Waa su’aal in badan ay dadku iswaydiiyaan, runtii marka aad u dhabo gashana waxa aad oganaysaa in ay tahay wax jira oo aan la dafiri karin, waayo haddii wax akhriskeena iyo wax qoristeenu badan lahayd heerkan maynaan joogneen.
Haddii aad u kuur gasho ama aad istidhaahdo bal wax ka ogow Soomaalida inta wax akhrida waxa aad ka sahaminkartaa inta wax qortaa inta ay leeg tahay, haddii aad aragto ummad ay fara badan yihiin inteeda wax qortaa taasi waxa ay tusaale u tahay in markaasi ay badan yihiin ummaddaasi inteeda wax akhridaa.
Adduunkan aynu ku nool nahay waxa dhidibo iyo asaas u ah raad-raaca wixii ay ka tageen dadkoodii hore taasna waxa aad ku ogaan kartaa haddii aad hesho qoraal laga reebay ama laga qoray.
Diinteena Islaamka ee aynu haysano dhammaanteed waxa ay ku qoran tahay kutubo iyo buugaag taasi waxa ay ku tusinaysaa haddii aanay jirin dadkii saxaabada Nabiga csw ee inoo soo gudbiyay qoraalkaasi in aynu ahaan lahayn dad maanta halka ay marayaan kasii liita.
Markii aan wax badan u dhabo galay dhaqanka wax akhriska Soomaalida waxa aan ogaaday in qofka Soomaaliga ahi aanu jeclayn isla markana aanu xiisaynba in uu wax akhriyo balse uu ka jecel yahay in uu wax daawado ama uu wax ka sheekeeyo.
Qofka Soomaaliga ahi waxa uu awood u leeyahay in uu saacado badan uu wax daawado, balse awood uma laha mana jeclaysanayo in xataa waxyar oo meel ku qoran in uu akhristo, dadka qaarna waxaabad arkaysaa karaha ay u qabaan wax akhrinta in guriga ay ku nool yihiinba aad is odhanayso miyaa laga dhaariyay buug iyo qalin.
Haddaba haddii aynu rabno in ay bataan dadkeena wax qoraa waxaa ila fiican in ay horta bataan oo la helo dad wax akhrista. Nina qoraa ma noqon karo haddii aanu ahayn mid akhriskiisu badan yahay, qofba qofka uu ka akhris badan yahay ayay qoraaladiisuna ka xiisa badan yihiin, inkastoo aftahanimada iyo hal-abuurka la is dheer yahay.
Dhammaan dadka u kuur gala cilmiga bulshadu waxay isku raacsan yihiin in ummadkasta garashadeedu ay ku dhisan tahay hadba inta ay aqoonteedu le’egtahay, ummad kasta oo aqoon yahankeedu badan yahayna waxa lagu gartaa waxa bata dadkeeda wax akhrista kuwaaso marka danbana iyagu wax qora.
Ummad kasta oo adduunka ku nool isla markaana uu hooseeyo heerkeeda aqooneed, waxaa marag madoona in uu hoosaynaayo hamiigeeda wax akhris iyo wax qoristuba taasi oo marka danbana ku danbaynaysa, in ay dib u raacdo raadadkii jahliga ee ay wakhti hore kasoo gudubtay.
Adduunkan aynu ku nool nahay aqoon la barto waxa ugu wayn uguna muda karsan waa kidaabka Illaahay csw, kaasi oo qofkasta oo barta ay khasab tahay in wacyigiisa aqooneed uu kor u kacaayo ogaanayana adduunkani If iyto Aakhiro halka uu ku danbaynaayo.
Haddaba dhibaatada dhinacaasi culuunta Diinta iyana inaga haysata waxa ka mid ah, iyada oo Culimadeenii waa wayneed ay ku adag tahay in ay dadka u soo qoraan bugaag iyo kutub ku qoran afka Soomaaliga, taasi oo aan isleeyahay wax badan ayaa waxa ay ka tari lahayn fahamka Diinta.
Illaahay khayr ha siiye inkastoo la odhan karo culimada Soomaalidu door wayn ayay ka qaateen koboca garaadka dadka gaar ahaan xiliyadan danbe, haddana waxa aad mooda in iyaga laftoodu ay inagala mid yihiin dhinacyada wax qorista oo ku yar.
Ninka caalimka ah ee Soomaaliyeed waxa uu awood u leeyahay in uu muxaadarooyin aad u badan uu qabto isaga oo dadka kula hadlaaya, balse marka aad u fiirsato muxaadarooyinkaasi inta badan waxa uun yimaada dad gaar ah oo Illaahay khayr siiyay muxaadaroonkaasi ku xidhan, balse way yar tahay in ay xaadiraan maalinkasta muxaadarada dad cusubi.
Haddii ay culimada Soomaaliyeed laftoodu ay heli lahaayeen in ay qoraan bugaag afka Soomaaliga ku qoran amaba laga caawiyo dhinaca qorista waxa aan isleeyahay waxa kor u kici lahaa dadkeena wax qora waxna akhriya.
Khasab maaha in qofkastaa oo wax qorayaa in uu ka hadlo mawduuc u baahan in wakhti badan lagu bixiyo, balse waxa kaliya oo xataa aad qori kartaa adoo ka hadlaya tusaale ahaan, geedka Galoolka ah iyo faa’iidada uu dad iyo duunyaba u leeyahay.
Qofka qoraaga ahi waxa uu soo saara ama uu iftiimiyaa waxyaabo badan oo maalinkasta bulshada dhexdeeda ka dhaca, haddaynu nahay Soomaali waxa aad moodaa in ilaa hadda wali aynaan dhaafin sheekooyinkii la inooga soo tabiyay Ciigaal Shiidaad iyo Dhagdheer iwm.
Akhristayaal waxa aad ogaataan in maalinkasta saacad kasta ay waddankeena iyo meelkasta oo adduunka ka mid ah ay ka dhacaan sheekooyin wax ku ool ah oo dadka loo soo gudbin karo.
Haddaad maanta oo kaliya inta aad suuqa u baxdo aad u fiirsato bulshada iyo qaabka ay u wada macaamilayso waxa laga yaabaa in gurigaagi aad kusoo noqoto adoo soo faa’iiday sheekooyin aad u fara badan oo haddii si xigmadleh loo qoro bulshada kaalin wayn u buuxinaya.
Aan idin xasuusiyo sida yar ee ay sheeko ku abuurmi karto ama ay u noqopn karto mid dadka loo soo gudbiyo, iyada oo laga dheehan karo ujeedada ay gudbinaysaa faa’iidad ay leedahay.
Anigaygan hadda qoraalka idinla wadaagaya, ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga oo jooga Hargaysa, laguna jiro xilli doorasho ay waddanka ka socoto, ayaa waxa aan ku soo baxay laba nin oo saaxiib ah isla markaana shaqadoodu ay tahay dadka wax ku xamaala kaaryoonaha ama gaadhi-gacanka qofba sida uu u yaqaano.
Waxa aan soo kor istaagay labadii nin oo inta midkastaba kaaryoonihisii dhabarka ugu jiifsaday uu kii kale ugu dharanaayo haddii doorashada maanta nalaga helo waddankaba waanu iskaga tagaynaa.
Labada nin waxa ay kala tabaacsanayeen labadii xisbi ee UDUB iyo Kulmiye, waxa aan waydiiyay madaama ay yihiin laba nin oo saaxiiba isku shaqo iyo isku duruuf ah, waxa sababay in ilaa xad-kan ay isla gadhaan.
Mid ka mida ayaa waxa uu igu yidhi, labadayadu waxa aanu la kala safan nahay labada nin ee tartamaaya, ujeedadayaduna maahan in aanu ku kala raacsan nahay horu mar iyo wax qabad balse waxa anu nahay kuwo midkastaaba uu taageerayo ninka la qabiilka ah.
Akhristayaal sheekadu waa ay dheerayd waxaanan filayaa in aan hore u soo qoray, balse hadda waxa uun aan uga jeedaa, haddii labadaasi nin ee halkaasi ku murmayey aan iska dhaafi lahaa way adkaan lahayd in sheeko noocan ah aan soo gudbiyo.
Markaa waxa aan idiin sheegayaa sheekouyinka iyo hal abuurnimadu wax kale maaha ee waa nolol maalmeedkeenan, balse muhiimadu waxa ay tahay yaa soo gudbinaaya, yaa dadka kasoo tabinaaya dhacdooyinkan maalinkasta horteena iyo dabadeenaba ka dhacaya, xaqiiqdu waxa ay tahay waa in la helaa qoraa soo gudbiya xigmadahaasi.
Waan ogahay in aanu hawl yarayn in wax la qoro, waayo wax qoristu waxa ay kaga baahan tahay in aad hesho wakhti ka badan kan ay haystaan dadka aan waxba qorin, ninka qoraaga ahi waa hal abuur doonaya in uu dadka u gudbiyo waxyaabaha uu isleeyahay waxbay ka faa’iidayaan.
Sidii kale waxa aan fahmi karaa in ay dag tahay in qofku uu wax akhriyo, balse marka loo kuur galo wakhtiga faraha badan ee ay dadkeenu ku lumiyaan waxyaabo badan oo aanay dani ugu jirin miyaanay ka fiicnaateen in uu wax dani ugu jirto uu akhriyo.
Waxa jira in bulshadeena dad badan oo kamid ahi ay qaadka cunaan, waxa ay ila tahay iyaga laftoodu haddii ay heli lahaayeen bugaag ku qoran afka Soomaaliga in ay uga faa’iidaysan lahaayeen inta ay fadhiga qaadka ku jiraan in ay akhrisan lahaayeen, lagana yaabo in waxyaabaha ay akhrisanayaan ee faa’iidada lehi ay marka danbe ka horjoogsadaan cunista iyo wakhti lumiska qaadka.
Adduunkan aynu ko nool nahay majiro qof aqoonta ku dhashaa balse waa wax la barto, waxa kale oo aan idiin hubaa in akhriska laftiisa la barto, haddaad baratana anaad ka xiiso goynayn oo aad jeclaanayso in markasta aad wax akhrido.
Haddaba su’aasha iswaydiinta lihi wax ay tahay, haddiiba hadadan lafteeda ay jiraan dad ama dhalinyaro fara kutirisa oo jecel in ay wax akhriyaan, halkee ayay ka helayaan goobaha wax lagu akhristo cilmigana lagu kaydiyo sida Maktabadaha iwm.
Waa su’aal meesha ku jirta, jawaabteeduna ay adkaan karto sababta oo ah ma jiraan ama haddiiba ay jiraan waa wax kooban oo aan dadka ku filayn, inta badan anigu waxa aan ka hadlayaa waxa ay tahay in la helo kutub ama buugaag ku qoran afkeena Soomaaliga, taasina waxa ay ila tahay in aanay jirin ama ay yar tahay.
Haddaba waxa hubaal ah in arrintaasi ay tahay, mushkilad ina wad saamaysay, oo ina wada haysata una baahan in sida ugu dhakhsaha badan xalkeeda loo helo, haddii xal dhakhsa ah loo waayana ay hoos u dhacayso garaadka iyo garashada dadkeenu.
Maanta waxa jira in waddankii waxbarashadiisu ay si xawli ah u socoto, haddana waxa lagama maarmaan ah in dhallintaasi wax baranaysaa loo helo goobo ay ka helaan aqoonta dadka wax qoray.
Haddaba waxa aan qoraalkaygan kusoo gaba-gabaynayaa sidee ayaa kor loogu qaadi karaa garaadkeena wax akhris iyo qoraal sidii ay ummaddeenu u noqoto mid la jaan qaada horumarka adduunka ka jira?
Waxa aan kula talin lahaa dawladda markasta dhaqaalaha ku bixinaysa wax aan ummadda dani ugu jirin sida xafladaha aan macnaha badan lahayn ee maalinkasta lagu bixinaayo malaayiinka lacaga waxa ila haboon in dhallinta loogu dhiso goobo ay maskaxdooda iyo garaadkoodaba ku kobciyaan.
https://twitter.com/khadar_aar