Dawladda Somaliland iyo shirkadda DP world ayaa shalay si rasmi ah u kala saxeexday heshiiska dekedda Berbera loogu wareejinayo shirkadda DP World. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha shirkadda DP World Mr. Suldaan Axmed bin Sulayem, ayaa si rasmi ah u wada saxeexay heshiiskaas, waxaana munaasibadda goob joog ka ahaa madaxweyne-xigeenka Somaliland iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in heshiiska oo ay ahayd in saddex maalmood ka hor la saxeexo uu dib u dhacay, ka dib markii la isku fahmi waayay qodobo ku jiray heshiiska oo ay dawladda Somaliland ka booday.
Qodobada sida weyn la isugu maandhaafay waxa kamid ah soo jeedin ay DP world soo jeedisay in heshiiska lagu darro oo ah inay heshiiska qayb ka noqoto dawlad aanay magacaabin balse ay sheegtay in dawladaas oo heshiiska qayb ka noqotaa ay dani ugu jirto Somaliland iyo DP world. Dawladda ayay DP world ku sheegtay dawlad miisaan leh oo shixnadaheeda marsan doonta Berbera. DP world waxay soo jeedisay in dawladaas oo ay ku tilmaantay istaraataji la siiyo 15%.
Hase yeeshee masuuliyiinta dawladda Somaliland ayaa ka gaws adaygay inay aqbalaan, laakiin lama hubo goโaanka aakhirkii la isla qaatay ee heshiiska lagu daray.
Qodobka labaad ee isna la isku seeganaa muddada dhawrka cisho ah ayaa ahaa xaqul qalinka. Looyaradaย DP world ayaa soo bandhigay qodob sharci ah oo ay sheegeen inuu yahay mid caalami ah oo nuxurkiisu yahay in maalinta heshiiska la saxeexo lix bilood ka dib la bixiyo lacagta xaqul qalinka si mudadaas loo eego sida uu xaalku noqonayo.
Hase yeeshee waxa arrintaas diiday masuuliyiinta dawladda Somaliland ka socday, waxaana aakhirkii la isla qaatay in xaqul qalinka la bixiyo saddex bilood ka dib saxeexa heshiiska.
Xigasho Geeska Afrika.