Horumarka Dekedda Berbera iyo booqashadaydii Q1aad(WQ: Khadar Gureyte)

Farxad-weyn ayey saaka ii ahayd in aan mar kale soo booqdo dekedda caalamiga ah ee Berbera oo runtii lagu sameeyey horumarin, casriyeyn, ballaadhin iyo dib-habeyn nidaameed oo abuuri kara jawi ganacsiyeed suurto-gelin kara kobac dhaqaale oo ka tisqaada jamhuuriyadda Somaliland, sida oo kalena fursad u ah wadamada geeska Afrika oo ay u saamaxi karto in ay si habsimi ah ay adeegyadooda ganacsi ugu isticmaalaan dekadda Berbera oo leh baaxad suurto-galnimo oo ganacsiyeed.

Walow guud ahaan dawladdahii kala dambeeyey ee qarankan soo maray ay ku ammaanan yihiin sida ay u horumariyeen dekedda Berbera, haddana waxa aynu maanta xusi karnaa Maareeyaha Dekedda Caalamiga ah ee Berbera Inj. Cali Xoor Xoor oo muddo dheer ahaa mashiinka iyo aabaha horumarka dekedda Berbera ee caasimadda Gobalka Saaxil.

Inj. Cali Xoor Xoor, waa shakhsi runtii si weyn uga qeyb-qaatay guud ahaan horumarka dalka, gaar ahaan gobalka Saaxil oo uu astaan u yahay horumarka ka socda, dhammaanteena innoo suurto-geliyey sidda habboon ee dekedda Berbera ay u noqotay deked ay ku soo hirtaan dalalka aynu jaarka nahay oo hilaadinaaya siddii ay adeegyaddooda ganacsi ugu isticmaali lahaayeen dekedda Berbera oo ay aad ula dhaceen baaxaddeeda iyo horumarkeedaba. Qaranka Somaliland-na midhaas ayaa sharaf u ah maanta.

Marnaba idhaha ka qarsan mayno in aynu ummadda u soo bandhigno ciddii dalkan iyo dadkaba horumar u horseeday ama u horseedi doonta, waxaana si faah faahsan aan qoraalo taxane ah idin kula wadaagi doonaa horumarada kala duwan ee ka socda dekedda caalamiga ah ee magaalada Berbera.

La socoโ€ฆ..!!!.

 

Ha socoto oo ha samaato Somaliland!!!.

Khadargurayte@gmail.com

Berbera/Somaliland