Bismilaah, marka hore Illaahay baa mahad leh mar labaadka Alle haynaga dul qaado abaaraha baahsan ee guud ahaan saameeyay jamhuuriyada Somaliland, intaa kadib waxaan wax yar ka hadli doonaa abaaraha sannad walba soo noq-noqda, saamaynta ay ku yeeshaan dad iyo duunyaba iyo waxyaabaha lagaga hor tagi karo iyadoo mar walba raxmaadka eebe ay tahay mid waasaca iyadana aynu kaga bixi karno abaarahaas.
Hadaba abaaruhu waxay u qaybsamaan laba qaybood oo kala ah kuwo dabiici ah oo Illaahay keeno iyo kuwo ay keenaan aadamuhu, abaaraha ay keenan aadamuhu waxa keena xaalufka aadamuhu ku hayaan dhirta iyo daaqa iyadoo mar wal oo la jaro dhirta ay keenayso nabaad guur iyo abaar, halka, abaarta dabiiciga ahina aan waxba bani-aadamku ka qabin karin iyadoo ah mid Illaahay keeno oo dabiiciya.
Aniga fikir ahaantayda waxay ila tahay haddii maskaxda aynu ka shaqaysiino waxaynu wax badan waynu ka hortagi karnaa abaarahaas waxaanan ku soo koobay qodoba lagaga hortagi karo qodobadan.
- In biyaha oo si wanaagsan loo maamulo lana kaydiyo si loo isticmaalo xilliyada roobka ay aad iyo aad muhiim u tahay.
- Hagaajinta ama samaynta biyo-xidheeno ama biyo-qabatino biyaha aynu ku kaydino .
- Ka hortagida xaalufinta dhirta oo qeyb weyn ka qaadata abaaraha.
- In la sameeyo daraasado isla markaasina khuburo loo diro ku xeeldheer arimaha deegaanka.
- Sharci adag oo laga soo saaro xaalufinta dhirta iyadoo ay tahay in wasaarada deegaanku arinkaa xoojiso sidii loo xakamyn lahaa xaalufinta deegaanka.
- In la sameeyo goobo lagu barto culuumta deegaanka iyadoo faa’ido weyn u ah bulshada in la baro arimaha deegaanka iyo ilaalintiisa.
- In la keeno waxyaabo lagu baddalayo dhuxusha sida shooladaha iyo waxyaabaha kale la midka ah ee wax lagu shito sidoo kalena,dhir badan la beero si nabaad guurku u yaraado.
Ugu dambayn waxaan soo jeedin lahaa haddii shacab iyo xukuumadba lays kaashado oo qorshe wanaagsan laga soo saaro arrimaha abaaraha waxaan qabaa in aynu wax badan ka qaban karno, iyadoo ugu yaraan hal biyo-xidheen oo aynu samaynaa wax badan ka tari lahaa , Illaahayna abaartaas haynaga dul qaado haddii dhammaanteen aynu isku tagno waxba ma qaban karno laakiin waxaynu raxmaanka ka rajaynayaa in raxmaadkiiska inoo shubo.
Wabilaahi tawfiiq.
Cabdiwahaab Tooxyare.
Suxufi,qoraa ah.
Hargeysa, Somaliland.
00 252 63 4139709.