Baarlamaanka Tuuniisiya waxay kalsoonidii kala noqdeen Raysal-wasaare Habib Essid

Raysal โ€“wasaaraha Tuuniisiya Habib Essid oo tahli kari waayey in uu xakameeyo dhaqaale xumida la soo deristay dalkiisa ayaa waxay baarlamaanka waddankiisu cod aqlabiyad ah kala noqdeen kalsoonidii.

118 xildhibaan ayaa waxay ย u codeeyeen in Raysal-wasaaraha in xilka laga qaado halkan halka 27 keli ay u codeeyeen in uu xilka siihayo.

Kahor intii aan xilka laga qaadin Raysal-wasaare Habid Essid waxa haystay cadaadis ah inuu is casilo. Laakiin doodaasi waxa markii dambe loo gudbiyay baarlamaanka.

Dhaqaale xumada dalka iyo isbedel laโ€™aanta siyaasadda ayaa loo arkaa in ay ugu wacan tahay in kalsoonida lagala noqdo.

bandhige@gmail.com