Waxaanu balansanayn nin aanu saaxiib nahay oo taksiile ah (Taxi driver) lambarkiisi Ayaan garaacay ama wacay oo aan kala hadlay , waxaan waydiiyey halka uu ku sugan, intuu xanaaqay ayuu si cadho leh iigu yidhi maxaa kaa galay halkaanu joogno dantaada uun ka hadal.
Annoo yaaban! Ayaan hubiyey in lambarka telefoonku iga qaldan yahay iyo in kale mise waa ninkii aanu saaaxiibka ahayn ee jaamac, waan ku celiyey hadan wuxuu igu yidhi imikaan kuu imanayaaye diyaar garow waan soo socdaaye, wuu isoo gaadhay waxaanu dhahay soo fuul gaadhiga.
Intaa soo garab istaagay gaadhiga daaqadiisi ayaan ku idhi waar yahaye Jaamac maxaa kaa soo maray eraygan “halkeed joogtaa” ee aad iga cadhootay kolkaan kula soo hadlayey, ninkii Jaamac ahaa wuxuu iiga sheekeyey qisadan kooban.
Maalin maalmaha ka mid ah nigoo wata gaadhigayga oo taagaan suuqa ayaa telefoonkayga waxa iga soo wacay nin wuxuu si deg deg ii ugu yidhi:
”Halkeed Joogtaa”
Anna ismaan dhibine waxaan ugu jawaabay:
halkaa khayriyada, suuqa badhtankiisaan joogaa anigoo u malanaya mid ka mid dadkii macmiilka ii ahaa ee baabuurka iga kiraysan jiray. Qadar daqiido ah ka dib waxaa gabigaygiiba iskuweer iga qabtay aniga iyo gaadhigaygiiba saddex gaadhi oo boolis ah, inta gawda layga saaray oo lay garaacay ayaa la geeyey saldhigii anigoon meel nool lahayn, waan miyir belay, waxaa ku baraarugay anigoo saldhigii dhex jiifa oo qaar maxaabiis ahi iga dul sheekaysanayaan.
Indhihii aan kala qaadayba su’aalo ayey ila boobeen iyagoo leh oo maxaa lagugu soo xidhay noo sheeg noo sheeg? Wax allaale wax aan ku jawaabo ma garanayo, waan iska aamusay.
Laba cisho markaan xidhnaa, ayaa maalintii saddexaad waxaa nasoo hor istaagay laba askari iyo qof shiciba, waxaanay yidhaadeen isagii maaha waynu ku qaldanay ninkan soo daaya, waar iska bax qof baanu kugu qaladnaye, qofkiina waanu helay fasax baad tahay sacaada laga bilaabo.
Anigoo aad u cadhaysan oo meel waliba I kuusan tahay ayaan kabahayagii, suunkagyii iyo furihii gaadhiiba qaatay.
Maalintaa wixii ka dambeyey saaxiibow anigu waan ka xanaaaqaa halkeed joogtaa haddii laygu yidhaa!.
Waxa Qoray: Kamaal Xssan Isaaq
063-4402758
Hargeysa Somaliland