Badhasaabka Gobolka Selel oo khadka telefoonka ugu waramayey wariye Mustafe Dheereeye ayaa waxa xaqiijiyey in ay shil gaadhi ku dhaawacmeen Taliyaha Qaybta Gobolka Selel iyo ku-xigeenkiisii, dhaawacyaddan ayaa waxay yihiin qaar jajab culus ah.
Gaashaanle dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Selel iyo Gaashaanle Raage Muuse Dirir ย ku-xigeen Taliyaha. Sidoo kalena waxa isagana dhaawac soo gaadhay dirawalkii gaadhigii ay saarnaayeen Maxamed Suge Muumin.
Badhasaabku sidoo kale waxa uu u sheegay wariye Mustafe in ay dhaawacyadan Taliye-ku-xigeenka iyo dirawalka gaadhigu ay aad u culus yihiin.
Badhasaabka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in safar kormeer shaqo ah ku marayeen gobolka Selel.
Shilkan ayaa waxa sababay isku dhac gaadhiga booliska iyo gaadhi xamuul ah, kadib markii roobab dabaylo wataa isku qariyeen labadan gaadhi.
Gaadhiga xamuulka ayaanay cidi waxba ku noqon.
Shilkan ayaa ka dhacay agagaarka ceel gaal iyagoo ka tegay Laanta Morohda ah