Sidee loo joojin karaa tacadiyada ka dhaca  qoyska dhexdiisa? (WQ: Maxamed Cabdi Cabdillaahi)

 

Tacadiyada ka dhaca qoysaska dhexdooda (guryaha) ayaa xiliyadan danbe si aad ah ugu soo badanaya wadanka Somaliland. Tacadiyadan oo isugu jira dhowr nooc ayaa waxa ay ka dhexdhacaan dhmaan qaybaha kala duwan bulshada, sida kuwa noloasha hoose ku nool iyo kuwa wax haystaba. Tacadiyada ayaa inta badan waxaa lagula kacaa haweenka, kaas oo ay sameyaan qaar ka mid ragu. Waxa sidoo kale jirta in qayb yar oo haweenka ka mid ahi ay Iyana sidoo kale mar mar ku kacaan tacadigaas iyaga oo ku samaynaya haweenay kale ama nin-ba.

Nooca ugu khatarta badan ee tacadiyada ka dhaca qoysaska dhexdooda (guryaha) ayaa ah ka gacan ka hadalka ah kaas mararka qaar keena dhaawac weyn ama keeni kara dil ama dhimasho. Sidoo kale qofka gaysta tacadiga ayaa marar badan waxa kale oo dhibka u gaystaa dadka kale eek a dhow sida caruurta, kuwas aan iyagu waxba gaysan lakiin uu uga jeedo si uu utuso cadhada uu u hayo qofka haweenka ah in ta ay leg tahay iyo wax ku dhici karaba.

Nooca kale ee tacadiyada ka dhaca qoysaska dhexdooda (guryaha) ayaa ah isga oo qof lagu sameeyo hanjabaad iyo cabsi galin taas ku keenta xanuun iyo cabsi badan oo dhanka nafsiyada ah. Waxa kale oo jirta in iyana dhanka dhaqaalaha raga qaar ay ugu cago-juglayn amaba ugu hanjabaan qofka haweenka dhaqaalaha qoyska. Waxa dhacada in ay biilka reerka ka joojiyaan ama ku yareeyaan si cadaadis gaar ah ay uga dhigaan. Caruurta iyo dadka kale ee qoyska ka md ayaa iyagu ka barta rabshada, dagaalka iyo aflagaada qofka qoyska ka mid ee ku kaca. Caruurta ayaa iyaguna sameeya mid la mid tii ay ka arkeen qofka weyn ee qoyska ka mid ah, gaar ahaan abaaba.

Qof kasta oo ka mid dadka ku nool gurigaas uu tacadigu ka dhexdhacay ayaa dhibkiisu soo gaadhaa ha ugu sii darnadaan caruurta yar yari e. Waalid, adigaa ayaa ka masuul ah in aan wax tacdi ah ka dhicin gurigaaga dhexdiisa. Hadii uu waalidku dareemo (Aabaha ama hooyada) in qof qoyska ka mid ahi, sida aabaha, uu tacadi ku kici karo, waxaa haboon in si dagan oo wayeelnimo ku jirto loo waaniyo ka hor inta aanu ku kicin. Hadiiba ay dhacdo in mid ka mid ah ficilada tacadiyada uu ku kaco ninkaasi ama gabadhaasi, waa in goobaha sharciga la soo wargliyaa ama cidii kale ee markaas wax ka qaban karta. Talaabadaas ayaa wax ay daawo ka tahay in qofkaas dib aanu ugu kicin dhibkaas oo kale isla markaan uga waantoobo.

Hoos ka akhriso maqaal hore oo uu qoray Maxamed Cabdi Cabdillaahi

http://bandhige.com/gabdhaha-ha-la-siiyo-dhaxalkooda-wq-maxamed-cabdi-cabdilaahi/