Dhacdooyinka La-yaabka Leh Ee Tuugta Moobiladu Ku Kacaan (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Waxa la yidhi  Aadame la aragyaaba dhib la arag. Sida caadiga ah dadka siyaabo kala duwan ayaa ay tuugtu uga qaataan Tilifoonnada gacanta (Moobilka). Hasayeeshee waxa ay beryahan dambe la soo baxeen falal aanay hore u sameyn jirin oo ay mudan tahay in laga war-hayo. Waxa aynu qormadan ku soo qaadan doonoo dhawr dhacdo oo labadii bilood ee ugu dambeeyey dhacay:

Dhacdada Koowaad: Cabbaaro 8:00 habeennimo Gabadh maraysay agagaarka waddadada daruuraha ee xaafadda 26 Juun ee Hargaysa, ayey koox dhallinyaro tuug ahi si kedis ah goob ugu qabteen. Markiiba waxa ay ka qaadeen Moobilkeedii iyo waxoogaa lacag ah oo ugu jiray boorsada gacanta. Gabadhu waxa ay ka soo baxday dugsi waxbarasho oo ay gelinka dambe dhigato. Gabadhu waxa ay ku socotay xaafadooda oo aad uga fogeyd goobta lagu baadhay. In yar ka dib tuugtii ayaa Moobilkii gabadha lamabaradii eegay, waxa ay garaaceen lambarkii ugu dambeeyey.

Waxa aanay ku yidhaaheen Walaal gabadha Tilifoonkan sidatay miyaad garanaysaa, haa bay tidhi. Markaasay yidhaaheen gaadhi ayaa jiidhay oo dhakhtarka ayey taalaa iyada oo meyd ah waabay jareen tilifoonkii. Waa taa xaafadoodii isla-oogsatay ee wixii dumar ahaa baroorteen. Waa taa xaggii dhakhtarka weyn loo yaacay, ee reerkii kadeed u dhammaaday. Iyada oo xaafadoodii ay gabaahiir tahay ayey iyada oo iska lugaynaysa xaafaddii tagtay. Mise jaarkii ayaa yidhi naa sowtii tilifoonkaagii xaafaddii lagaga soo hadlay ee la yidha gaadhi ayaa jiidhay. Dee reerkii oo dhammi dhakhtarkii ayey ku maqan yihiin. Yaab weynaa. Waa taa tilifoonnadoodii la garaacay ee la yidhi way timid oo gaadhi muu jiidhin ee tuug ayaa tilifoonka ka qaaday oo beentaasi sameeyey.

Dhacdada Labaad: 10: 00-kii habeennimo ayey nin aad u mirqaansan koox tuug ahi moobil kaga qaadeen agagaarka xarunta Masjid Nuur ee Xero-Awr. Ninka waxa ay sidoo kale ka qaadeen waxoogaa qaad ah oo uu soo gaagaabiyey oo bac ugu jirtay. Show ninku wax yar ka hor ayey xaaskiisu soo garaacday, oo lambarka ugu dambeeyaa waa kii xaaskiisa. Ka dib waxa ay garaaceen xaaskii ninka, waxaanay ku yidhaaheen walaal ninkan ma garanaysaa. Haa ayey tidhi, waxa ay ku yidhaaheen wadnaha ayaa is-taagay oo dhakhtarka weyn ayaanu u qaadnay, booliskii ayaanu nahaye waa taa gabadhii reerkoodii iyo tolkii qaylo dhaantii kula dul-dhacday.

Reerkii oo dhan ayaa dhakhtarkii weynaa ku yaacay, iyaga oo wada naxsan. In yar ka dib ninkii oo socda ayuun baa la kulmay kooxdii ugu dambaysay ee gurmadka isaga u ahayd oo baabuur ordaya wata. Waar muxuu ahaa kaa ina dhaafay ee Cumar Jaamac u eeki, waar bal inagu celiya. Mise waa isagii oo aan biyo is-marin. Waar sowtan lanagu yidhi  dhakhtarka ayuu yaalla oo wadnaha ayaa is-taagay waar tuug ayaa tilifoonkii iga qaaday oo iyaga ayaa waxaasi sameeyey.

Dhacdada Saddexaad: Nin dhallinyaro ah oo marayey agagaarka goobta la yidhaa Jaamac-Gunti ee xaafadda Koodbuur ee Hargaysa, ayey kooxi tilifoonkii ka qaaday. Dabadeedna waxa ay garaaceen lambarkii ugu dambeeyey oo ay qortan tahay HOOYO MACAAN. Waana hooyadii oo la soo hadashay qiyaastii. Waxa ay yidhaaheen  Hooyo ninkani ma inankaagiibaa, haa bay tidhi. Nin ayaa tooray geliyey oo waxba kuma noola ee dhakhtarta weyn ayaanu ku sii wadnaaye ugu kaalay. Hooyadii  waa taa koomo gashay, reerkii qayladii iyo baroortii ayaa meel kasta ka yeedhay.

Show reerka waxa jiray qolo kale oo ay dhul isku haystaan, markiiba kuwii ayey u qaateen, balse hubsiimo ayey u socdaan oo keliya. Ninkan xaafadda ayaa u dhawayd, iyada oo aanu reerku dhakhtarka tegin, oo baabuurtii iyo warkii la is-gaadhsiinayo ayuun buu gurigii yimid, oo maxaa dhacay ayuun buu yidhi. Dumarkii barooranayey ayaa haddana wada suuxay, markay arkeen isaga oo nool. Hooyadii iyada hore ayaa dhakhtarka loola cararay. Markiiba hooyadii ayuu ninkii ka daba tegay, oo soo yara miyirsatay. Way se ladnaatay markii dambe.

Ugu dambeyntii haddiiba ay farriin noocan oo kale ahi idin soo gaadhay, hubsada bulshay. Waa dhaqano cusub oo hore aan u jirin, oo qaarkood ay sababi karaan inay reero dhammi isku rogmaan markay warkan maqlaan, oo ay u qaataan in reerkii ay xurguftu ka dhaxaysay falkan ku kacaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com