Madaxwayne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ahna Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ayaa waxa uu xafiiskiisa kula kulmay wefti ka socda Urur samafala oo ka socda dawladda Kuwayt.
Madaxwayne-ku-xigeenka oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddida heer qaran ee abaaraha, ayaa dhinaca dawladda Kuwayt-na, ururkooda samafalka oo lagu magacaabo bulshada soo noolaynta dhaxalka islaamka (Revival of Islamic Heritage society, State of Kuwait), waxa hoggaaminaayey Sheekh Jasem Mohamed Al-enati oo ah guddoomiyaha guddidaasi ee Afrika xubnona ka ahaayeen, Dr Farhan Obaid Alshammari, Abdullah Murshed Alenizi iyo Bader Mohamed Alajmi, ayaa fadhi qaatay saacado Madaxwayne-ku-xigeenka iyo guddida abaaraha la yeeshay.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay weftigu dalka u yimaadeen si ay uga jawaabaan qaylo-dhaantii abaarta ee Madaxweynuhu diray. Weftigan oo shalay soo gaadhay dalku waxay dalka gudihiisa ka iibin doonaan raashin ku filan 2,000 oo qoys, kaas oo ay farta ka saaridoonaan guddida abaaraha ee heer qaran oo iyaguna gaadhsiindoona meelaha ay baahidu ka jirto.
Waxa kale oo ay weftigu balan qaadeen sida uu sheegay wasiirka Diinta iyo Awqaaftu, in ay ka qaybgelidoonaan wax ka qabashada abaaraha soo noq-noqday iyo qodida ceelal biyoodyo iyo balliyo.
Madaxwayne-ku-xigeenka ayaa gunaanadkii kulanka u mahadnaqay weftiga ururka samafalka ee dawladda Kuwayt, gurmadka ay ka soo qaybgaleen iyo ballanta ay qaadeenba.