Saddex wiil baa isku magac ahaa. Cabdillaahi, Cabdillaahi iyo Cabdillaahi ayaa la odhan jiray. Odaygii baa da’ noqday oo dardaarmay. Xoolahayga Cabdillaahi iyo Cabdillaahi waa ay dhaxlayaan buu yidhi. Laakiin Cabdillaahi ima dhaxlayo.
Saddexdooda midka aan odayga dhaxlayn ayey garanwaayeen, waayo waa isku wada magac. Waxay doonteen cid kala saarta. Intii ay waddada ku sii jireen ayey la kulmeen nin awr ka lumay oo raadinaya.
Midkood baa ku yidhi ninkii, awrku ma cawarnaa? Haa buu yidhi. Ku kale ayaa ku yidhi Awrku ma dabo la’aa? Haa buu yidhi. Mid kale awrku lug wax ma ka qabay buu yidhi? Haa buu kiina ugu jawaabay. Maannaan arag bay yidhaahdeen.
Ninkii baadidu ka luntay baa yidhi waad aragtay oo tuug baad tihiine ii sheega halka awrkaygu joogo. Way ka dhaarteen. Garsoore ayey isula tageen. Garsoorihii baa yidhi haddii aydaan xadin side baad ku garateen awrka astaamihiisa. Kii hore wuxuu yidhi, cawarnida waxaan ku gartay dhirta aan soo marnay dhinac baa laga cunay oo neef cawaran in uu cunay baan gartay. Neef il keli ah leh baa geedka dhinac keli ah ka cuna. Kii kale wuxuu yidhi saalada neefka ee aan waddada ku soo maray ayaan ku gartay oo neef daba leh ma ahayn. Haddii uu dabo leeyahay awrku saalada ayuu midig iyo bidix iskaga firdhin lahaa sida geela kale. Kii u dambeeyayna, raadka neefka ayaan ka gartay in uu lug ka cawarnaa buu yidhi. Waayo dhinac buu culaysku saarnaa oo laba lugood baa aad ciidda ugu sawirmay. Sidii buu ninkii ku rumaystay oo baadida halkii ay soo mareen uga raadsaday.
Saddexdii Cabdillaahi waxay u warrameen oo gartoodii u gudbiyeen xaakimkaa. Garsoorahaas baa yidhi caawa ila jooga oo halkan iska seexda aroorta ayaan gartiina niqiye. Wuxuu u diray nin basaasa oo sheekadooda dhegaysta. Waxaanu u dalbay casho mar hadday dhaxayaan. Cashada loo keenay waxa ay ahayd sabaayad iyo hilib. Markii cuntadii loo keenay ayuu midkood yidhi gabadha sabaayadda dubtay waa xaamilo ku jirta bishii sagaalaad. Kii kalena waxa uu yidhi hilibkani hilib adhi ma aha’e, waa hilib ey. Kii saddexaadna wuxuu yidhi ninkan garsooraha ahi waa ilma xaaraan!
Subixii ayuu waagii beryhay. Ninkii basaaska ahaa ayaa u sheegay nimanku waxay xalay yeeleen. Markii uu u yimid ayuu ku yidhi kii koowaad maxaad ku keentay in gabadha sabaayadda dubtay tahay xaamilo. Wuxuu yidhi sabaayadda dhinacna si fiican bay u dubtay dhinac kalena waa uu masaxnaa. Taas waxa ka muuqata in qofka wax dubayey aanu gaadhayn daawaha wax lagu dubayey oo calooshiisu ka celinaysay in ay wada gaadho. Calooshaasna gabadh xaamilo ah oo sagaal biloodkii ku jirta ayuun baa yeelan karta.
Kii kale ayaa la waydiiyey sida uu ku gartay in hilibku mid ey ahaa oo aanu hilib adhi ahayn. Wuxuu yidhi hilibka adhiga baruurta ayaa ka sarreysa cadka. Laakiin hilibka aygu waa cagsiga oo cadka ayaa sarreeya baruurtuna waa ay ka hooseysaa.
Kii u dambeeyay ayuu ku yidhi maxaa ku keentay in aan ilma xaaraan ahay? Wuxuu yidhi, waxa aad noo keentay hilib ey, waxaad casho noogu dirtay gabadh fool ah waxa aad noo soo dirtay nin na basaasa. Qof ilma xalaal ahi intaas ma yeelo.
Ninkii garsoorka ahaa wuxuu yidhi labada nine e hore waa kuwa dhaxalka yeelanaya. Laakiin Cabdillaahiga dambe yeelan mayo. Waayo isagu waa ilma xaaraan. Ilma xaaraanka ayuun baa yaqaan dhaqanka ilma xaaraanka.
Markii islaantii odaygu ka dhintay lagu noqday, waxa ay sheegtay in gartu sax tahay oo Cabdillaahiga dambe ahaa ilmo aanay xalaal ku dhalin, odayga dhintayna aanu dhalin.
F.G. Waa sheeko murtiyeed siyaalo kala duwan loo wariyo oo carbeed.