Qormaddii tan ka horreysay waxa aynu si sar-ka-xaadis ah ugu wadaagnay qoraal kooban oo ku saabsanaa dekedda Berbera iyo horumarka ka socda muddadii uu xilka Maareeyenimo hayey Inj. Cali Cumar Maxamed โCali Xoor-xoorโ, waxaana aan jeclaystay in aynu mar kale si fayow oo maangal ah aynu u wadaagno qoraal xidhiidh u ah taxanaheenii hore ee horumarka dekedda Berbera iyo booqashadeydii.
Sugidda Amaanka Dekedda Berbera
Dekedda Berbera oo runtii ah deked aad u baaxad weyn isla mar ahaantaana si weyn uga qeyb-qaadata firfircooni gelinta hawlaheena dhaqaale ee waddanka, waxa ugu horreyn intii aan ku sugnaa si xooga ii soo jiitay nidaamka ammaanka dekedda Berbera oo ah mid aad u sarreeya isla mar ahaantaana noqon kara mid si buuxda u dammaanad qaadaya illaalinta iyo xafidaada adeegyada ganacsi ee lagaga adeeganaayo dekedda Berbera, maadaama oo ay yaalaan adeegyo aad u tira badan sida oo kalena ay ku soo xidhaan Maraakiib aad u waaweyn oo u baahan sugidda amaankooda muddada ay ku sugan yihiin dekedda Berbera.
Qaabka sugitaanka ammaanka dekedda Berbera, waxa uu ka kooban yahay nooc kala duwan oo casri ah, waxaana ka mid ah waxyaabaha aadka ii soo jiitay in aan indhahayga ku soo arkay in halkaas ay jiraan qalabyo casri ah iyo adeegyo baadhitaan oo si hufnaan ah u suurto-gelinaaya kor u qaadidda m dekadda Berbera.
Fududeynta hawlaha shaqada:
Had iyo jeer waxyaabaha kale ee iyaguna firfircooni geliya adeegsiga dekedaha, waxa ugu horreeya waxyaabaha dhiiri-gelinaaya in si habsami ah oo fudud ay u socdaan hawlaha shaqo ee dekeddu, waxaana aan indhahayga ku soo arkay nidaam hawleedyo aad u baaxad weyn oo suurto-galinaya siddii ay hawlaha dekeddu u noqon lahaayeen kuwo u socda si habsami ah oo aanay mar qudha mashquul gelin, sida oo kalena aanay Maraakiibta ku soo xidhanaysaa u dareemin cidhiidhi baaxaddeed iyo mashquul toona.
Waxaana dekedda Berbera jooga shaqaale marka aad aragto aad dareemayso in ay si hufnaan ah ugu carbisan una tabobaran u adeegidda iyo qancinta macaamiisha kala duwan ee had iyo jeer ku ka adeegta dekedda Berbera, iyaga oo dhammaantood Maareeye illaa Xamaalka hoose ka siman suurto-gelinta iyo kor-u-qaadidda hufnaanta adeeg ee dekedda Berbera ay ugu adeegayso macaamiisheedka kala duwan ee iskaga kala yimi dalka iyo jaararkaba.
Adeegyada kale ee hufnaanta ah ee dekadda aad ku arkayso waxa iyaguna ka mid ah qalabka rarka iyo soo dejinta adeegyada ganacsi ee Maraakiibta saaran ama la saarayo oo iyaguna ah kuwo aad u casriyeysan isla mar ahaantaana fududeynaya shaqada iyo guud ahaanba hawlaha dekedda Berbera, waxaana dekedda Berbera ay si caadi ah u isticmaashaa noocyada ugu casrisan isla mar ahaantaana ugu tayada iyo waxqaadista badan wiishashka loo adeegsado adeegyada xamuulka ah ee aadka u miisaanka culus leh.
La socoโฆโฆ.!!!.
Ha socot oo ha samaato Somaliland!!.
Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)
Suxufi ahna Dhaqaale-yahan
Berbera/Somaliland