Ma kobcinaa dhaqaalaha haweenka? (WQ: Khadra Maxamed Jaamac)

 

In kastoo haweenka lagu qiyaaso kala badh  dadweynaha adduunka haddana marka la eego dhinaca dhaqaalaha xaaladdoodu aad bay u liidataa. Dhaqaalaha adduunka badankiisu wuxu gacanta ugu jiraa rag, shaqooyinka wanaagsan badankoodana waxa haysta rag. Sababtaas darteed ayaa culimada cilmiga bulshadu qaarkood haweenka ugu yeedhaan “The 52% minority” oo macnaheedu yahay “dadkii tiradoodu 52% ahayd, haddana laan-gaabka ahaa”. Waxa looga jeedaa iyadoo tirada haweenku ay u dhiganto amaba ka badan tahay tan ragga ayaa haddana awoodda haweenku ay aad u hoosaysaa.

Waddamada adduunka dumarku dhinaca dhaqaalaha waa ay ku kala awood badan yihiin. Waddamada horumaray xaaladda dhaqaale ee dumarku waa ay soo wanaagsanaanaysay sannadba ka dambeeya, iyadoo dumarka shaqooyinka wanaagsan helaya iyo haweenka ganacsiga fiican haystaa ay kordhayaan hase ahaatee dunida saddexaad oo Somaliland ku jirto dumarka badankoodu waa ay faro madhan yihiin.

Haweenku waa laf-dhabarta qoyska. Dalkeena marka la eego qaar badan oo haweenka ka mid ahi waxay isku darsadeen shaqadii qoyska iyo korintii ubadka oo ay ku kaliyeysteen, iyo dhaqaalihii qoyska oo ay isla iyagu soo saaraan. Rag badan ayaa ka soo bixi kari waayey masuuliyaddii dhinaca dhaqaalaha ee qoyska, taas darteed haweenka ayaa ku khasbanaaday in ay doorkii hooyonimo iyo kii aabonimo labadaba buuxiyaan. Bal suuree hooyada isku darsatay carruurtii oo lagaga tagay ama saygeedii ka geeriyooday iyo faro-madhnaan. Waa xaalad xanuunkeeda qofkii hooyo ah oo kali ahi dareemi karo.

“Aabahay inta aan garaadaystay muu shaqaynayn, hooyaday ayaa dibedda iyo gurigaba nooga soo shaqaynaysay. Haddii aanay hooyaday noo shaqaynayn, waxbarasho fursad umaan heleen. Hooyaday waan jecelahay” ayay tidhi Nasriin Maxamed oo Hargeyska ku nool da’deeduna 21 jir tahay.

Waddamada ay haweenku ku badan yihiin ganacsiga iyo wax-soo-saarka waxa la ogaaday in ay ka horumar wanaagsan yihiin waddamada haweenkoodu aanay dhaqaalaha door ku lahayn.  Daraasado dunida laga sameeyey waxay muujinayaan in waddamada haweenka dhaqaalahoodu fiican yihiin ay waxbarashada carruurtu ka badan tahay kana tayo wanaagsan tahay waddamada haweenkooda hayn la’aantu ku badan tahay. Sidoo kale, haweenka waxa la ogaaday in ay xagga tashiilidda iyo maaraynta dhaqaalaha qoyska kaga fiican yihiin ragga.

Sidaas oo ay tahay mushaharka ay haweenka dunidu qaataan aad ayuu uga hooseeyaa marka loo eego ragga ay isku aqoonta iyo waayo-aragnimada yihiin. Sidoo kale, shaqooyinka inta badan haweenka la siiyaa waa ay ka derejo hooseeyaan kuwa ay raggu qabtaan.

Daraasado wakhtiyadan dambe la sameeyey ayaa lagu ogaaday in haweenku xagga shaqada kaga daacadsan yihiin kagana karti badan yihiin ragga. Taas ayaa sababtay in shariikadaha waaweyn ee dunida badankoodu ay hadda haweenka ka door bidaan ragga. Shariikadiba ta ay ka haween badan tahay ayay ka wax-ku-oolsan tahay kana shaqo wanaagsan tahay.

Waxa loo baahan yahay in hooyooyinka iyo haweenka Somaliland aynu siino fursado dhaqaale, haddii ay tahay shaqooyin, fursado maal-gashi, daymo ganacsiyo lagu bilaabo, tabobarro iyo wax kasta oo horumarkooda dhinaca dhaqaalaha kor u qaadaya. Haweenka oo la horumariyaa waxay ka dhigan tahay dalkii oo la horumarinayo.

Khadra Maxamed Jaamac

Hargeisa