Waxaan Hargeysa ku soo arkay (WQ: Muuse-Dalmar M. Ciise)

 

Markii aannu sidaa uun uga soo baxnay salaaddii maqrib, ayaanu u kacnay bartii aannu gaadhiga dhigannay. Waxa aannu ku sugnayn xaafadda Xerro-Awr, waxaananu u sii jeednay hudheelka Maansoor oo aannu shir ku lahayn. Mar kaliya uun baanu ku war helnay buuq iyo qaylo agtayada ka baxaya, mise waaba booliis iyo wiilal dhallinyar ah oo is eryanaya. Dhallinyarada laba ka mid ah ayay boolisku gacanta ku hayaan oo ooyaysa, halka laba kalena wali la eryanayo. ” Qabta, qabta, waa dhaqanbiise” ayaa dhegahayaga soo gaadhaysay.

Waxa aannu u dhawaanay labadii wiil ee ay booliisku hayeen. Show innamada waxa lagu haystaa timaha oo ay si dhallinyarnimo ku jirto u xiirteen. Markiiba maqas baa lala boobay oo si foolxun loogu hoolhoolay. Way ooyayeen, inta itaalkooda ahna iscaabin bay muujinayeen. Waxa ka sii darnaa dadkii oo ku soo ururay oo ay wiilasha taasi ku keentay in ay bahdil dareemaan.

Maanu jeclaysan sida ubadkaasi loo galay. Uma aan arkayn in ay tani waxtar u tahay waxyeelo mooyee. Waxa aan markiiba is waydiiyay in ay jiraan kun hab oo kale oo wiilashaasi loola sheekaysan lahaa, lagana wacyigalin lahaa wixii xumo loo arko ee ay ku jiraan. Waxa i soo hormartay sida ay baylahda bulshadu uga badan tahay wiilal timaha laga jiro. Carruurtaasi la argagaxgalinayaa waxa ay u baahan yihiin, garoomo ay ku ciyaaraan, goobo madadaalo oo ay ku nafisaan, barkulamo aqooneed oo ay wax ku kala korodhsadaan, shaqo-abuuris, tacliin tayo leh oo wacyigooda dhista iyo caafimaad wanaagsan.

Qofka dhallinyarada ahi waa mid xoog badan, haddii aan la mashquulina xooggaasi waa mid halis ku ah naftiisa iyo bulshadiisa. Waxa mihiim ah in aynu ka fikirno nolosha ubadeenna iyo sidii loogu dhisi lahaa mustaqbal wanaagsan. Hadal iyo dhammaan qaybada innoo taalla way ka weyn tahay wiilal timaha laga jaro, sida dhallinyarada loo carbiyaana maaha askari qori ku eryada, waase xidhiidh wanaagsan oo heer qoys ilaa qaran isku xidhan.

Muuse M. Ciise

Stockholm