeebkoodii iyo maskaxdoodiiba waa ay ka xidheen. Intaas waxa dheer, Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali, iskii baa uu u taagan yahay, goonidiisa ayaa uuna UCID buuro ah u yahay waxa uu ku fikiro, ku hadlo, amaba ku kaco, UCID baa ku fikirtay, hadashay, ama ku kacday. Sida ay isaga la tahay, UCID waa isaga, isaguna waa UCID.

Geesta kale, Guddoomiye Xigaha, (Cali-guray), Gudoomiyaha Golaha Dhexe, (Xassan-sabca), iyo xubnaha fulinta qaarkoodna goonidooda ayey UCID kale u yihiin. Muddo dheerba sidaas baa ay kala ahaayeen, labadii bishan Abrilna waaba la sii kala durkay, maxaa yeelay Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in xilalkii ka qaaday.

Waxa kuu soo hadhay Jamaal Cali, oo ah musharaxa rasmiga ah ee xisbiga, waana dawlad gooni ah. Isagu dooddiisa goonida ah ayaa uu qabaa, heer maxkamadeedna waa uu tiigsanayaa. Booska isagu uu haysto ee dharaarta cad lagula heshiiyay ayaa hadda hadal ka joogaa.

Waaba halka ay mishkiladdu fadhido. Su’aashu waxa ay tahay, sababta ay waxan oo dhami u dhacayaan maxaa ay tahay, yaase ka faa’iidaaya? Yaa xisbiga iyo taageerayaashiisii asalka ahaa iyo kuwii cusbaaba dhabarka ka jabiyey?

Hebel ama hebel oo keliya jawaabtu ma aha ee sidee dhab ahaan nabarku u dhacay, ilaa halkee baa uu gaadhsiisan yahay?

Waa qaybta labaad ee qormadani halka ay aadi doonto haddii Alle yidhaahdo.

 

Qalinka: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com