1.0 Hordhac
- Gudniinka fircooniga ahi waa xaalad lagu jaro dhamaan ama qayb ka mid ah xubnaha taranka ee haweenka iyadoo loo samaynayo sababo dhaqan ahaan.
- Gudniinka fircooniga ah waa caado ku xidideysatay suudaan, waxaana markii ugu horaysay lagu soo rogay iyadoo la kawsatay furashadii masaaarida hore ee ay suudaan ku qabsadeen lagama gudbin isticmaalkiisa ilaa manta, sidoo kale waxaa caadadaa xun lagaga dhaqmaa wadamada soomaalidu degto, beriga afrika iyo indoonisiya, murataaniya, itoobiya & wadamada carabta.
- Waxa muuqata in fikrada gabawdey ee ah in xubnaha galmada ee haweenku ay sharafta ka soo horjeedaan ay weli tahay mid dadyaw badani ay aaminsan yihiin.
- Inta aanan guda gelin dhibaatoyinka ka imaada gudniinka noocan ah ayaan rabaa inaan fasir ka bixiyo xubno galmeedka muuqda ee haweenka, si akhristeyaashu u helaan fahamka sugan ee waxa dhacaya iyo inta dhibaatadu ay leeg tahay.
1.2 Tirokoobka gudniinka fircooniga ย
- Waxa lagu qiyaasaa dunida in 100 ilaa 140 milyan oo haweena la guday, 92 milyan oo ka mid ah waxay ku nool yihiin qaarada afrika, qaarada afrika waa qaarada ugu badan, wadamada laga isticmaalana waxaan ka xusi karnaa soomaliya, itoopiya, nijeeriya iyo masar.
- Waxa la qiyaasaa dunida oo dhan in halkii daqiiqo la gudo haween gaadhaya afar, sanadkii waxay noqoneysaa 20 milyan oo haweena in la gudo sanadkii.
- Waxa kale oo gudniinka fircooniga ahi ku soo badanayaa qaarada yurub, waxaana lagu qiyaasaa sanadkii 500,000 oo haweena la gudo, waxaanay badi u badan yihiin dadka soo galaytiga ah ee yurub u soo haajiray.
1.3 Xubno galmeedka haweenka
Xubno galmeedka haweenku waxay ka kooban yihiin qaybaha soo socda
- Labada dibnood ee waaweyn: waa laba dibnood oo harag ah oo dhaadheer oo ku fidsan inta dhaxeysa koodka iyo xuubka saxaaxa, waxay ka kooban yihiin soohyo baruureed iyo lafeed, shabagyo xiddido dareen, qanjidho dheecaamo sii daaya sida Bartoliin oo hela xaddi badan oo dhiig ah.
- Labada dibnood ee yar yar: waa laban lab oo harag jilicsan ah oo ku yaal dibnaha waaweyn dhexdooda oo iyaguna hela dhiig aan yarayn, waxayna gadaal kaga xidhmaan xuub-bikreedka, horena intay kulmaan bay daboolaan feetinka (kintirka), waxaana dhexdooda ku yaala ibta daboolka dhuunta kaadimareenka iyo kan makaanka (ilmogaleenka) ku xidhma.
- Feetinka (Kintirka): feetinku waa xubin kici karta, waana xubin aad u dareen badan oo leh shabag xiddidood hodan ah, wuxuu ka samaysan yahay sooh haluulaysan oo hela in badan oo dhiig ah, wuxuuna ku yaala sidii aan hore u sheegnay meesha ay dibnaha yariyari ku kulmaan, jiridiisuna waxay ku taalaa meel hal xubin xaga hore ka xigta ibta dhuunta kaadimareenka.
Feetinka (kintirka) looma abuurin micne la,aan ee wuxuu leeyahay hawl dabiici ah oo muhiim ah maxaa yeelay sida xubinta taranka ee ragu u kacdo ayuu isna u kacaa, markaa dareen galmeed jiro ayuu dhiig ku shubmaa dibnaha waaweyn, intaa ka dib qanjidhada dheecaanka ayaa bilaaba inay soo daayaan dheecaamo si falka galmadu u dhib yaraado, gabadhuna ugu raaxaysato. Xubnaha galmadu dhamaantood waxay gutaan hawl muhiim ah ooย kabadan inta dadka badidiisu u malaynayaan.
1.4 QAYBAHA LOO QAYBIYO GUDNIINKA FIRCOONIGA
- Gudniinka fircooniga waxa loo qaybiyaa afar qaybood:
- Nooca koowaad: waa marka la jaro feetinka (kintirka) gabadha dhamaantii ama qayb ka mid ah.
- Nooca labaad: waa marka la jaro dabnaha yaryar iyo kintirkaba, waxaana haweenayada loogu darayaa qodob ama xidhniin.
- Nooca saddexaad: waa marka labada dabnood ee waaweyn la jaro, Waxaana la soo yareynayaa daloolka xubinta taranka
- Nooca afaraad: lama garanayo sida loo sameeyo, wadamada qaarbaa gubniin ama dab isticmaala, waana nooca ugu xun.
ย 1.5 Sida loo sameeyo gudniinka
- Gudniinka fulintiisa waxaa laga maarmaan ah goynta inta badan ee dibnaha waaweyn oo hoosta laga dheego, kuwa yaryar oo la gumaado ama feetinka dhamaantii in gunta laga xaabiyo. Markaa ka dib qori dheerbaa lagu takhlaa laba dhexaada dibnaha waaweyn si markaa nabarku isku bogsado uu u soo hadho dalool yar oo kaadidu soo marto, isla kaas oo ahaan doona meesha uu dhiiga caadadu soo mari lahaa marka ay gabadhu baaluqdo.
- Marka daloolka qoriga lagu mudo ayaa labada lugood ee gabadha laysku xidhaa muda u dhaxeysa todobaad ilaa afartan beri si loo xaqiijiyo inuu dhaawicii isku bogsaday.
- Sidaas aadka u sahlan ayaa agteena haweeneyda looga xayuubiyaa xubnaheeda taran galmeedka loogana afqabtaa xiisihii nolosha ugu weynaa, waxaana gabadha ku abuurma cuqdad ay ka qabto bulshada sidoo kale wuxuu ka xidhaa xasiloonida iyo raaxada galmada, tani waxa ay gabadha ku abuurtaa xanuuno nafsaani ah iyo dareenkeeda jinsi inuu noqdo mid qabaw, taasi waata maanta abuurtay in qoysas badani ku kala tagaan ama qoysku in aanu ka bixin xasarad joogta ah.
1.6 Sababaha loo sameeyo gudniinka fircooniga ah
Sababo badan ayaa loo sameeyaa gudniinka fircooniga ah waxaana ka mid ah:
- Sababo dhaqan ahaan sida inuu dhasha kordhiyo ama uu fududeeyo dhalmada.
- Sababo maskax ahaaneed sida inuu ilaaliyo inanimada oo gabadha la xidho, inuu ka hortago in furniin dhaco iyo inuu ka hortag uga yahay kufsiga.
- Sababo qurux iyo Nadaafad ahaaneed, dadka qaar ayaa aaminsan in walxo ka mid ah xubinta taranka ee haweenku ay nijaas tahay.
- Sababo diineed, dadka qaarbaa aaminsan in waajib ama sunne diiniya ay tahay Samaynta gudniinka haweenku.
- Sababo dhaqaale, hablaha la gudo waxa laga bixiyaa dhaqaale badan sida geel iyo adhi oo kale.
1.7 Dhibaatooyinka gudniinka fircooniga ah
- Suuxdin-darada: Jugta qaliinku waxay sida badan ka timaadaa fal qaliin oo aan suuxdin loo isticmaalin taasoo ah sida loo sameeyo gudniinka fircooniga ah, waxayna gabadha u keeni kartaa dhimasho, cadaadiska dhiiga, iyo gaasirinka awoodeeda neefsiga ama waxay dhaxalsiin kartaa xusuus aanay ilaawin weligeed inta ay nooshahay.
- Kala-bax ama jabniin soo gaadha gabadha la gudayo maxaa yeelay awooda lagu hayo iyo xanuunka ay dareemayso waxa dhacda inta badan in ay xoog isku dhufato gabadha yar ee la gudayo.
- Dhiigbax: dhiigbaxa waxaa sababa aqoon la,aanta haweeneyda wax gudeysa aanay aqoon u lahayn xubnaha ay goyneysaa iney heleen dhiig badan, taasoo ah sababta ay gabadhu si fudud ugu dhiigbixi karto.
- Holoca iyo caabuqa: caabuqa waxa keena jeermiska sida caadiga ugu nool jidhka dadka iyo alaabta la isticmaalayo, gaar ahaan xubnaha galmada oo jeermisku hadhsado, taasina waxay holoc iyo caabuq ku keentaa guud ahaan jidhka gabadha, gaar ahaana xubnaha taranka ee gabadha.
- Xidhanka kaadida iyo dhiiga caadada: waxay dhici kartaa xidhanka kaadida iyo caadaduba laba jeer oo kala ah, marka qaliinku socdo ama qaliinka gudniinka ka dib, waxaa kale oo dhici karta in daloolka la reebay uu cidhiidhyamo marka nabarku bogsado ka dib.
- Qandhada dhalmada: haweenayda gudniinka fircooniga lagu sameeyay markast oo ay dhalayso waxay u baahan kartaa hareeraha xubinta taranka la jaro si ilmuhu u soo maro taasina waxay keentaa qandho badan, intaa ka dib haweenaydu waxaa ku dhalata baqdin badan taasina waxaa lagaa yaabaa inay fashilaad ku keento foosha hooyada.
- Ma-dhalaysnimada: tirakoobyadu waxay si cad u muujinayaan in 20-25% xaaladaha dhal-la,aantu ay ka yimaadaan gudniinka fircooniga ah.
Xigasho
- Buuga hilinka qumman ee caafimaadka
- Ururka caafimaadka adduunka, xog-ururin ay sameeyeen xafiis goboleedka barriga bada cad
Waxa Qoray: Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan