Sheekadii Tahriibkii iyo tah-lukadii aan galay, Q1aad (WQ: Qareen Khadar Aar)

Waxa beryahan dambe si wayn u soo shaac baxay maqalka erayga Tahriib, kaasi oo aad ka maqlayso dhammaan Idacadaha , guryaha, maqaaxiyaha, wadooyinka iyo meelkasta oo laba qof oo Soomaaliyii ay isugu yimadaan, iyada oo laga sheekaynaayo dhibaatada aan kala joogsiga lahayn ee soo wajahday dhallintii Soomaaliyeed.

Sida runta ah haddii aan is idhaahdo macnee erayga Tahriib waxa ay ila tahay in uu ka yimi ama kasoo jeedo erayga Carabiga ah eeย ู‡ุฑุจย โ€œCararโ€,ย eray bixinta Soomaaligana tahriib waxa loo yaqanaa waxkasta oo lala dhuumanayo ama lala baxsanayo, iyada oo inta badan lagu isticmaalo eraygan waxyaabaha dawladdaha lagala dhuumanayo ee kooontarabaanka ah, balse waxaa maanta lala dhuumanaya naftii Bini-aadmiga ee qaaliga ahayd.

Wax lala yaabo maaha in qofku uu dhoofo oo uu tago meel aan waddankiisa ahayn iyada oo sababaha loo tagaayo lagu kala gadisan yahay, balse waa wax lala yaabo a, in wadada aad u marayso dhoofkaasi uu noqdo mid naftaada halis galin karta oo aad ku dhiman karto.

Hawada dhoofku qaabkay doontaba ha kuu gashee bal waxa aad ka warantaan dhallinyarow haddii naftii aad dhoofka aad la raadinaysay aad u sababto in aanay gaadhin meeshii ay higsanaysa, iyada oo nolosha iyo geeridaba Rabbi uu hayo haddana asbaabta inagu keensano waana waxa laynagu ciqaabo doono.

Runtii ma sahlana sida lagu yimaada waddamadan loo soo yaacaayo, sidoo kale iyana ma sahlana sida nolosha aad ka fikirayso ee maankaaga ku jirtaa in iyana loo helaa iyadoo dhamaystiran.

Mid ka mid ah dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiibooyinkaasi ayaa isaga oo iiga sheekaynaya halaagii iyo dhibatadii badnayd ee uu soo maray xiligii uu safarka tahriibka ku soo jiray ilaa Afrika iyo Badaha ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisii:-

Taariikh nololeedkaygii

Waxa aan ku dhashay magalada Burco, waxa aan ka dhashay reer danyar ah, waxa aan la dhashay carruur dhan Shan, kuwaasi oo aan anigu u wayn ahay, inkastoo reerka aan ka dhashay faqiir ahaa haddana sida Soomaaliduba ay u badan tahay habeena gaajo kumaan seexan.

Waxa aan ahaa dhinaca waxbarashada nin fahmo badan, waligay Imtixaanka haddaan ka koowaad waayo ka labaad kamaan hoosayn jirin, yididiilada iyo rajada igu jirtay waxa ay ahayd mid uun ku xeeran waxbarashadayda iyo sidaan u horumarin lahaa.

Maan ahayn dhallinyarada inta badan ku fikirta iskuna maaweelisa dhoofka dhulka shisheeye, balse haddana igamay madhnayn xiisaynta sheekada saaxibadayda waa hore dhoofay kuwaasi oo sawiro si fiican loogu fara-yaraystay Facebook-ga isoo dhiga, iyaga oo igu yididiilo galinaya in mar uun aan Afrika kasoo baxo.

Sidoo kale waxa dhagahayga iyo maqalkaygaba ka batay erayga Jaaliyad taasi oo aad moodaba in dhinaca dawladda laga buun-buuninayo dhoofka dhallinyarada iyo tariibka, waayo waxa aan arkay saaxiibkaygii shalay iga dhoofay oo laga yaabo dhinaca aqoonta in aan anigu kaga fiican ahay balse haddana maalinta uu waddanka yimaado waxa uu la kulmayaa Madaxwaynaha isaga oo ku gaashaman magaca Jaaliyadda reer Yurub ama Jaaliyadaha Dibedda.

Curashadii tahriibka

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa si lama filaana talafoon iigu soo diray nin aanu saaxiib ahayn balse ay iigu danbaysay muddo aad u fogi, inta ogaalkayga ahna waddanka dibedda kaga maqnaa, muddo horena ka dhoofay, isaga oo ka mid ahaa dhallinyaradii koobnayd ee Khadka tahriibka ku baxday, nasiibka fiicana kala kulantay waddankii uu tagty oo ahaa waddanka Norwey.

Saaxiibkay markii aanu is waraysanay kadib waxa uu igu dhaliyey in aan waddanka kasoo baxo soona tahriibo, isaga oo ii balan qaaday xataa in dhaqalaha tahriibka qayb ka mida in uu iga saacidi doono, qaybtaas oo uu shuruud uga dhigay marka aan kasoo hadlo waddanka Sudaan, waxaanu ii soo qoray talafonkisa markasta aan ka heli karo.

Hamigii iyo hiyi kacii maalinta igu dhashay waxa uu keenay in aan hurdo iyo raaxaba waayo, waxa ay talo igaga ururtay dhaqaale raadis iyo anigoo ninkasta oo aan garanayaba waydiinaya dhaqaale, marka lay waydiiyo waxa aan ku falayana waxa aan u sheegaa in aan doonayo in aan jaamacad galayo, iyadoo mararka qaar ay waalidkay ogaadaan dhaqaalaha aan raadinayo.

la soco qaybta 2aad

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar