Halku dhegyo iyo iska dhaadhicin (rethoric and persuasive) (WQ: Rashiid Odowaa)

Halku dhegyo iyo iska dhaadhicin waa habka Farshaxanka Dadka dhegohooda loo kasbado marka la joogo Fagaareyaasha ama masraxyada lagaga hadlayo Siyaasadda goobahan waxa lagu dadaalaa in dadka loo sheego waxay naftoodu raalli ku noqoto ama ballanqaadyo mustaqbalka u iftiiminaya in la gaadhi doono (Hir fog) meel biyo iyo baad leh oo barwaaqo ah waxay inta badan ka koobantahay Qaybta Sayniska ee loo yaqaan Logic iyo qaybta Akhlaaqiyaadka Siyaasiga ah oo la isku dhafay.

Ninka loo yaqaannay Aristotal oo loo tixgeliyo aabaha Siyaasadda casriga ah wuxuu u kala saaray sadex qaybood qaabkan hadalka ama farshaxanka loo dhigayo,sadexdan qaybood oo uu isgu xigsiin karo hadalka isaga oo dabcan adeegsanaya codkarnimada ama habka gudbinta oo ah runtii hibo (talent) deeq ilahay dadka qaarkood siiyo aadna muhiim ugu ah qofka hogaamiyaha ah inuu lahaado bal aynu mid mid u dul istaagno sadexdan qaybood.

LOGOS(hadallo boodhadh lagu qoray)

Waa hadallo ama halmuceedyo dadka indhohooda soo jiidan kara waxa ka mid ah โ€œDanta dalka iyo dadkaโ€ ama โ€œBerri maanta ka fiicanโ€ama โ€œHoraa loo soconayaaโ€ iyo qaar kaloo faro badan hadaladan oo boodadhka lagu xardho waa qaar soo jiidan kara dadka,lkn hadhow sida loo fulinayaa waa Suaal kale iyaduna oo wakhtigeeda leh,wuxuuse hoggamiyuhu balan qaadaa inuu ka dhabayn doono hadaladas uu soo qortay oo aanay ahayn qaar uu iska malo awaalay wuxuna u sharxi doonaa qaab caqliyad ku dhisan.

ETHOS (JIAHAYN DADKA AH)

Waxa la qaabeeyaa habka qofka ama dadka aad la hadlayso u fikirayaan arrintan oo u baahan farsmao aad u sarraysa waxad ku ladhaysaa hadalkaaga tusaaleyaal iyo umado hore u gaadhay horumar iyo wadooyinka ay mareen hadday tahay Qabyaaladda oo ay ka tageen,Beeraha oo ay qoteen ama Aqoon iyo cilmi nooca ay doonto ha ahaatee oo ay barteen taas waxay qaabayn kartaa habka ay u fikirayaan dadweynaha la doonyao in dhegohooda iyo qalbigooda la hanto sidaas darteed hoggaamiyuhu wuu isku dayi karaa hab kasta oo uu dadka uga leexin karo arrimaha uu is leeyahay marin habow ayay keeni karaan.

PATHOS (KALGACAYL)

Hoggaamiyuhu ama politicianku halkan waxa uu ugu muujin karaa dadka inuu u hayo jacayl badan isla markaana uu daacad u yahay wuu soo qaadan karaa wax kasta oo ka saacidaya inuu dadka mu muujiyo kalgacal,waxa uu samayn karaa inuu cid kasta dhinaceeda dhabarka taabto oo uu u muujiyo inuu ka jecelyahay kuwa kale,waxa suurto gal ah inuu amaan qofkani ama dadkan uu la hadlayaa gaar u leeyihiin uu siiyo, Sida haddii ay magaalo beeraha caan ku tahay.ama macdanta wuu ugu yeedhi karaa gobolkii macdanta,isagoo aan gobollada kalena aan meeqaamkooda ama karaamadaooda hoos u dhigayn.

Sidoo kale Hogaamiyuhu dad gobol ama magaalo ama shakhsiyaad wuu Huwin karaa sharaf iyo maamuus aanay xaq u lahayn oo ka bad badin ah si ay ugu noqotto dhiirri gelin oo halka ay joogaan kor uga soo kacaan waa wax caadi ah oo laga yaabo inay abuurto dhiirrigelin.
Sidaas darteed ceeb maaha in umadda tartan loo xarriiqo waliba abaal marino loo qoondeeyo,Tusaale ahaan waxa loo ballan qaadaa Gobolldada in cashuurta ka soo hoyata ama wixii ay sameeyaan ee wanaag ah loogu beddeli doono in percentage wax loogu celin doono ama loo dhisi doono Goobo danguud ah waa Tartansiin,Tusaale Waalidku ilmaha Imtixaanka dhibco sare ku gudba waa inuu abaal marin siiyaa.
Waxyaabahan aynu ka hadalnay iyo xirfado kaloo badan oo hogaamiyeyaashu isticmaalaan maaha wax lala yaabo,waayo in umad la isku hayaa ama la maamulaa maaha arriin sahlan ama la fudaydsan karo waana arrimo caalami ah oo aqoonta waxay ka dhaxaysaa dadka guud ahaan wixii cilmi la iskaga dayan karo waa la qaadan karaa waxase inaga Muslim ahaan innoo dheer oo aynu kaga kor mari karnaa umadaha kale ama higsan karnaa inagoo Diinteenna la kaashana aqoonta.
Wa billaahi towfiiq.

Rashiid odowaa
Khadarsalaan@gmail.com
0634101213