Dhibaatooyinka nafsiyeed ee gudniinka gabdhaha (WQ: Hana Cabdi)

 

Sida aynu isla qirsan nahay gudniinku khasaare mooyee faa’iido uma laha gabdhaha. In badan ayaa laga hadlay dhibaatooyinka aadka u daran ee dhinaca caafimaadka iyo dhinaca bulshada ah ee guniinku gabdhaha ku hayo. Maqaalkan waxan jecelahay in aan kaga hadlo dhibaatooyinka nafsaaniga ah ama “pysychological-ka” ah.

Marka koowaad ee gabadha gudniinka lagu samaynayo waxay ka dhigan tahay in abuurteedii Ilaahay u dhaliyey la dhalliilayo marka la jarjarayo xubinteedii taranka. Waxay gabadha yar ugu dhandhami kartaa in laga jarayo cad xun iyo wax aan wanaagsanayn oo jidhkeeda ku yaal, taas oo keeni ay nafteeda ka niyad jabto.

Marka ay weynaato waxay la kulantaa naxdimo fara badan oo taxan. Marka la guursanayo waxa ku yimaadda dhibaatooyin nafsaani ah iyadoo muddo dheer ka sii baqata xanuunka xad-dhafka ah ee ay la kulmi doonto wakhtiga arooska marka la kala jarayo xubinteedii la isku tolay markii la gudayey.

Cabsidaas oo raad maskaxeed ku yeelata waxa u sii raaca iyadoo haddana ka sii baqata galmada xilliga aqal-galka taas oo uu ninku marar badan u tago haweenayda iyada oo aan ka bogsan naburkii ku yimid markii la furayey xubinteeda taranka. Xanuunka wakhtiga galmaduna wuxu ku sii keenaa cillado kale oo nafsaani ah oo haweenka qaarkood ku keena in ay ragga oo dhan karaahiyeystaan, galmadana u arkaan wax xun oo xanuun lagu xasuusto.

Wakhti kasta oo gabadha gudan ay fooshu ku soo dhawaato waxa ku yimaad cabsi fara abdan oo ay ka baqayso xanuunka ku iman doona jarjaridda lagu samayn doono marka ay umulayso, taas oo dhibaato maskaxeed oo aan xad lahayn ku keenta hooyada.

Beryahan dambe waxa soo badanaya ragga raadiya gabdhaha aan gudnayn ee ah sidii Ilaahay u dhaliyey. Taasina waxay niyad-jab iyo werwer ku keentaa hablaha gudan oo dareema in iyaga ay wax ka dhiman yihiin ama ay mustaqbalka waayi doonaan cid guursata maadaama ay rag badani bilaabeen in ay hablaha aan gudnayn ka door bidaan kuwa gudan.

Arrimahaas oo dhan oo is biirsaday waxay haweenayka ku keenaan culays maskaxeed iyadoo ay haweenka qaar marka dambe isku arkaan wax liita ama iimo badan leh taas oo ku keeni karta mustaqbalka fog isku buuq iyo qulub.

Walaalo, maadaama uu gudbniinku leeyahay dhibaatooyin maskaxeed, kuwo caafimaad iyo kuwo ijtimaaci ah miyaanay inala habboonayn in aynu hablaheena ka dhawrno ilayn haddii kale mustaqbalka ina cafin maayaane.

Anigu hablaha aan la dhashay iyo kuwa aan dhali doonaba waan ka dhawrayaa gudniinka. Adiguna?

Hoos ka akhriso maqaal hore oo ay qortay Hana Cabdi:

Horumarinta haweenka iyo hadafyada caalamiga ah

Somaliland Y-PEER