Loolanka Abiy Axmed iyo Jawhar Maxamed (WQ: Liban Mohamed)

Loolanka Abiy Axmed iyo Jawhar Maxamed

Isku-daygii dawladda Itoobiya ku doonaysay in ay ku xidho hoggaamiya kooxda “Qeerro” Jawhar Mohamed, oo gacanweyn ku lahaa kacdoonkii Oromada, ee Abiy Ahmed talad keenay. waxay ahayd tallaabo la filayay muddooyinkii u danbeeyay, oo salka ku haysa loolanka awoodda Itoobiya, gaar ahaan dib-u-habaynta siyaasadeed ee qawmiyadda Oromada dhexdeeda doorashada ka hor.

Qawmiyadda Oromadu ma laha midnimo siyaasadeed sida qawmiyadaha kale ee Tigreyga iyo Amxaarada. waa qawmiyad aad u kala daadsan, oo dhawr kooxood oo kala deegaan, diin iyo kala lahjadba ahba Siyaasad ahaanna u kala qaysan ururro iyo xisbiyo siyaasad oo qaybsanidaasi abuurtey. se ka midaysan damac siyaasadeed oo aad u xagjir ah, oo ay ku doonayaan hanashada sarrayn siyaasadeed oo baahsan, qawmiyadaha kalena ka sadbursadaan. Waa damac iyo dareen nafsadeed oo ka abuurmay cadaadiskii baahsanaa ee boqolaalka sano taliska Itoobiya ku hayay, waana sababta hadda ay xukuumadda Abiy Ahmed ugu hayaan cadaadis siyaasadeed oo ay ku doonayaan sarrayn siyaasadeed, mid dhaqan, iyo adeegyo bulsho oo dawladdu hadda aanay awoodin.

Isbahaysiga talad haya ee EPDRF ee Abiy Ahmed hoggaamiyo, waxa uu isku diyaarinayaa doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona 2020, sidaa aawadeed ma oggola dhaqdhaqaaqyo bulsho oo la wadaaga matalaadda siyaasadeed ee Oromada iyo sheegashada guusha isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay 2018, oo ay ugu yeedhaan mid gudeed oo isbahaysigu fuliyay.

Waa sabata Jawhar Mohamed iyo dhaqdhaqaaqisa qawmiga ah dhibaato siyaasadeed ugu hayo mustaqbalka siyaasadeed ee hoggaanka xisbiga Oromada ee ODP ee hadda xilka haya, ee Abiy Ahmed iyo Lamma Megresa wasiirka gaashandhiggu hoggaamiyaan, oo labadooduba ka soo jeeda Oromada Galbeed.

Siyaasadda shacbawiga ah “populist politics” ee Jawhar oo ka soo jeeda Oromada bari iyo kooxdiisa Qeerro, waa mid ku qotonta gooni-ugoosadka Oromada iyo sarraynta siyaasadeed iyo midda dhaqan ee Oromada. Waa arrin ka soo horjeeddaa barnaamijka siyaasadeed ee Abiy Ahmed ee midnimada, wadanoolaansha iyo wadaagga siyaasadeed ee qawmiyadaha Itoobiya. waxayna halis ku tahay gacan-ku-haynta siyaasadeed ee Abiy Ahmed iyo xisbigiisa ODP oo gacanta hadda ku haya gobolka Oromiya.

Wiigan ayay ahayd markii Abiy Ahmed hadalkii uu ka jeediyay baarlamanka Itoobiya ugu hanjabayay dad uu ugu yeedhay mulkiilayaasha TViiyada, ee haysta baasaboorrada ajnabiga ah, oo uu ku tilmaamay qaar xasiloonidarrado siyaasadeed ka wada Itoobiya. hadalkan oo Raisalwasaaruhu ulajeeday Jawhar mohamed oo ah mulkiilaha Tvga Oromia Media Network iyo kooxdiisa Qerro ee qawmiga ah.

Xakamaynta doorka siyaasadeed ee Jowhar ku dhex leeyahay qawmiyadda Oromadu, waxay soo bilaabantey bilo yar ka dib markii uu Abiy Ahmed talad yimid. xiligaas oo uu dhammaaday isu-madaxbuuxintii u dhaxaysay hoggaanka cusub ee talada yimid iyo Jawhar Mohamed, oo ay bilaabantey qaybsiga awoodda siyaasadeed ee la hantiyay. Abiy Ahmed iyo Lamme waxay markiiba u arkeen Jawhar iyo kooxdiisa kaadh la isticmaalay, oo xilligoodu dhammaaday, ay tahayna dib inay ugu noqdaan hawlahoodii bulsho.

Bishii 8aad ee 2018 ayaa warbaahinta Itoobiya iyo midda reer galbeedkuba ay baahiyeen eedo musuqmaasuq oo lagu eedaynayo Jawhar, oo lagu sheegay in Jowhar iyo gabadhiisu ay TVga ay maamulaan ee OMN ka lunsadeen 280,000$. Waxay ahayd tallaabo lagu magac dilayo hoggaamiyahan leh sooyaalka halgan laguna yaranayo taageerada uu ku dhex leeyahay gudaha qawmiyadda Oromada.

Tallaabadan uu qaaday Abiy Ahmed ee uu saaxadda siyaasadeed kaga saarayo Jawhar, waxay ku soo beegmaysaa xili habboon uu Abiy Ahmed iyo kooxdiisu ku guulaysteen in ay dhidibbada u adkeeyaan taliska, qabsadaanna awoodda adag ee dawladda sida ciidanka iyo sirdoonka. Sidoo kake Abiy Axmed abaalmarinta nabadda ee Nobel ku guuleystey, oo ka dhigan in siyaasadihiisa xagga dibadda iyo guduhuba ka haystaan taageero iyo garab wadamada reer galbeedka. Iyo xili uu qawmiyadaha kale ee Itoobiya iskugu sawirayo hoggaamiye wadaniya oo u taagan midnimada Itoobiya iyi difaacidda danaha dalka. Waa sababta ka danbeysay hanjabaaddii xagga biyo xidheenka ee Masar uu u dirayna, waxay ahayd farriin gudeed oo tarminaysa muuqaalka hoggaanka siyaasadeed ee uu Abiy Axmed doonayo in uu ku sugo ogaalka shacabka Itoobiya.

In kasta oo Madaxweynaha gobolka Oromadu Shimelis Abdissa, oo hore u ahaa madaxa xafiiska Abiy Axmed, dafiray in dawladdu ka danbeyso tallaabada qabashada Jawhar, kuna tilmaamay qalad iyo isfahamwaa dhacay, gadoodkii dhalinyarada Oromada ka dib. haddana Abiy Axmed iyo taliska siyaasadeed ee Itoobiyaba “Establishment” waxaa ka go’an in doorka siyaasadeed ee Jowhar iyo kooxdiisa Qerro meesha ka saaraan, doorashada 2020 ka hor, si xisbiga ODP aan laguula loolamin matalaadda siyaasadeed ee gobolka Oromada.

Tallaabadan uu Abiy Axmed ku dhaqaaqay waa mid muddaba la filayay, taageero na ka haysata badiba waddamada reer galbeedka ee gacanta laxaadka leh ku lahaa hirgalinta iyo xasilinta isbeddelka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay.

Jawhar Mohamed waa siyaasi lagu tilmaamo Populist, oo ka baxsan Establishmentka Itoobiya ka arrimiya, sooyaal siyaasadeedna aan lahayn. siyaasaddiisa qawmiga ah ee is-ururinta iyo faquuqa qawmiyadaha kale ku dhisanna, waxay halis ku tahay xasiloonida iyo midnimada taliska siyaasadeed ee Itoobiya iyo gobolkaba.