Maalinta Wacyigelinta Xanuunnada Beerka (WQ: Dr- Abdikarim D Hassan)

Sanadkasta 28/07 waxa loo asteeyay maalinta ku wacyi gelinta xannuunada beerka iyo guud ahaan caafimaadka beerka. Hadaba aan idinla wadaago macluumaad guud oo kusaabsan Beerka iyo daryeelkiisa.

Beerku waa xubinta labaad ama Organ-ka labad ee ugu balaadhan jidhka, waxa xajmi ahaan ka wayn uun Maqaarka.

Miisaankiisu wuxuu u dhexeeyaa 1.4 -1.5 kg raga; iyo 1.2-1.4 dumarka. waxa uu ku yaal feedhaha gadaashood dhanka midig ee jidhka.

Beertu waa xubin awood mucjiso ah u leh in uu kasoo kabto dhaawaca soo gaadha. Hadii qof uu qayb beerkiisa ah ugu deeqo qofkale, intii uu ku deeqay waxa uu kusoo ceshan karaa 30 cisho. Hadii xanuun (Fayras oo kale) si degdeg ah u dilo unugyada beerka oo uu burburiyo 70%, beertu marka uu si buuxda u caafimaado dib ayuu usoo samayn karaa unugyo cusub.

Beertu waa qanjidhka jidhka ugu wayn, wuxuu ka qayb qaataa dhamaan shaqada jidhku qabto. Ma jirto ama waa naasir howgal aanu qayb ka ahayn.

Shaqada sida gaarka ah uu Beerku u leeyahay waxa ka mid ah in uu Jidhka ka sifeeyo sunta, hadhaaga dawooyinka, iyo hormoonada laga maarmay. Sidaa darteed inta badan dawooyinka bukaanka lagu daweeyaa hadii ay xadkii la rabay dhaafaan waxay ugu horayn dhaawacaan Beerka.

Shaqooyinka kale ee Beerku qabto way tiro badan yihiin laakin tusaale ahaan:

Beerku wuxuu caawiyaa xinjirowga dhiiga. Beertu wuxu sameeyaa Cholesterolka iyo dheecaanka xamaytida. waxa uu kaydiyaa oo dhiiga ku shubaa sonkorta marka loo baahdo. Waxa uu kaydiyaa xadiidka(iron) waxa uuna ka qayb qaataa samaysanka unugyada dhiiga ee cascas. Maadada Ammonia oo sun ah ayuu u bedelaa Urea taas oo kelyuhu jidhka ka saaraan. Wuxuu sameeyaa unugyada jidhka difaaca ee la dagaalama xanunka. Liisku aad ayuu u dheer yahay waxaanay tilmaamaysaa in ku baraarug sanaanta xaafimaad ka beeru yahay mid lagama maar maan ah.

Hadii beerku bukoodo waxa la qiimeeyaa dheecaanada beerku sameey, in ay yaraadeen ama in ay kordheen. sidoo kale waxyaalaha loo adeegsado baadhitaanka beerka waxa ka mid ah Ultrasound, CT scan iyo baadhitaano aad u tiro badan oo xannuuno kala duwan lagu baadhi karo.

Sidee loo daryeeli kara Beerka:

Ugu horayn ku dadaal in aad miisaankaasu in uu noqdo mid ku haboon dhererkaas (suitable MBI)

Iska ilaali dawooyin aan daruur kuu ahayn iyo cuntada nadaafadeedu liidato.

Cun cunto isku miisaaman: iska ilaali subaga badan, saliida la warshadeeyay, sonkorta badan, khudrad cagaaran badso, iyo biyo badan oo nadiif ah.

Si joogto ah u jimicso. iskana ilaali alkahoolka iyo sigaarka iyo daroogooyinka kaleba.

Ka digtoonow in aad isticmaasho ama lagugu duro irbad qofkale loo adeegsaday, in lagugu shubo dhiig aan la hubin in uu caafimaad qabo.

Si joogto ah u faraxalo, ku dadaal in aad qaadato tallaalka xannuunka cagaarshowga, iyo in aad dawooyinka u qaadato sida dhakhtarku kugula taliyo.

Allah mahadleh