Saddex qarax ayaa waxay ka dhaceen Afqaanistaan

Laba qarax oo galaaftay ugu yaraan nolosha 24 qof ayaa waxa kale oo ka dhacay Afqaanistaan qarax saddexaad kaas oo gilgilay magaala madaxda dalka Afqaanistaan ee Kaabuul, saacado yar kadib qaraxyadaas hore.

Wararka ayaa sheegaya in qarax lagu soo xidhay baabuur lala beegsaday hoteel ku yaala woqooyi galbeed Kaabuul, kadibna rag hubeysan ay weerar ku qaadeen hudheelkaasi.

Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah ee dalkaasi ay la tacaalayaan xaaladda.

Kal hore, ururka Taalibaan ayaa sheegtay mas’uuliyadda labo qarax oo ka dhacay meel mashquul badan oo ka tirsan magaaladaasi.

Dhowr askari oo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa lagu dilay meel u dhow wasaaradda gaashaandhigga.

bandhige@gmail.com