Jooji Cabashada, Iskaa wax u qabso! (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Dulmanaha cabashada badan iyo dulmanaha dulqaadka iyo qarsashada badan waxa inta badan karaamo iyo karti badan, mustaqbalkana laga yaabo in uu libin ku helo haddii cilmi iyo camal lagu darro, waa kan sabir iyo dulqaad ku muujiya waqtiga guur-guurka iyo dhaca ku socda ama boobka xaqiisa lagu hayo, ama si kale u dhigoo waa kan la beegsanaayo sharaftiisa, cirdigiisa iyo naftiisa.

Waxaan ogahay in dadku karti ya ryihiin oo cabashada badan aanay xamili karin, haddii aanay qaarkood cabashadaada kuba farxin ilayn waa insaan nooc kasta lehe ama waa insaan ay iskaga jirto tartan aad adigu u aragtid in aad walaalo ku tihiin dhanna aad u wada socotaan, isaguna dhan-kale ka eegaayoo.

Isku day inaad iska wax qabsato oo cabasho kasta aad ku xaliso shaqo badan iyo daboolis wixii kula gudboon, waxaad tahay insaan leh awood la mid ah tan aay leeyihiin cid kasta oo Alle siiyay darajada iyo caqliga aadmaha ee lagu dahaadhay karaamada iyo kartida u baahan adeegsida oo kali ah iyo in aad Alle aad talosaarato!

Fashil waxa ugu waayn marka aad waxba qabsan waydo.

Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qorayย Xasan Cabdi Shire:

Anaaniyaddu waa cudur dilaa ah

Imaamka Masaajidka

Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay

Daawlidnimada iyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha

Waayo-aragnimo

Af qalaad

Doorka Sekaddu ku leedahay bulshada iyo dhaqaalaha

Awoodaha is kaaba

Ha rajo dhigin!

Guducur aan caddaba jirin: Siyaasiga maanta

Ciil-Qabe

Maamul-goboleedyada Soomaalida: Astaan burbur qaranimo