Salaasadii waxa Muqdisho ka dhacay laba qarax oo aad u waaweyn kuwaas oo lagu beegsaday maddaarka magaalada oo ay deggan yihiin ciidamo caalami ah iyo shaqaale caalami ah.
War shalay soo dhacay ayaa tibaaxay in labada qarax ka khaasaraha weyn gaystay uu ahaa 57 jir u dhashay Somaliland oo la yidhaa Saalax ย Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado).Saalax wuxu ka soo jeedaa beesha Bariga Burco.
Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, af-hayeenka hawl-gallada Al-Shabaab oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Walaalkeen Saalax oo ka soo goostay baarlamaanka Soomaaliya 2010-kii ayaa ku shahiiday qaraxii maanta.”
Saalax Badbaado wuxu ka mid noqday xildhibaanadii Soomaalida ee Jabuuti lagu doortay sannadkii 2009-kii kadib markii ay heshiiyeen garabyadii ay kala hoggaaminayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Nuur Xuseen (Nuur-Cadde), halkaas oo xildhibaanada laba is leeg loo kala kala qaysaday.
Hase ahaatee sannadkii 2010-kii ayuu Saalax ka goostay baarlamaanka Soomaaliya isaga oo xukuumaddii Sheekh Shariif ku eedeeyey in ay ka gudubtay arrintii heshiiska lagu ahaa oo ahayd in dalka lagu xukumo Diinta Islaamka. Wixii ka dambeeyey wuxu ka mid ahaa Xarakatul-Mujaahidiinย Al-Shabaab.
Saalax noloshiisa intii ugu badnayd wuxu ku qaatay magaalada Berbera halkaas oo uu ku haysan jiray meherad iibisa dawooyinka oo la odhan jiray “Badbaado” waana halka ay ka raacday naanaysta magaciisa lagu ladhay “Saalax-Badbaado”.
13 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo Saalax Badbaado iyo nin kale oo ย aan magaciisa la sheegeen ay ka fuliyeen Muqdisho. Dawladda Soomaaliya weli kama ay hadal weerarkan iyo in dadka qarxiyey uu ka mid ahaa xildhibaan hore Saalax Badbaado.
Afhayeenka Hawlgallada Al-shabaab Abu Muscab ayaa xildhibaanada Soomaaliya ugu baaqay in ay ku daydaan Saalax Badbaado oo ay ku biiraan jihaadka dhulka Soomaalida lagaga xoraynayo gaalada, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Bandhige News
Bandhige@gmail.com