Sannad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
wuxuu hadimo leeyahay,
Waa laga helaayoo
hadhow lagu xasuustaa
Sannadkan 2016-ka waxa lagu xasuusan doonaa, loona bixin doonaa sannadkii Kulmiye ee Tahriibta iyo Halaaga Badda. Waa sannadkii dhallinyaro Somalilanders oo kor u dhaafaysa 300 ay ku halaagmeen badweynta Medhatareeniyanka.
Dhallinyardaasi may kicin dhaqaale xumo oo qofkiiba waxa laga qaaday $ 4,500 si loo tahriibiyo.
Dhalinyaradaasi kamay qaxin colaad iyo dagaal sokeeye. Dhalinyaradaasi kamay baxsan gaajo iyo haraad. Dhalinyaradaas waxa eryay rajo xumo “ hoplesssness“, maamul xumo iyo cadaalad darro. Waxa baro kiciyay dawladda “Murdiso “ ee xaraashtay dhulkii ay ku ciyaari lahaayeen, maktabadahii ay wax ku akhrisan lahaayeen iyo dugsiyadii ay wax ku baran lahaayeen. Waxa tahriibisay dawlad u adeegta dibirka iyo maga-fayaasha dhaqaalaha, kuna tumata danyarta iyo dibjirka.
Dhalinyardaasi waxay ahaayeen labeenti waddanka iyo mustaqbalkii ummadda, waxaanaan ka tacsiyadaynaa dhammaan shacabka Somaliland, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen.
Ugu danabayntii waxaan shacbiga Somaliland xasuusinayaa in uu sannadka Kulmiye 2016-ka uu yahay sannadkii ugu xumaa Somaliland 100-kii sannadood ina soo dhaafay. Sannadihii kale ee ugu adkaa waxa ka mid ahaa:
Xaarama Cune 1914-kii
Hawaara 1924-kii
Adhi Gaba 1934-ki
Jiitama 1944-kii
Siiga Case 1954-kii
Gaadhi-gaadhi-saar 1964-kii
Dabadheer 1974-kii
Dhibijaale 1984-kii
Kulmiye 2016-kii
Waxa Qortay: Drs Hoodo Yusuf, London, UK.