Hay’ada maxaliga ah ee Somaliland Y-PEER ayaa waxay kulan wacyi-gelin ah oo ku saabsan badbaada wadooyinka ku qabatay deegaanka Kala-baydh

Kulan masraxiyeed ku saabsan badbaadada iyo badqabka wadooyinka ayaa waxaa malinnimadii shalay lagu qabtay degmada kalabaydh habmasrixiyeedkaasi ayaa waxaa ay ujeedadiisu ayahyd sidii dadwaynaha loogu wacyigalin lahaa inay ka taxadiraan khataraha sababa shilalka. iyada oo sidoo kale lagu baraarujinayay inay ilaaliyaan wadada isku xidha Hargaysa ilaa kala-baydh oo dayactir balaadhan lagu sameeyay isla markaasna lagu xidhay calaamado tilmaamaya goobaha khatarta ah.

Kulankan oo ay iskugu soo baxeen dadweynaha degaanka kala baydh ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa heeso, riwaayado iyo ciyaaro dhaqmeed ka turjamaaya sidii looga digtoonaan lahaa isla markaasina bulshada deegaankaasi ugu baraarugsanaan lahayd khataraha ay sababaan shilalku.

Ugu horeyn waxaa kulankaasi furay agaasimaha guud hay’ada maxaliga ah ee Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac waxaana uu bulshada ugu baaqay sidii ay uga digtoonaan lahaayeen khataraha ay yeelan karto hadii laga digtoonaan waayo dhibaatooyinka ay gaadiidlaydu sababaan oo ah inaanay isticmaalin calaamadaha isla markaasina aanay ka taxadirin dadka iyo xoolaha wadada la isticmaalaaya, waxaana hadaladiisa Kamid ah: ” barnaamijkani waa mid guud ahaan bulshadu ay ka manafacaadsanaya wadadda hargaysa ilaa kala baydh isku xidha inay ogsonadaan oo ay ka taxadaraan goobaha ay ka tallaabi karaan madaama at dirawaladu xawaare sare ku soconayaan”.

“Waxay wadadu yeelan doontaa calaamado tilmaami doona oo sheegaya meelaha khataraha ah oo tilmaami doona dirawalka iyo dadwaynaha.” Ayuu yidhi Maxamed Dhamac

Sidoo kale waxa ka hadlay kulankan siciid Nuur oo ah sarkaal kasocda Ha’yada horumarinta Waddooyinka iyo sidoo kale Cabdiraxmaan Cali muumin oo ah gudoomiyaha kala baydh oo dhamaantood ku booriyay dadka ku nool deegaanka kala baydh inay ka taxadiraan shilalka wadooyinka sidoo kalena ilaaliyaan wadadda.

Kulan Masraxiyeedkan wacyigalineed ayaa qeyb ka aha wacyigalin ay magaalooyinka Kalabaydh, gabiley iyo Arabsiyo iyo hargaysa oo ay ka wado Hay’ada Y-PEER oo kaashanaysa Hay’ada GIZ oo iyadu fulisay dayactirka wadada isku xidha Hargeysa ilaa kalabaydh iyo Hay’ada Wadooyinka Somaliland oo ay waheliso Wasaarada gaadiidka iyo horunmarinta wadooyinka ee Somaliland

Halkan ka daawo muuqaalka warkan:

 

Bandhige@gmail.com