2003-dii Wakhtigii uu Cabdilaahi Yuusuf madaxweynaha ka ahaa Puntland ayuu isku dhac dhexmaray ciidamada Soomaalilaan iyo kuwa Puntland. Soomaalilaana waxa madaxweyne ka ahaa Daahir Riyaale, markaasay warbaahintu Cabdilaahi Yuusuf weydiisay dagaalka dhexmaray labada ciidan. Wuxuu yidhiโ Adeer Riyaale muxuu dagaal ka yaqaanna, waa nin yare cimrigayga inta ugu badan ayaan dagaal ku soo qaatay, haddana dagaal ma dalbanayo oo waan garanayaa wuxuu yahay. Isagu sheeko ayuu ku maqlay.โ Xaaladda taagan ayaa taasi u eeg maanta.
- Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin noloshooda waxa ay soo qaateen dagaal iyo xabbad, haddana maanta iyaka ayaa nabadda ugu jecel waayo way soo dhandhamiyeen qadhaadhka dagaalku leeyahay. Haddi lagu kelifana waa shaqadoodii.
- Musharrax Cirro iyo musharrax Faysal oo cimrigooda 40% raaxo ku soo dhammaystay ayaa haatan dalbanaya dagaal, iyaga oo aan weligood arag meel xabbadi ka dhacayso. Muqdisho ayey C/raxmaan C/shakuur iyo Raysal wasaare hore Khayre mudaharaad ka dhigeen, markii xabbad lagu riday ayey kabaha ka yaaceen, ileyn qurbaha ayey ka yimaadeen oo weligood meel xabbadi ka dhacayso.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan