Muhiim maha halkaad ka timid, halkaad ku dhalatay iyo midabkaad tahay lakiin waxa muhiima halkaad go’aansato in aad naftada dhigto.
Inta badan waa laga yabaa in dadku ka fikiraan ama iswaydiiyaan bulshada inta nafada ahi in ay ka tamar iyo awood yar yihiin inta bad qabta, wana su’aal maangal ah marka loo fikirayo ama loo doodayo qaab nuucaas ah.
Waxase hubaal ah in ay jiraan in badan oo dadka nafada ka mid ahi ay beeniyeen su’aalahaas ama doodaas kadib markii ay horumar ka sameeyeen nolashooda oo ay soo gaadhsiiyeen sida inta bad qabtaba ay u maarayso nolashooda amaba dhafeen inta taariikhda laga ogyahay.
Waxana tusaale inoogu filan Helen Keller oo loogu yeedhay Mucjisadii Shaqaynaysay ( the miracle worker ).
Helen Keller waxay dhalatay June 27, 1880, waxanay ku dhalatay Tusuimbia, Alabama ee wadanka Maraykanka.
Helen, kuma ay dhalan in ay araga iyo maqalkaba naafo ka tahay ee, se waxa asiibay xanuun sababay in ay araga iyo maqalkaba naafo ka noqoto.
Nasiib wanaagse waxa ay heshay macalimad la odhan jiray Anne Sullivan, oo ka caawisay in ay gaadho guulo waawayn oo nolasheeda ah iyo in labaro awooda wada xidhiidhka.
1886, hooyada dhashay Helen ayaa waxa ay akhriday mid ka mida joornalada ka soo bixijiray Maraykanka xiliyadaa, waxanay ka akhriday guulaha gabadh yar oo iyaduna araga iyo maqalkaba naafo ka ahayd oo lagu magacaabi jiray Laura Bridgman.
Arintaas ayaa waxa ay ku qalqaalisay walidkeedu in ay u raadiyaan wax barasho.
1890, Helen waxa ay bilowday waxbarashadeeda Iskuulka, halka 1896, waxa ay go’aansatay in ay gasho koleej.
Waxanay macalimadeedu isku dayday in ay wax ku barto nidaamka faraha xarfaha lagu isbeeliyo madamoo ay araga iyo maqalkaba naafo ka ahayd.
Intaa dabadeed dadaal badan kadib, waxa u suuro gashay Helen in la geeyo koleej si ay u sii xoojisato waxbarashadeedii, waxanay dhamaysatay koleejkii taariikhdu markay ahayd 1904.
1920, Helen waxaa caawiyay oo qayb muhiima ka qaatay nolasheeda in ay ku guulaysatay shahaado sharfyo badan loona xaqiiqsaday in ay gaadhay dhamaystirka nolasheeda.
Intaa kadib, waxa ay aqoon u yeelatay noocyo kala duwan oo ka mid ah af-garashada sida dhaqaaqa dabnaha, farta dhagoolaha, garacida iyo higada farta.
Waxanay qortay maqaalo tiro badan iyo buugag labadaba oo aynu ka xusi karno maqaalada ka soo bixidii mugdiga ( out of the dark ). Dhanka buugtana waxaa ka mida taariikhda nolashayda ( the story of my life ) Aduunka aan ku nex noolahay ( the world i live in ) iyo iftiinkii mugdigayga dhexdiisa ( light in my darkness).
Wixii intaa ka danbeeyay Helen waxa ay baratay aduunka iyo sida loo horumariyo dadka kale, waxana warkeedu gaadhay ama ku faafay dunida dacaladeeda, waxanay isbarteen dad dunida caan ka ahaa iyo barayaal.
Qarnigan labatanaad badhtankiisii waxa ay nex gashay arimaha bulshada iyo siyaasada.
Inkastoo la dajiyay xeerka dadka araga naafada ka ah Maraykanka 1921, hadana waxa ay iyadu xubin ka noqotay 1924.
Waxanay ka qayb qaadatay wacyi-galinta iyo in lacag loo ururiyo dadka araga naafada ka ah.
Waxanay aas-aastay ururka midawga xoriyada dadwaynaha Maraykanaka ( American civil liberties union.)
Helen, waxa ay la tacalaysay xanuun ka asiibay dhanka maskaxda 1961, intii ay nosha ku jirtay Helen, waxa ay heshay abaal-marino sharafeed tiro badan oo logu aqoonsaday hanaanka ay u maaraysay nolasheeda iyo saamaynta ay ku yeelatay dadka kale.
Waxanan ka xusi karnaa shahadooyin ka loo yaqaano Doctarte oo ay sii yeen jamacado dhawr ah waxana ka mida Temple University iyo Harvard University.
Waxanay geeriyootay iyadoo huruda June 1, 1968, wax yar uun ka hor intii anay dadeedu gaadhin 88 guradii nalashadeeda.
Intii, ay noolayd waxa lagu xasuusanayaa in ay ahayd tusaale awood leh oo u tagan qaabka loo qato go’aanka, shaqo adayga iyo in uu shaqsigu ka guulaysan karo duruuf kasta oo haysata.
Imaatinka duruufaha adagi waxa ay u baahan yihiin xal u helid balaadhan iyo adkaysi, waxanay la kortay tix-galin iyo aduunyo dib u cusboonaysiisay halgankeedii iyo qaabkii ay u wanaajisay dadka kale.
Qore: Caynaan Farax Caynaan.