Hubka Maraykanka: Sababaha dhabta ah ee Hor Taagan in La Mamnuuco

 

W/Q:  C/raxmaan C/laahi Warsame

 

 

 

 

 

 

Dalka maraykanka waxa lagu tiriyaa dalalka hubka ugu badani dadka gacanta ugu jiro. 100kii qof ee Maraykan ahba waxa ku soo hagaagaya 89 qori. Taa macneheedu waxa weeyaan in tirada qoryuhu ku dhawyihiin tirada guud ahaan dadka ku nool dalka Maraykanka.

Faransiiska 100(boqolkii) waxa ku soo hagaagaya 31 qori ama ku dhawaad 3dii qofba hal qori.

Britain ama ingiriiska tiradu intaa way ka sii yartahay waana 100(boqolkii qof) lix qori. ama haddaynu si kale u dhigno 16kii qofba waxa ku soo hagaagaya 1 qori.

Maraykanka waxa jira dad badan oo ugaadhsato ah,oo tiradooda lagu qiyaaso illaa 10 milyan iyo dad badan kale oo siyaabo kala duwan u isticmaala.  Sidoo kale dalka maraykanka dadka sannadkii ku dhinta qoryaha dadka gacantooda ku jira waxa lagu qiyaasaa ku dhawaad 30,000 qof. In ku dhow 10,000( toban kun), oo la odhan karo saacaddiiba waxa dhinta hal qof, waxay ku dhintaan gacanta  qof gacan ku dhiigle ah (Homicide) oo baas mariya. Inta soo hadhay waxay isugu jiraan dad iyagu qudha iska jara iyo dad si kama’ ah qorigu ugu fakado.

Iyada oo haddaba dadka intaa leegi ku dhintaan maraykanka , haddana dadaallo badan ayaa la sameeyay  sidii looga hortagi lahaa dhimashada intaa leeg. Sharcigii ugu horreeyay ee heer federal ahaa ee lagu xakamaynayo hubka waxa uu ahaa 1930 yadii, waxaan lagu xaddiday qoryaha nooca loo yaqaan Machine Gun oo loo adeegsado danbiyada abaabulan.

1960 yadii waxa la xaddiday hubka laga iibiyo dadka masaxka ka xanuunsanaya. 1990 aadkii Congress-ka maraykanku waxa uu xaddiday iibka qoryaha gacanta ( baaskooladaha) iyo hubka kale ee gacanta lagu qaadan karo. Hubka gacanta lagu qaadan karaa waxa uu lahaa wakhti kooban sharcigiisuna waxa uu dhacayay 2004, iyada oo Congress-ku cusboonaysiiyo mooyee. Illaa laga soo bilaabo 1990 yadii Congress-ka oo ah hay’adda u qaabilsan sharci dajinta maraykanku may samayn hal sharci oo lagu xakamaynayo hubka. Siyaasadda dalkuna waxay u socotay dhinaca kale.  Markii sharciga xakamaynayay hubka gacanta lagu qaadan karo(firearm), la doonay in dib loo cusboonaysiiyo 2004tii, Congress-ku si xooggan ayuu uga hor yimid, taa beddelkeedana waxa uu soo saaray sharci ka  difaacaya qolooyinka hubka iibiya iyo warshadaha hubka sameeyaba  in la dacweeyo, haddii hubkoodu ku lug yeesho toogasho, dil iwm.

2008 maxkamadda sare ee maraykanku(District of Columbia), waxay sii xoojisay sharcigaa danbe ee difaacaya lahaanshaha hubka, iyada oo dhinac iska dhigtay, sharcigii mamnuucayay hubka gacanta lagu qaato. Inkasta oo maxkamaddu sheegtay in qaar ka mid ah sharciyada xakamaynta hubku ay wax ku ool yihiin, haddana may sheegin kuwa ay yihiin.

2013  xubnaha Congress-ka ee u dooda xakamaynta hubka ayaa dadaal dheer u galay sidii loo adkayn lahaa sharciyada xakamaynta hubka, kuwaasoo uu ka mid yahay,in dib loo soo celiyo xeerkii 2004 Congress-ku diiday ee hubka gacanta(Assault weapons), balse Congress-ku mar labaad ayuu ka hor yimid sharcigan, iyo waliba kuwo kale oo ay ka mid yihiin in hubin iyo dabaggal lagu sameeyo kuwa hubka iibiya.

Haddaba si aynu u fahanno sababta Congresska maraykanku marwalba uga hor imanayo sharciga xakamaynta hubka, waa inaynu marka hore isla eegno halka dadweynaha maraykanku ka taaganyahay siyaasadda hubka.

Dalka maraykanka marka la doonayo in la eego aragtida ay dadweynuhu ka qabaan arrin markaa taagan, waxa loo eegaa saddex siyood oo la xidhiidha ra’yi ururinta.

Direction (of an opinion), oo sheegta in shacabku arrin laga hadlayo raacsanayihiin oo oggolyihiin ama ka soo hor jeedaan.

Intensity (of an opinion), oo iyaduna lagu ogaado, Muhiimad intee leeg ayay dadku u hayaan ariinta, iyo ta ugu danbaysa oo ah

Salience (of an opinion), oo  tilmaanta Muhiimad intee leeg bay dadku u hayaan shay ama arrin, marka loo eego arrin kale.

La soco  qayba labaad…..

C/raxmaan C/laahi Warsame

cbdrxmngeni@yahoo.com

Harvard Kennedy School of Government(online)

Hargeysa Somaliland.