Midnimo iyo kala tagis iyamaa maanta dalalka adduunku ku hawlan yihiin? (WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud)

Waxa aan ka bilaabayaa dooddayda Midaw iyo adduunka maanta ah. Ma ogtahay intii ay Soomaali burbursaneyd inta waddan ee adduunka isku yimi ama kala dhaqaajiyey? Adduunka aynnu maanta joogno ma jiraan wax midoobaya wax sii kala tagaya ma ogiye. Bal eeg Midawgii Yurub oo ahaa kan adduunka ugu weyn ugu na dhaqaalaha badan oo ay 7 waddan danneynayaan in ay baxaan ka dib markii UK albaabka jabisay.
Bal eeg 1991 sidii uu Soviet Union 15 dal ugu kala dhaqaaqay.

Wakhtigaa waxa uu ahaa xooggii ciidan iyo dhaqaale ee adduunka kula loolamayey Reer Galbeed. Sidoo kale bal eeg dalkii weynaa ee la odhan jiray Yugoslavia oo aakhirkii 6 waddan u kala baxay. Waxa iyana jira in 1990 Namibia ay South Africa ka baxday. Sannadkii 1991 waxa dalka Maraykanka oo inta badan dadku u haysto waddan adag oo aan waligii kala dhaqaaqeyn ka baxay oo xorriyad toos ah ka qaatay dalalka Marshal Islands iyo Micronesia. Mar kale Maraykan waxa ka baxay 1994 Palau oo ah dhul jasiiraddeed hoos iman jiray.

Sidaa kuma ay joogsan eh, 1993 waxa iyana kala dhaqaajiyey Czech Republic iyo Slovakia, Eritrea iyo Ethiopia. Sannadkii 2002 waxa kala baxay iyana Indonesia iyo East Timor, Montenegro iyo Serbia ayaa iyana sii kala boodday 2006. Markii dambe ayaa haddana ay Kosovo ka sii faraqantay Serbia laba casho ka dib. Ugu dambeyn Sudan ayaa ay South Sudan ka baxday 2011. Waxa kale oo jira 12 waddan oo halgan dheer ku jiray in ay kala baxaan haddana gaarkooda u taagan iyo 44 waddan oo raba in ay dalal kale ka baxaan.

Taa beddelkeeda dalka kaliya ee isku dayey in uu midnimo sameeyo taariikhda ay intaa soo waddan kala baxayeen waa dalka Yemen oo midnimo Waqooyi iyo Koonfur ah sameeyey 22 May 1990. Collaadii maalintaa ku bilaabantay Yemen ilaa iyo wakhtigaa ma iman hal dawlad oo dalka maamusha 65%. Waxa ay maanta Yemen ka mid tahay saddexda waddan ee adduunka ugu dhibta badan.

Ma jiro maanta adduunka aynnu ku dul nool nahay waddan waddan kale raba in uu midnimo la sameeyo. Jinsi iyo af midnimo sameeyaa ma jiro oo dalalka aynnu ka sheekaynayno in badan oo ka mid ahi waa isku af, diin, dhaqan iyo dhul haddana waa ay kala baxeen. Carabbi waa 15 dawladdood oo mar hore ayey kala dhaqaajiyeen. Bal ninka Xamar doonayow ii sheeg wanaag iyo horu-socod dawladnimo oo aynnu ka biirsan karno Koonfur oo 6 dawladdood oo qabaa’il isku haysta ah?

Jawaabtu waa in aynaan waxba ka biirsan karin wax ay innaga khasaariyaan ma ogiye. Koonfur iyada oo hal ah ayeynu eednay, bal ka waran iyada oo lix ah? Jawaabtu waa ay caddahay, ciddii is diidsiineysa yeelkeed. Intaa waxa dheer 25 sano oo dawlad laโ€™aan ay ku jireen, oo gaal iyo muslim ba soo faro-galiyey iyada oo danno kala duwan laga leeyahay.

Maanta in ka badan 20,000 oo ciidan ajaanib ah ayaa jooga, wax dawladnimo oo rasmi ah oo u dhisani ma jirto walaallaheen. Way is wada haystaan oo cid cid wanaag la jeceli ma jirto, waxa ka jira dulmi kii ugu weynaa ee naf, cirdi iyo maalba lahaa. Waxa ay innooga baahan yihiin duco, iyo innaga oo si weyn uga gaashaamanna in aan dhibkooda waxba innaga soo gaadhin. Somaliland na waa in ay cashar fiican ka barataa dhibta sokeeyuhu ilaa halka ay gaadho, qorshe weyn oo qaran ayaa la innooga baahan yahay oo aynnu maanta qaadano.

Haddii qorshahaa siyaasiga ah la waayo, waxa run ah in aynnu jeebbada ugu dhici doono innaga oo itaal yar kuwaa kunka jeer innaga liita, oo aynnu isla sii baabi’i doono. Waxa la joogaa amin ay tahay in la diyaar garoobo. Cid wal oo is leh midnimo ayaa wacan, dunidu maanta ma joogto wakhtigii midnimada, kuwii hore u midoobay ayaa kala tagay, kuwii hore midka u ahaana waabay sii kala socdaan, nin waliba in uu isagu is badbaadiyo ayaa lagu jiraa oo loo wada gucleynayaa.

Somaliland dadkeeda waxa aan leeyahay isku quluub xaadhnaada meel adag ayaa dunidu maanta ay maraysaa eh, dawladda, axsaabta qaranka, iyo aqoonyahanka Somaliland waxa aan leeyahay waa in caqligu shaqeeyaa maanta oo qorshe cad oo siyaasaddeed la isla meel dhigaa. Qorshahaa kaliya ayaa ubadka ubadkiisu dhib iyo khasaare ummadnimo ay kaga badbaadi karaa.

 

Maxamed Xaaji Maxamuudย 

The University of Warwick

Department of Politics and International Studies

Coventry, Unitedย Kingdomย 

Email:ย m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk