Kacdoonkii Dhicisoobey, Q.12aad (WQ: Xasan Ciise Raage)

 

Bilowgii kacdoonka

Kacdoonkii Suuriyiintu waxa uu ka bilowday gobolka Xuuraan eek u yaala koonfurta dalkaas gaar ahaan magaalada Dirca oo gobolka magaalo madax u ah, gobolkani waxa u xad la leeyahay wadanka Jordan oo dhinaca koonfureed ka xiga iyo buuralayda Golden hights oo dhinaca woqooyi ka xiga imakana ay Israaโ€™iil ka haysato Suuriya.

Dadka kacdoon wadayaasha ahi ma doonayn in kacdoonkooda la jabhadeeyo ama loo badalo mid isku rogo qulqulatooyin dhiig badan ku daato, waxaanay codsanayeen kaliya in xoriyada badan oo xaga hadalka, fikirka iyo axsaabtaba la siiyo, xataa markaa hore kuma jirin Bashaar xukunka ha laga rido.

Laakiin markiiba waa nin shaki ku jira xoogna ku haysat maamul aabihii boobay oo xaaran ku dhisana ku fadhiyeen halkii uu yara maaweelin lahaa ama uu iska sasabi lahaa waxa lagu bilaabay xabad iyo dhiig badan oo si macno daro ah loo daadiyo.

Waxaa sii balaadhay kacdoonkii waxaana dhamaan isla oogsaday muharadaado lagu diidan yahay sida loola dhaqmay kacdoomayaasha reer Dirca iyo Xuuraan waxen magaalooyinka waaweyn oo dhan ku baahay shaqaaqooyin iyo mudaharaadi balaadhan sida Dimishiq, Xalab, Ximis, Idlib, Riqa iyo kuwo kale oo badan kaliya waxaanay mudarahaadku marka hore ka dhicin magalooyinka iyo tuulooyinka loo tiriyo in ay Calawiyiintu degan yihiin kuwaas oo ah dhulka Buuralayda ah ee xeebta ku deedsan gaar ahaan Laadiqiya iyo Darduus, laakiin maalmihi danbe laftoodu iyaga oo diidan sida taliska Bashaar dadka ula dhaqmay way ku biireen mudaharaadka.

Kacdoonku waxa uu bilowdey bishii Maaris sanadkii 2011kii markii dhiig badan daatay ciidan qaran iyo ciidan reer midka uu yahayna la kala garan waayey ciidankii Suuriya ayaa bishii julay ilsa sanadkaas waxaa ciidanka ka goostey saraakiil u badan suni kuwaas oo aas aasay ciidanka Suuriyada Xorta ah kuwaas oo dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku bilaabay fadhiisimaha ciidanka Bashaar, isna waxaad mooda sidaaba in uu doonaayey in uu yidhaahdo wadanka argagixasaa soo weerartay.

Hoos ka akhriso qaybihii hore ee Kacdoonkii Dhicisoobay

Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 11aad

Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 10aad

Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybta 9aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 8aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 7aad

Kacdoonkii Dhicisoobey, Qaybtii 6aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 5aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 4aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 3aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 2aad

Kacdoonkii Dhicisoobey Qaybta 1aad

WQ:ย Xasan Ciise Raage

raagesom@gmail.comย