Wefti ballaadhan oo ka socday Hay’ad cilmi baadhiseed oo laga lee yahay dalka Maraykanka isla mar ahaantaana fadhigeedu yahay Hargeysa, ayaa maanta booqasho indho indheyn ah ku tagey dekedda Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.
Weftigan oo uu hoggaaminayey madaxa hay’adda FORCIER ee u qaabilsan Somaliland Xasan Cumar Xasan “Xasan Ogaal” ayaa gebi ahaantoodba si ballaadhan looggu soo dhaweeyey dekedda caalamiga ah ee Berbera, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey Maareeye-ku-xigeenka dekedda Berbera Cumar Abokor Jaamac, waxaaanu xog ka sii qaybaha kala duwan ee dekedda iyo waxaanu soo tusay qaybaheed kala duwan iyo waliba meelaha ay Maraakiibta dekaddu ku soo xidhato.
Madaxa hay’adda FORCIER ee u qaabilsan Somaliland Xasan Cumar Xasan “Xasan Ogaal” oo kormeerkaasi kadib la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedada socdaalkooda iyo weliba sida oo kale shaqooyinka kala duwan ee ay ka hay’ad ahaan u qabtaan qaranka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in ay cilmi baadhisyo ku sameeyaan waxyaabaha aas aasigu u ah baahiyaha kala duwan ee Somaliland si loo helo xoggo sugan oo suurta-geliya in sida ugu habboon wax loogga qabto baahiyahaasi, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Farxad weyn ayey runtii aniga iyo weftigaba ii tahay in aanu maanta soo booqano dekedda Berbera, waana runtii deked muhiim noo ah ka hay’ad ahaan oo aanu adeegsan doono wakhtiyada mustaqbalka haddii Eebe qadaro. Ka hay’ad ahaan waxa aanu qabanaa oo aanu sameynaa baadhitaano cilmiyeed ku waasi oo ku dhisan nidaam aqooneed oo xaqiiqo ah, maantana dunida wax lagu horumaray waa kaliya sida look ala cilmi baadhis badan yahay, taas ayaana suurto-gelinaysa in aynu helo waxa ugu munaasibsan ee aynu mar walba ku hilaadin karno raadinta xalka ugu habboon ee dhibbaato ama baahi nololeed ee ina haysta ah. Aad iyo aad ayaanu ugu mahad-celinaynaa Maareeye-ku-xigeenka dekedda Berbera oo runtii si habboon oo milgo leh noo soo dhaweeyey, qeybaha kala duwan ee dekeddana nagu soo wareejiyey xoggo muhiim ahna naga siiyey.”
Xubno ka mid ah weftigan oo madashaasi ka hadlay, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiraan ee lagu qaabilay, waxaana ay tilmaameen in ay farxad gelinayso in ay arkaan deked uu ka socdo horumar aad u ballaadhan, isla mar ahaantaana aad u baaxad weyn, iyaga oo carabka ku dhuftay in ay mar walba iman doonaan si ay u adeegsadaan dekeddan ka hay’ad ahaan.
Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera Cumar Abokor Jaamac, isna halkaas ugu dambeyntii ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in uu dekedda Berbera ku soo dhaweeyey hay’addan cilmi baadhiseed, waxaana uu tilmaan ka bixiyey in dekedda Berbera ay ka mid tahay dekeddaha ugu horumarsan uguna casrisan guud ahaan geeska Afrika, isaga oo sheegay in baaxaddeedu ay suurto-gelin adeegyo ganacsi oo aad u ballaadhan.