Hal waayeel haddii la yeelo, hal waraabe ma dileen (WQ: Cabdiraxmaan Cadami)

 

Waxa aan akhriyey buug cusub oo dhawaan soo baxay oo magaciisu yahay “Raad-raaca taariikh Soomaaliyeed”ย oo runtii dareenkayga soo jiitay iyo sida aan malaynayo qof kasta oo wada akhriyey buuga ama qaybo ka mid ah. Buuga waxa qoray Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil). Qoraagu wuxuu mid-mid uga sheekaynaya dhacdooyin waaweyn oo taariikhda Soomaalida ku suntan oo uu intooda badan goob joog ka ahaa, wuxu si hagar la’aana oo aad u faahfaahsan inoogu soo gudbiyey siro culus oo ay qaar ka mid ah madaxdii dawladaha Africa iyo kuwo kaleba is-waydaarsan jireen oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan halgankii hubaysna ee SNM iyo macluumaad kale oo fara badan oo aan hore loo maqal.

Waxa aynu ognahay in rag badan oo Cawil la mid ahaa ama ka sii xogogaalsana ay dhinteen iyaga oo aan wax raad-raac ah inooga tagan ama aan waayo aragnimadoodii u soo gudbin jiilasha ka dambeeya.

Cawil waxa uu wax ka qoray dhacdooyin hore iyo madaxdii hore laakiin wuxuu u qoray dhalinyarada maalin maalmaha ka mid ah hogaamin doonta umadda. Madaxweynihihii hore ee Maraykanka Mr. Richard Nixon buugiisiiย  the leaders wuxuu ku yidhi: “this book is written about the leaders of the past but for the leaders of the future”. Amb. Cawil waxay garashadiisu siisay inuu taariikhda qoro oo uu dadkiisa uga tago dhaxal anfaca isagana waligiiba magaciisu jiro.

Akhristayaal waxa aan idin xasuusinaya qoraalka buugan oo kale wuxuu u baahan yahay cilmi baadhis wakhti dheer qaadata, tacab iyo hawl badan, wuxuu u baahan yahay dhaqaale buuran laakiin qoraagu wuxuu ku guulaystay inuu soo saaro buugan qiimaha badan isaga oo aan helin taageeradii loo baahnaa sida qorayaasha dalalka qaarkood gaar ahaan kuwa horumaray oo ay ka jiraan hay’addo dhiiro galiya iyo sharkado maal-galiya, isla markaana qoraaguna wuxuu ka helaa dhaqaale badan.

Sida qoraagu sheegay in kasta oo ay jiraan dad gacan ka siiyey soo saarista buuga, in kasta oo dhawr boqol oo buug lagu iibsaday madashii lagu daah furayey hadana fili maayo in xataa laga heli karo kharashkii kaga baxay mudo laba sanadood ah oo uu ku guda jiray dhamaystirka buuga sidaa daraadeed qoraagu wuxuu sameeyey naf iyo maal hurid (sacrifice) sidii uu horeba naftiisa ugu huray dalkiisa (inqilaabkii fashilmay ee Dec. 1961).

Hadaba maxaa laga baran karaa xogahan muhiimka ah ee buuga lagu soo bandhigay? Reer Somaliland se inaba ma ku cibro qaadan doonaan wixii shalayto soo maray? Si kastaba ha ahaate taariikhda waxa loo bartaa in lagaga fogaado qaladaadkii hore ee dhacay si loo helo mustaqbal wanaagsan. Odhaah ayaa tidhaahda (Understanding the past is essential to master the future) sidaa awgeed da’ yarta waxa aan ku boorinaya inay buuga akhriyaan ama uu tix-raac u noqdo si ay u fahmaan wixii Geeska Africa siiba Soomaaliya ka dhacay lixdankii sanadood ee u danbeeyey iyo raadadkii ay ka tageen.

Qoraagu wuxuu si dadban oo waayeelnimo ah talooyin ugu soo jeedinaya madaxda Somaliland ee talada haysa, kuwa ka dambayn doona iyo kuwa ka sii dambayn doona in aanay samayn qaladaadkii iyo siyaasad xumadii ay sameeyeen madaxdii Soomaaliya oo horseeday inuu buruburo dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Amb. Cawil taariikhda iyo dhacdooyinka uu soo qaatay waxay ka digayan cawaaqib xumada ka dhalan karta dawladaha oo qabyaalada dhiiri galiya, cadaalada darada, musuqmaasuqa iyo awooda dawlada oo sidii la doono loogu tagrifalo. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxay tidhaahdaa “Hal waayeel haddii la yeelo hal waraabe ma dileen.”

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii uu qoray Cabdiraxmaan Cadami:

Nile Academy in la saaro maxaa loo cuskanayaa

Way ogyihiin in aan been u sheegayey

Wadaadoow kootaduna waa xaaraan sida ribadda oo kale

Mudane Madaxweyne maal-gashigu Bangiyo Ganacsi oo caalami ah kama maarmi karo

Somaliland imisa ayey ku jabtay goโ€™aamo aan laga fiirsan oo qiiro ku dhisanย 

 

abdirahmanadami22@gmail.com