Laga bilaabo dabayaaqadii 2009, madax-banaanadii siyaasadda Somaliland way luntay waxaanay gacanta u gashay Ma-gafaayaal kasoo jeeda dalka Jabuuti.
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa ishor-taagay mashruuc Fibre Optic oo uu watay Ganacsade Maxmed Aw Saciid. Taasi waxay ku kaliftay in uu xisbigga Kulmiye, oo waqtigaas itaal darnaa, uu u fidiyo taageero dhaqaale oo dhan $ 5 Milyan beesha u kasoo jeedana ku qanciyo in ay ka codeeyaan Madaxweyne Daahir Riyaale.
Haddaba guulaha isda-ba jooga ah ee uu gaadhay Magafaha siyaasadda Somaliland , Mudane Maxmed Aw Saciid waxa ka mid aha:
Mashruuci Fibre Optic oo loo xalaaleeyay kootana loogu xidhay 25 sannadood.
Iibsiga hanti ma guurta ah oo ummadda ka dhaxaysa.
Burburintii Xisbigii UDUB
Wareejintii Guddoomiyenimadda iyo Musharxanimadda Xisbigga Kulmiye.
Kalajabkii Xisbigga UCID.
Fadhataysiga Xisbigga Waddani ee Saciid Elmi Rooble iyo Rooda Cabdi Muuse.
Mustafaynta kooxda “Booko Xaraam “ ee Hinda Jaamca Gaani iyo Axmed Muumin Seed.
Wax iminkana soo if baxaysa in Aqoonyahan Jamaal Cali Xussein loo celiyo kharashkii ka baxay isaguna ka tanaasulo hankiisa Musharaxnimo ee Madaxweyne una daayo Eng Faysal Cali Waraabe si uu ula tartamo DR Cirro codka beeshana u kala jebiyo.
Marka laysku wada xooriyo, waxa cadaynaysaa in siyaasadda Somaliland gacanta u gashay magafaayaal u dhashay dalka Jabuuti oo aan dan ka lahayn maslaxadda guud ee bulshada Somaliland.
Sida ilo xog-ogaalahi ahi tibaaxayaan, waxay doorashada Madaxtooyadda ee March 2017 u qoondeeyeen lacag dhan $ 30 Milyan oo horaanteedi suuqa soo gashay bishan Oktoobar, 2016.
Haddaba, bulshada Somaliland waxa la gudboon in aany dalkooda, damiirkooda iyo dadnimadooda ku iibsan doolar oo ay ilaashadaan xornimadooda siyaasadeed.
Maga-fayaashu dhulkay boobeen waxay ka dhisteen daaro dhaadheer, danyartii la dacayna waxa dul hogganaya gaajo iyo haraad, silic iyo faqri.
Marxuum Abwaan Qaasin, isagoo tilmaamaaya dhibaatada haysta danyarta iyo Reer Miyiga wuxuu yidhi ( 1964 ):
Ma daadihin Rashiid maatadaan ,daad guree idhiyee,
Umaddii daryeel wali helin, daacada ahaydee,
Sidii bay u dooyaysan tahay ,damashii weynayde,
Sidii baa dudada aar dhiciyo, dacaw u joogaayee,
Sidii baa dugaag uga gurtaa ,daaqa xoolaha e,
sidii baa docuhu aqaladii ,uga daloolaannee,
Sidii ducaalow biyaha ,loo dawariyaayee,
Sidii bay daba-goobsi u tahay ,haradii doolloodee,
Oo ay waliba dibin daabyo iyo, diriri joogtaayee,
Dambi ku hadli maayee ma arag ,Dawladaan Rabayee,
Meeshaan dad aan ururshiyo, darar ka eegaynay,
Iyaba waa darxumo ii hadhayee ,dacaro miyaan leefay,
Ma darraato raadkaan dhigaan ,dib ugu soo laabtay,
Sidii aan dayaysnahay miyaan ,dawga ka habaabay,
Waxba hadalku yuu ila durkinee ,waxaan kusoo duubay,
Mar uunbay daruur caafimaad ,dooxa soo rogiyee,
Dariigaa abaarta ah marbaa ,doog kasoo bixiyee,
Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaha qubiyee.
Drs. Hoodo Yusuf, London, UK.
yhoodo@yahoo.com.