Degmada Laas-geel xarunteedda Dacar-budhuq waxa hareeraha ka mara laba doox oo kala ah Caluula iyo Yeeyda.
Dacar-budhuq waxaa marta wado halbowle u ah waddankeena Somaliland, wadadaas oo isku xidha gobolada galbeedka iyo gobolada bari ee Somaliland.
Haddaba haddii aan qoraalkeygan aan hoos ugu soo dego inta badan xiliga roobabka gugu daโayaan waxaanu maqalnaa dooxii Dacar-budhuq ayaa laga soo talaabi waayay ama waxa uu qaaday hanti intaa leeg, dadna waa ay ku nafwaayeen inkastoo ajashii dhamaata aan la oolin kareynin.
Haddaba dooxa Caluula ee Dacar-budhuq ee khatarta badan waxba ma dheera dooxyadda dalka ee waa dayac tir laโaan xagga wadada ah, haddii aan tusaale u soo qaato wadada oo aan balaadhneynin iyo jar weyn oo uu ka tuuro gaadiidka iyo hantidda maal iyo moodba le.
Haddaba xukuumadda Kulmiye ee taladda haysa oo aanu ku majiiran kareyno horumar xagga wadooyinka ah ma odhan kareynaa waa ay ka gaabisay wadadaa halbowlaha ah ama wadooyinka ay hirgalisay waa qaar deegaano iyo qabaa’il lagu raaligalinayey.
Inkasta oo aanay ka maqneyn beelaha is abaabulay ee deegaankoodu in uu wado hagaagsan yeesho u xusul duubnaa haddana waxa libintaa ku suntanaa xumkuumadda maanta.
Miyaanu odhan karnaa cida deegaanka degta ayaa looga baahan yahay in ay iyagu is abaabulaan oo dayactiraan dooxa Caluula? jawaabtu waa maya ee waa wax u yaala dhammaan reer Somaliland galbeed iyo bariba.
xukuumadda miyeynu odhan karnaa waa wax ay u-taag-laadahay? maya weeye jawaabtu.
Waa in aan la baraarugin uun xiliga roobkee ee dooxa Caluula khatartiisu muuqato ee waa in talo qaran laga yeeshaa. Xukuumadduna waa in ay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabataa khatarta dooxa Caluula ee Dacar-budhuq.
Wabilaahi Towfiiq
Qalinkii: Cabdiqaadir Askar
Email-askars4@hotmal.com
Tel: 063-4143757