Cubeydullaahi wuxuu isla markiiba tagay qasrigii Madaxtooyadda ee Kuufa. Tallaabadii koobaad ee uu qaaday waxay ahayd in uu iskugu yeedho madax-dhaqameedkii u talin jiray beelihii Kuufa yiillay, weliba kuwii ugu muuqa iyo maamuuska badnaa ayuu ku casuumay qasrigii Madaxtooyadda. Cubeydullaahi wuxuu ahaa nin Eebbe maskax badan ku mannaystay sidaas daraaddeed wuxuu ku fekeray in uu dhammaan odayaashan qasriga ku xidho una diido in ay baxaan. Sidaas ayuu yeelay. Haddii reer Kuufa isku dayaan in ay dagaallamaan waxa dhawayd suurtagalnimada ah in odayaashoodu dhintaan. Taas ayaa reer Kuufa ku noqotay laf dhuun gashay.
Ugaasyadii wuxuu kaga yimid barxadda hore ee gurigiisa, wuxuuna yimid masaajidkii. Dadkii ayuu khudbad u jeediyay. Wuxuu ballan ku qaaday in gacan adag wax kaga qabanayo ciddii amarradiisa ka hor timaadda, isagoo geesta kale hanti ugu ballan qaaday cid kasta oo la shaqaysa. Kol haddii magaaladii iyo Kuufa guud ahaan uu gacanta si fiican ugu dhigay, haatan Cubeydullaahi wuxuu qaaday tallaabadii saddexaad. Waxa uu u jihaystay sidii uu war ama xog uga heli lahaa halka uu Muslim binu Caqiil joogo. Sidaas darteed, sirdoon ayuu qortay.
Nin Shaam ka yimid ayuu siiyay lacag badan oo taariikhyahannadu ay ku sheegaan saddex kun oo dirham (3000) si uu xog uga keeno Muslim binu Caqiil binu Abdii Daalib iyo halkii uu kolkaas ku sugnaa. Ninkan sirdoonka ah wuxuu u sheegay in maalintii oo dhan uu xogtooda ururiyo iyagana la joogo isla markaana iska dhigo nin iyaga ka tirsan, habeenkiina uu isaga u yimaaddo si warbixintii uu u keeno. Hawraarsan iyo guddoon ayaa la is yidhi. Ninkaas waxa la odhan jiray Macqil.
Sirdoonkii wuxuu u anbabaxay hawshii loo igmaday. Wuxuu sii socdaba wuxuu yimid masaajid halkaas oo uu ku tukaday. Kolkii uu salaaddii dhammaystay ayuu wardi la fadhiistay masaajidkii. Nin caabid ah oo aan meesha sidaas uga fogayn ayuu ag fadhiistay. Salaan ka dib wuxuu u sheegay in uu yahay nin Shaam ka yimid oo fogaan dheer soo socdaalay. Sababta aan socdaalkaas dheer u soo galay ayaa ahayd in aan arko una gargaaro cid ah Aalu Beytkii. Haddaba, fadlan haddii aad meel uun ku garanayso cid Aalu Beytkii ah i sheeg.
Sheekhii ayaa amakaagay oo weydiiyay sababta uu isaga weydiintaas ugu jalbeebiyay. “Kheyr iyo wanaagga kaa muuqda darteed ayaan weydiintaas kuu weydiiyay.” Lacag badan ayuu farta ka saaray oo uu u sheegay in uu doonayo in uu la garab galo Aalu Beytka.
Farxad iyo raynrayn ayaa wejigii Sheekha soo gashay. Wuxuuna ku halceliyay:
“Magacaygu waa Muslim binu Cawsajata al-Asadi. Kolkii hore shaki ayaan kaa qabay haatan se waxaan ku farxday weedha aad i tidhi, ee bal inna keen.”
Ugu danbeyn wuxuu Muslim geeyay gurigii lagu tashan jiray ee laga agaasimi jiray wixii talo iyo tusaale ah. Ninkii sirdoonka ahaa waxa uu durbadiiba la falgalay xog-is-waydaarsigii socday isagoo si qoto dheer ula socday dhammaan ba wixii la is odhan jiray dharaar kasta.
Dharaartii wuxuu ururin jiray xogta, habeenkiina inta uu guureeyo ayuu Cubeydullaahi binu Siyaad siin jiray warbixin dhammaystiran. Maalin ayaa waxa dhacday laba ka mid ah odayaashii magaalada in ay soo booqdeen Cubeydullaahi. Is-bariidin kaddib, Cubeydullaahi wuxuu weydiiyay labadan nin Haanii binu Curwa iyo xaaladdiisa. “Haanii binu Curwa noomuu iman; xitaa namuu soo salaamin.” Waxay u sheegeen inuu xanuunsanayo. “Mey, waxa uu maalin kasta hor fadhiistaa gurigiisa.”Sidaas waxa degdeg ugu halceliyay Cubeydullaahi. Ogow akhrise Haanii binu Curwa waxa uu lahaa guriga lagu shiri jiray ee go’aannada lagu kala qaadan jiray.
Muddo ka dib labadii nin waxay u tageen Haanii binu Curwa waxayna u sheegeen in amiirkii u cadhaysan yahay booqashadiisuna ay muhiim tahay. Haanii way soo kaxeeyeen si ay ugu keenaan amiirka. Kolkii uu dhexda soo socday ayuu u sheegay in diiqad uu dareemayo isla markaana wuxuu dalbaday in uu iska noqdo.
Taas waxa diiday, ganafkana ku dhuftay raggii la socday. Waxay soo gaadheen qasrigii madaxtooyada. Nasiib darro ma oga nimanki in Haanii yahay xubin muhiim ah oo ka shaqaynayay imaatinka Xuseen, haddii la ogaadana ay dhiciba karto in la khaarajiyo. May dhaadsanayn arrimahaas oo dhan raggan la socday Haanii binu Curwa. Si kasta oo ay ahaataba, kolkii albaabkii ay ka galeen, ayaa waxa Cubeydullaahi afkiisa ka soo baxday weedh ah:
“Haanii binu Curwa inuu noolaado ayaan doonayaa isna inaan dhinto ayuu rabaa.”
Haanii oo yaabban ayaa yidhi:
“Maxaa jira amiir, maxaa dhacay?”
Amiirkii oo cadho badan wejigiisa ka muuqato ayaa ku warceliyay:
“Maxaa ka xun in aad Muslim binu Caqiil gurigaaga ku soo dhawaysay, Muslimiintiina ku u sheegtay in ay la baayactamaan intaad weliba u soo ururisay?”
Haanii ayay arrintu af-kala-qaad ku noqotay:
“Mey, amiir arrintaas waxba kama jiraan.”
Cubeydullaahi si uu caddayn cad u tusiyo Haanii ayuu yidhi:
“Waar mee Macqi, bal soo bax.”
Dheegasho: Degelka Dr Raaqib Asarjaani
Dhammaan kutubka siirada waa laga helayaa qisada oo faahfaahsan
Turjumaaddii Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”