Dibadbaxyada ka socda Maraykanka oo galay maalintii shannaad

Dibaxyadda ka socda qaar ka tirsan magaallooyinka Maraykanka ayaa waxay galeen maalintii shannaad, dibadbaxyadan ayaa waxa looga soo horjeedaa dilalka iyo tacadiyada boolisku u gaystaan dadka Madowga ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Madxaweynihii hore George Bush ayaa maanta oo Salaasa ah tagaya magaalada Dallas ee gobolka Texas, halkaasi oo xus looogu samaynayo shan askarta booliska ka tirsanaa oo nin madow uu halkaasi ku dilay.

Madaxweyne Obama ayaa la filayaa in uu ka hadlo dilkii askarta, waxaana la filayaa in uu isku soo dhaweeyo dadyowga Maraykanka oo qaarkood kala qeybsan.

Sidoo kale waxa la filayaa in uu ka hadlo dibadbaxyada ka socda ka qaar ka tirsan magaallooyinka waaweyn ee Maraykanka.

bandhige@gmail.com