Wasiirka caddaaladda ee dalka Gabon Seraphim Moundounga, ayaa arrimo la xidhiidha doorashadii madaxtinimada dalkaasi ee muranka dhalisay iskaga casilay xilkiisa.
Waxa lagu soo waramayaa in uu uga digay madaxweynaha talada haya ee Cali Bongo in uu gebi ahaanba uu laali doono natiijada doorashada haddii sida saxda ah aan loo tirin codadka.
Madaxweyne Bongo ayaa la shaaciyay in uu ku guuleystay doorashadaasi, balse mucaaridka ayaa doorashada ku tilmaamay mid ay hadheeyeen musuqmaasuq.
Hoggaamiyaha mucaaridka ayaa waxa uu shalay ku baaqay in shaqo joojin guud laga sameeyo dalkaasi.
Waxa uu sheegay in dhowr qof oo ka tirsan taageerayaasha mucaaridka lagu dilay dalka maalmihii ay socdeen rabshadaha ka dahshay natiijada doorashadaasi.
Sidoo kale hoggaamiyaha mucaaridka Jean Ping ayaa waxa uu ku dhowaaqay in uu isagu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee dalkaas.