Maxay U guursan Waayeen? Qaybtii Labaad

W/Q: C/raxmaan Hayaan

Waxa ay dhowr sano soo dhaaftay da’da hablaha intooda badani ku yeeshaan bayd iyo baro. Inkasta oo aan qofna qof la mid ahayn oo qof waliba wakhtigiisa iyo calafkiisa leeyahay, haddana aqlabiyaddii dumarkii ay isku da’da ahaayeen waa la hooyay. Waxa ugu danbaysay inantii ay illaa yaraantii wax soo wada baranayeen oo ay wakhti xaadirkanna goob ka wada shaqaynayeen oo habeen dhawayd lala aqal galay iyada oo lafteedu in badan isa samirsiinasay.

Ma dabeecad xuma oo maaha naag raggu marka ay la hadlaan ka yaacaan, mana aha qof dhaqan xumo iyo akhlaaq liidata ku sifowday. Ilaahay waxa uu u dhaliyay furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan, wajigeedana sujuud baa ka muuqata, xataa waxaa loo maleeyaa in ay salaatul layl tukato Ilaahay baa oge. Mana aha qof lagu bartay dhaqanka ay raggu aadka uga boodaan ee isla weynida, ee qof is dhul dhig badan oo waxyaabo badan oo ka soo gaadha asxaabta rag iyo dumarba is dhaafisa ama liqda oo aan wax weyn ka soo qaadin.  Waa haweenay aqoon-yahand ah oo degganaan iyo maskaxna ku darsatay.

Maaha naag marka ay raggu la hadlayaan afka taagta oo ay ka dareemaan ixtiraam darro iyo ka jeedjeedsi, balse waxa lagu majeertaa inay leedahay qadarin heerka u sarreeysa marka la eego sida ay dadka iyo rag iyo dumarba u qiimayso. Waji maxbuus maaha oo halka ay joogto asxaabta oo dhan baa u soo nafis iyo sheeko doonata, waa qof furfuran oo waji bashaash ha leh. Dadka ay la shaqaysaa waxa ay u hamuumyadaan wada shaqaynteeda iyo in ay isku raacaan shaqada haddii la tagayo meelo fogfog, waayo qof qalbi furan oo sheeko badan sidaa daraaddeed ogaan maysid goor aad gaadheen halkii aad u socoteen.

Maaha dumarkan ku fogaaday u doodista xuquuqda haweenka ee loo yaqaanno Feminist-ka, waa qof maskax furan, waxa ay mar walb doodeheeda ku so dartaa, marka ay hadlaysana laga dhadhansadaa in ay arrimhaa dhexdhexaad ka tahay oo macneheedu yahay, in dumarku waxa ay xaq u leeyihiin ee diintu siisay ay helaan, waxa kale ee meelahaa laga soo waaridayna ay iska dhaafaan.

Haddana sidaasooy tahay, da’daasoo ay jirto dhaqankaa wanaagsan iyo dumarnimadaa ay leedahay illaa immika ma jiro nin kaliya oo ay xataa si gaar ah u wada hadleen, dadkaasoo dhan waxa ka dhexeeya arrimahaa guud ee ay ka wada hadlaan ee ama shaqo leh ama arrimaha kale ee bulshada, dhammaantoodna isku in bay u wada jiraan, isku si bay ula wada kaftantaa isku si bay u wada salaantaa. Xataa arrimaha gayaanta iyo guurka kaftanku waa uu galaa mararka qaarkood. Waxa ay dhibi ka haysataa in ay qof si gaar ah xidhiidh ula samayso ama haddii aynu si kale u dhigno waxa ay ku liidataa haasaawaha!!

Illayn waa dumar uune, rag badan baa damac ka galay, markii ay arkeen asataamahaa iyo sifooyinkaa aynu soo tilmaannay oo ku hammiyay inay guur u bandhigaan maadaama oo tahay qofka sidaa u qalaiga ah, balse waxa ay kala soo noqdeen hungo iyo gacan madhan. Haddaba sababtu maxay tahay? Malaha cabsi badan oo ay ragga ka qabto iyo waxa ay maqashay mooyaane, Mar kasta oo nin intuu u yimaaddo arrimo gaar ah kala hadlo ama is yidhaahdo xidhiidh la bilaw oo ku yara dhadhawow, waa ay ka urursataa, iyada oo aan garanayn sababta. Ragga gayaankeeda ah ee ay wada shaqeeyaan ama ay si kale isku bartaan qaar badan oo ka mid ah oo isku dayay inay xidhiidh la sameeyaan, markii ay dhowr jeer la hadleen waa ay ku hungoobeen.

Haddaba side wax u jiraan? Waxa ay leedahay dhaqan cajiib ah oo aan dadka inta badani lahayn. Waligeed nin telefoonkiisa umay garaacin haasaawe iyo xiise kalgacal, iska daa in ay u garaacdee xataa ka dhowr jeer soo waca ee ay iska fahmayso inuu haasaawe doon yahay waligeed kuma ay celin, haddii ay marka hore ka qabn weyday,  ama mar kale iskeed uma ay wacin laakiin ninka soo garaaca si fiican bay ula hadashaa oo ixtiraam iyo qadarin leh.

Marka kaliya ee ay raggaa telefanka ka garaacdaa waa marka ay shaqo kala hadlayso amma arrin kale oo guud weydiinayso. Kadib nin waliba waxa uu u qaataa uun in aanay haasaawe guur ka horreeya diyaar u ahayn! Waxa ay ku guul darraysatay in ay soo socoto 25% kii dumanimo ee laga doonayay marka uu ninkii soo socday 75%. Waayo weerar kasta waxa iska leh labka, dheddigga waxa laga doonayaa uun aqbalaadda iyo ishaarada in ay diyaar u tahay. Arrinta kale ee raggu uga maagayaa waa aqoonteeda iyo waayo argnimadeeda oo ay aaminsanyihiin in ay go’aan kasta oo gaadhaysaa yahay mid ya si weyn u falanqaysay oo ay ka baaraan degtay, sidaa daraaddeedna wax loogu noqdaa aanu jirin.

 

Dhammaad

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Warsame

cbdrxmngeni@gmail.com