Midnimo iyo Soomaali-wayn “Cudur aan daawo lahayn” (WQ: Maxamed A Askar)

 

Si la mid ah sida ummaddaha kale ee adduunka, taariikhda Soomaalidu waxa ay ku bilaabantay filiqsanaan iyo baahsnaan ay dadka Soomaalidu ku baahsanaayeen inta uu deegaankoodu ahaa/yahay[1][3]. Soomaalidu bilawgii, waxa ay u daganayd si qoys qoys ah iyo si reer reer ah. Taasina waxa malaha sabob u ahaa duruufta xilligaa jirtay oo aan ahayn mid sahlaysa urursanaa iyo iska-war-qab joogta ah. Baahida iyo baylahaha qofeed ama reereed ee wakhtigaa jirtay oo aanay ciddina keligeed gudan karin ayaa waxa ay keeneen in si uun la isu-raadsado oo caqliga iyo cududda loo mideeyo. Tusaale ahaan, qof iyo reer toona kuma ay filayn keligood, in ay qofka ka geeriyooda aasaan/duugaan. Taasi ayaa keentay in la is raadsado oo caqliga iyo cududdaba la mideeyo si loo doboollo baahiyaha badan ee aan aasaka/duugta tusaale uga soo qaadanay. Halkaa marka ay marayso, waxa muhiim noqotay in la helo wax dadka Soomaaliyeed ay ku midoobaan oo isku tola (Identity).

Haddaba, marka aad adoo soo jeeda dib u akhrido taariikhda Soomaalida oo runtii dadkii ugu horeeyay ee wax ka qoray aanay ahaynba dad Soomaali ah, waxa kuu soo bixi in Islaanimnimada iyo dhaqanka qofka Soomaaliga (oo marna diin ah marna qabiil ahi) ay malahayga ka mid ah  waxyaabaha ugu waawayn ee Soomaali isku tolayay isla markaana ay isku si u wada lahaayeen. Islaanimadu qofka Soomaaliga ah aad bay ugu waynayd mar-walba  ilaa haddana ugu wayntahay. Waxa la sheegaa taariikh ahaan in uu xilli hore islaamku soo gaadhay dhulka ay Soomaalidu dagto. Inkasta oo aanay Soomaalidu keli ku ahayn islaanimada oo ay jiraan ummaddo kale oo la wadaagaa, haddan Soomaalidu waxa ay waligoodba u muuqdeen dad xil gaar ah iska saara diinta islaamka. Qoddobka labaad ee Soomaalida isku tolayay ee wada-jirkoogana saamayn wayn oo togan iyo mid taban (mararka qaarkood) ku lahaa waxa uu ahaa dhaqanka qofka Soomaaliga ah oo ay Soomaalidu si isku mid ah u wada-ilaashan-jirtay. Dhaqanka Soomaalida sida dhaqamada kale ee dunida waxa uu leeyahay qayb togan iyo qayb taban. Nasiib wanaag se, Soomaalidu waxa ay aad u taqaanay sida ay ula tacaasho isla markaana ula noolaato qaybaha taban ee dhaqanka Soomaaliga taasoo aad hadda moodo in ay gabaabsi tahay. Waxa dhaqamada Soomaaliga ka mid ahaa – is caawinta, isa sooryaynta, kala guursashada, gar-qaadashada, sad-bursiga, xoolo dhaca, dagaallada iyo qaar kaloo badan.

Soomaali-wayn

Nasiib darro, dhulka ay Soomaalidu dagtaa waxa uu ka mid noqday dhullalka ay xuduuddii gumaystuhu qaybiyeen. Saddex qaybood oo xuduuddo leh ayaa loo qaybiyay dhulka Soomaalida oo ay kala yeesheen Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska. Ingiriisku waxa uu yeeshay saddex qaybood oo ka mid ah dhulka ay Soomaalidu u taqaano shanta Soomaaliyeed – British Soomaaliland oo ah gobollada woqooyi ee Soomaaliya (Soomaaliland), Soomaali Galbeed oo ah Soomaalida Itoobiya iyo Northern Frontier District (NFD) oo ah Soomaalida Kenya. Talyaaniguna waxa uu yeeshay mid ka mid ah shanta Soomaaliyeed oo ah Italian Soomaaliland (Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya)  halka Jabbuuti oo ka mid ahayd shanta Soomaaliyeedna uu yeeshay Faransis.

Islaanimada iyo dhaqanka soomaaliga oo ay weheliyaan qiiradii, xamaasaddii iyo dhaqdhaqaaqiiq gobonimo-doonka iyo waliba saxan-saxadii xorriyada ayaa keentay in la raadiyo lana mideeyo shanta Soomaaliyeed (Soomaali-wayn) oo loo arkayay dad walaalo ah oo uu gumaystuhu qaybiyay. Runtii, rajadaasi iyo himiladaasi midnimo-doonku ma ay ahayn wax khaldan taa bedalkeeda waxa ay ahayd wax fiican oo ay ku ammaanaayeen dadkii abuuray. Haddaba han eegno halkii ay himiladaasi ku danbaysay iyo wixii ay Soomaaliyi ka dhaxashay. Hankii iyo himiladii fiicnayd ee Soomaalida ee ahaa helida Soomaali-wayn waa uu sii xoogaystay. Qiirada iyo xamaasadda Soomaaliduna aad bay u sii badatay. Nin walbana wixii itaalkiisa ahaa buu ku cabiray rabitaankiisa Soomaali-wayn. Mid gabyay, mid heesay, mid maahmaahay, mid ooyay iyo mid hadlay intaba Soomaalidu way yeelatay. Bilawgii ma ay jirin cid diidanayd midawga iyo raadinta shanta Soomaaliyeed ilaa hadda inta aan ogahay.

Bixintii Hawd and reserve area (Dhaawicii 1aad)

Inkasta oo ay wakhti iyo wada xaajood dheer qaadatay in ay Itoobiya la wareegto dhulka Soomaaliyeed ee Hawd and researv area, haddana Soomaalidu marna darif kama ay noqon gorgortanka iyo wada-xaajoodka ku sahabsan maamulka iyo talada dhulka hawd and reserve area[2][4]. Ingiriisiga oo ay wahelinayso Itoobiya oo dhinac ah iyo Talyaaniga oo dhinaca kale ah ayay ahaayeen cida ka wada xaajoonaysay sida laga yeelayo dhulka Soomaalida ee hawd and reserve area mana dhicin in arrintaa laga tala-galiyo Soomaalida oo ah cida laga go’aan gaadhayo. Soomaalidana sinaba uguma ay suura-galin in ay arrintaa wax ka ogaadaan.

Ingiriiska oo aan markii hore rabin in uu hawd and researv area ku wareejiyo Itoobiya ayaa 25kii bishii febarwari ee 1954 si lama filaan ah ugu wareejiyay dhulkii Soomaali galbeed (hawd and reserve area) Itoobiya. Ingiriisku waxa uu sidaa u yeelay laba arrimood. Kow, waxa uu fullinayay heshiis isaga waa Ingiriiska eh iyo Itoobiya ay dhigteen sannadkii 1897 (Anglo-Ethiopian Treaty). Heshiiskaasi oo u ogolaanayay in dhulka Soomaali galbeed (hawd and researve area) uu la wareego Menelik II isla markaana lagu daro Itoobiya oo markaa iyadu ahayd awood ka mid ah awoodihii isku hayay dhulka Soomalida[3][5]. Laba, Ingiriiska oo reer Soomaalilaand ka cadhooday kadib markii ay ka codsadeen xornimo dagdag ah iyaga oo doonayay midnimo shuruud la’aan ah in ay la midoobaan koonfurta. Waxa uu Ingiriisku u arkayay in ay reer Soomaalilaand u soo raaceen Talyaaniga oo ay is hayeen in badan isla markaana ay Soomaalida koonfurtu u doorteen in uu muumulo muddo 10 Sanno ah oo uu xornimo gaadhsiiyo.

Arrintaasi waxa ay keentay dhaawicii koowaad ee midnimada iyo niyad-jabkii Soomaalida midnimo-raadiska ahayd. Nasiib wanaag se, dhaawacaasi muu hakin dadaalkii iyo raadintii shanta Soomaaliyeed (Soomaali-wayn)

Aftidii laga qaaday Soomaalida Kiinya (NFD) (Dhaawicii 2aad)

Sida aan kor ku soo sheegany, NFD waxa yeeshay isla markaana gacanta ku hayay Ingiriiska. Ingiriisku wali waa ku kacsanyahay Soomaalida halka ay Soomaaliduna wali raadinayso midnimo iyo Soomaali-wayn. Hawada iyo saxansaxada gabonimo doonka oo markaa xooganayd malahaygana uuna reer galbeed ka madhnayn iyo waliba jibbadii Soomaalida oo is biirsatay ayaa waxa ay culays badan saareen Ingiriiska si uu u fasaxo NFD. Dabadeedna ay NFD ula midawdo oo ay saddexayso British Somaliland (Gobollada woqooyi) iyo  Italian Somaliland ( Gobollada koonfureed) ee Soomaaliya  oo iyaku shuruud la’aan ku midoobay, wan u soo noqon doonaa wixii kala qabsadaye.

Bishii Oktoober 22, 1962 ayaa Ingiriisku waxa uu afti ka qaaday NFD oo markaa la waydiiyay in ay Kiiniya ka sii mid ahaanayaan iyo in ay Soomaali ku biirayaan. Tiro aad u badan oo ilaa 87% ah ayay reer NFD ku doorteen in ay Soomaaliya ku biiraan. Si ay ahaydba, natiijada Ingiriisku kuma farxin. Arrintaasina waxa ay keentay in NFD lala sugo inta ay Kiinya oo aan markaa wali xorrnimo qaadani ay xoroobayso. Markii ay Kiinya xorawday 1963 kii, ayaa uu Ingiriisku si cad u go’aansaday in ay NFD ka sii mid ahaato Kiinya isaga oo haba yaraatee aan tix-galin rabitaankii dadka Soomaalida ah ee reer NFD. Jamhuuriyadda Soomaliya oo markaa wali ah uun Koonfur iyo Woqooyi arrintaa aad bay uga cadhootay waxayna keentay in ay labada dawladood waa Soomaaliya iyo Ingiriiska ah uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galo. Soomaaliya arrintaa guul kama ay gaadhin oo NFDna sidaas ayay ku daysay. Iyaduna waxa ay noqotay dhaawicii labaad ee soo gaadha midnimada iyo raadintii shanta Soomaaliyeed (Soomaali-wayn)

Aftiyihii Jabbuuti (Dhaawicii 3aad)

Jabbuuti waxa ay ahayd qayb ka mid ah shantii Soomaaliyeed waxana yeeshay Faransiiska. Inkasta oo laga yaabo in aw dhulka Soomaalidu ku kala xoog badnaa halganka gobonimo doonku haddana waxa xusud mudan in uu meel walba oo uu gumaystuhu haystay uu ka socday dhaqdhaqaaq xornimo-doon ah. Dhaqdhaqaaqa gobonimo-doonku waxa uu dadka reer Jabbuuti u suura-galiyay in cod laga qaado seddex jeer. Si ka duwan sidii NFD, Jabbuuti waxa la waydiiyay ma xorrnimo ayaad rabtaan misa in aad ku sii hoos jirtaan Faransiiska? Laba ka mid ah cod bixinahaasi waa 1958 iyo 1967  waxa ay dadka reer Jabbuuti oo aan runtii Soomaali uun ahayn, ee ay canfar iyo carab aan tiro badnaynba ay weheliyaan ay doorteen in ay Faransiiska ku sii hoos jiraan. Halka codbixintii ugu danbaysay oo ahayd 1977 ay doorteen inay noqdaan dal madax banaan inkasta oo codbixinaha hore laftooda su’aal la galin karo xalaalnimadooda.

Doorashada ay dadka reer Jabbuuti doorteen in ay noqdaan dal madaxbanaan oo aan ku biirin midawgii Soomaaliya sidii la filayay waxa sabob u ahaa aragtidayda laba arrimood. Kow, Jabbuuti oo ah meesha keliya ee shanta Soomaaliyeed aanay Soomaali keligeed dagin.    Jabbuuti waxa Soomaalida la wadaaga Canfar oo dagan dhulka Jabbuuti intiisa badan iyo Carab aan iyagu aad u tiro badnayn dhul gaar ahna lahayn. Taasi waxa ay keentay in ay Soomaalida reer Jabbuuti ay noqdaan laba qaybood. Qayb midnimo iyo Soomaali-wayn doon ah oo uu Alla ha u naxariistee hormuud u ahaa Maxmuud Xarbi iyo qayb kale oo madaxbanaani iyo dal gooni-ah-doon ahayd oo uu iyagana hormuud ka ahaa Ahmed-Diini. Nasiib wanaan iyo nasiib darro waxa ay noqotoba waxa guulaystay intii doonaysay in ay Jabbuuti madaxbanaanaato isla markaana noqoto dal beesha caalamka ka mid ah.

Arrinta labaad ee malahayga aan isleeyahay reer Jabbuuti way didisay waxa ay ahayd, sidii ay gobolladii koofureed u liqeen gobolladii woqooyi iyo caddaalad-darradii ay ku kaceen. Arrinka danbe waxa markhaati u ah sida ayna canfar uun u ahayn dadka reer Jabbuuti ee rabay in aan Soomaali lagu biirin ee taa badelkeeda ay Soomaali badani ku jirtay. Waxa aan qabaa in ay dadka reer Jabbuuti guud ahaan gaar ahaana Soomaalidii diidaysay midnimadu ay ku saxsanaayeen siyaasad ahaan. Ku darso oo waliba, xilliga ay Jabbuuti xorrnimada qaadatay oo ahayd 1977 Soomaaliya xaalkeedu ma fiicnayn oo waxa muuqday calaamado badan oo laga arki karo waxa soo socda.

Burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya (Dhimashadii midnimada)

Xamaasadii iyo xiisihii midawga laba ka mid ah shantii Soomaaliyeed (Woqooyi iyo Koonfur) ee 1 Juulay ee 1960 ma sii waarin. Is-fahan waa ka bilaabmay saami-qaybsiga mansabyada dawladda ayaa dhalay cabidhin, xadhig, dil iyo ugu danbayn bururkii iyo kala gurashada labadii keliyahaa ee shantii Soomaaliyeed midoobay (Soomaaliland iyo Soomaliya). Halkaa waxa xusud mudan in Soomaalilaand iyo Soomaaliya ay sii kala maqanyihiin muddo ku dhaw muddadii ay wada joogeen oo ahayd 30 sanno. Ma aha kala maqanaasha Soomaalilaand iyo Soomaaliya waxa dillay rajadii iyo raadintii Soomaali-wayn ee taa badelkeeda waa raja la’aanta laga qabo in Soomaalilaand iyo Soomaaliya mar labaad midoobaan.

Waxa intaa sii dheer in ay Soomaaliya sii furfurantay oo ay noqotay wax faderaal lagu sheegay oo u muuqda in deegaankii loo kala sameeyay xuduud qabiil ku salaysan. Furfurankaasi ay Soomaaliya furfurantay ma aw fogayn uun raadintii Soomaali-wayn ee waxa kale ee uu fogeeyay oo uu furfuray middawgii iyo isku xidhnaantii gobollada koonfureed ee Soomaaliya oo ahaa hal qayb oo ka mid ah shanta Soomaaliyeed. Soomaalilaand lafteeda waxa ka muuqda calaamado aan fiicnayn oo haddii aan wax laga qaban sii xoojin kara dhaawaca ku yaala wada-jirka iyo midnimada dadka reer Soomaalilaand.

Gabagabo

Soomaalidu ma ah ummadda keliya ee dadkoodii iyo dalkoodiiba la kala qayqaybiyay ee uu gumaystuhu ku kala daray dallal kale. Gumaystuhu dadkii uu xooga ku haystay qaar ba si buu ka yeelay. Qaar iyaga oo kala duwan oo aan isku dad ba ahayn buu hal dawlad u sameeyay sida Itoobiya iyo Nayjeeriya, Qaarna iyaka oo isku mid ah ayuu dawlado badan u sameeyay sida carabta, qaarna wuxuu baday dawlad la’aan isaga oo ku kala daray dawladdo kale sida Kurdida iyo Canfarta halka qaar kalena uu badhna dawlad u sameeyay badhna dawlado kale ku kala daray sida  sida Soomaalida.

Ugu danbayntii, waxa xusid muddan in aanay dhacdooyinkan taariikheed iskugu xigxigin sida qoraalka ka muuqata oo aanay ahayn wax taxane ah ee taa badelkeeda ay mararka qaar dhacdooyinku is barbar socdaan. Tusaale ahaan intii ay cadaallad-darrada iyo salluugu ka jiray dawladdii Soomaaliya oo markaa ahayd lab ka mid ah shanti Soomaaliyeed waxa barbar socday aftiyihii Jabbuuti qaarkood, dagaallo ujeedadoodu ahayd in Soomaali-galbeed la xoreeyo iyo in NFD lagala dagaalamo in Kiinya lagu daro. Dhacdaayinkaas oo dhami waxa ay ahaayeen kuwa si isdaba jooga ama is-garab socod ah u niyad jabinayay Soomaalidii midnima-doonka ahayd oo maalinba ini is-dhiibaysay ilaa heer ay dawladdii  jirtay ka tanaasusho raadintii iyo doonistii NFD iyo Soomaali Galbeed. Waxa kale oo u sii quus gooyay midnimada markii aw Ururka Midawga Afriki (OAU) uu isku raacay isla markaana si rasmiya u aqoonsaday jiritaanka xuduudii uu gumaystuhu ka tagay[4][6]. Arrimahan danbe waxa la la mid yihiin uun sheekadii Soomaaliyeed ee ninkii inta uu maydku ka siibtay yidhi hadduu sii go’ay. Aniga oo og in ayna wali dad badan maskaxdooda ka bixin raadinta shanti Soomaaliyeed (Soomali-wayne) kuna ixtiraamaya waxa aan qabaa in ay midnimada shanta Soomaaliyeed toban jeer in ka badan sii go’day.

 

[5][1] Heesta ay qaado khadra Daahir Cige iyo midhihii Cabdi Aadan Qays

[6][2] Dharaaro Xasuustood, qaybta 49aad

[1][3] Waa lagu kala duwanyahay taariikh ahaan deegaanka Soomaalida

[2][4] Miachal Walls, 2015

[3][5] Khaalid Cali-Guul- Warsame, Hirarka taariikhda iyo halgankii Soomaalida, 2010

[4][6] OAU charter, 1963