Xidhiidhka waddan/daawladi la yeelanayso dunida inteeda kale (Country to the Global) ama waddan iyo waddan sameeysteen/sameeysanayaan (country to country) , waa inaad maanka iyo garaadka ku haysaa adigoo degan arinkan/qodobkan โ Goโaanka xidhiidh wanaagsan iyo midka aan wanaagsanaaynโ waxaad ogaata inaanay qaayb ka yihiin daneeyayaal badan oo aany goโaamin karin oo kali ah labada waddan ee xidhiidhka wada leh, yeelanaya ama labada waddan ee ku kala laabanaya arimaha dibloomaasiyadda, waxaayse ku dhisanyahay qaraaro caalami ah (conventions), shuruuc (International Laws) iyo heshiisyo (treats), marka dhankaas laga eego waxa la macna ah inaanay haawl yaraayn in-siyar goโaan looga gaadho wanaajinta ama xumaaynta xidhiidhkaas.
Xidhiidhka dibloomasiyadeed ee dunida u dhaxeeyaa kuma iman farxad iyo jeclaaysi ama cadho iyo hadal deg-deg ah, marka laga reebo in labada waddan dagaal degdeg ahi dhexmaraayo waxaase xitaayn xidhiidh ka dhexeeya waddamo aan isku wanaagsanaayn sida Iiraan iyo Ingiriiska, fadhiisinta iyo jaangooynta dibloomaasiyaddu waxaay u baahantahay in markasta laga fiirsado qaabka loo wajahaayo oo inta badan aay ka madax banaantahay dookha dadka aan goโaankeeda lahaayn, tusaale ahaan haddii dadka waddamada qaarkood ku nool la waaydiin lahaa fikirkooda ku saabsan waddamo aay necebyihiin maxaa laga yeelaya?, waxaay xadhiga u jari lahaayeen waddamo badan, lakiin diplommasiyadda dunida iyo waqtigan waa isa-sudhan isa-saaran, dibmloomaasiyadda waxaay leeyihiin horboodayaal iyo jaangooyayaal sharciyaaysan oo la aqoonsanyahay, loogana daba fadhiisto goโaamada ku saabsan xidhiidhka dunida inteeda kale. | (foreign policy actors), mana aragno dooda shacbiyaaysan oo xidhiidh waddan loogu jaraayo, waayo taas cidbaa loo wakiishay. Gaar ahaan xidhiidhka marka uu ka awood dareeyoo labo waddan oo isku khilaafa arimo masiiri ah loona dulqaadan karri waayay, arinkaasi iyo goโaanka laga qaadanayaa kuma koobnaado oo kali ah labadooda waddan ee isyara ilaaqaya, dunida inteeda badani dhinac ayaay la safataa iyadoo laga eegayo dhinacyada maslaxadda iyo qodobada aay labada waddan kala daliishanayaan ama ku kala tagayaan yihiin sidoo kale labada waddan ee isku diin iyo dhaqanka ah waxa laga eegaa oo kali ah dan maxaa kuugu jira (intrest), inkastoo qarnigii dibloomaasiyadda dunidu ugu adkaa uu ahaa qarnigii 19aad oo labada awoodood (Hegemony countries) ee dunidu lala-kala-safanjiray (Libaralism theory and Realism theory).
Dhanka kale qancinta arimaha dibloomaasiyaddu waxa weeyaan inaad waddankasta halkiisa lagu dareensiiyo laguna qanciyo dantiisa (interest), ee maaha kaligaay ii ahoow saxiib nafta iyo qudhdha ii huraayaa, haddii aad sidaas raadiso waa inaad ogaataa waxaad helaysaa hal saxiib oo dunida inteeda kale kaa caagan arimaha dibloomasiyaduna waxa weeyaan nuxur ahaan in laaysu keeno dadaan is-rabin iyo dunida kala jeedaa, caalamkan waxa yaala danno kala duwan oo leh inaad leedahay xirfadiiisa u gaar ka ah iyo sidaad u wada xidhiidhaysaan waddamada leh danaha kala duwan iyo kuwo qaarkood colyihiin, tusaale ahaan waddamada qaarkood arimo dhaqaale baa xidhiidhkooda wanaajiyay sida Carabta iyo Maraykanka, qaarkale waxaa ka dhexeeyaa dhaqan iyo diin sida Turkiga iyo Carabta ama Carabta oo dhan, qaarna waxaay leeyihiinn xidhiidh meleteri sida Turkiga iyo Marakaykanka, Afrika iyo Maraykanka.
Ugu dambaayntiina labada waddana ee iksu khilaafa dhanka wada jooga (Diplomatic representatives), waa inaad maankaaga ku haysa inaay dunida u kala dheereeyaan iyadoo laga cabir qaadanayo danaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo awooda ciidanba iyo mid nabadeed, kala fogaanshiyaha dibloomasiyadeed laftigiisu waxa uu leeyahay markhaatiyaal goob joog ka ahaada dhinackasta oo aay wax u dhacayaan ama dookha kasta oo aad raadinayso, waa inaad dareensantahay sababaha loo asaasay Hayโadaha qaramada midoobay (Inter-governmental) aay tahay inaay goobjoog ka ahaadaan dhinacyada is-haya ama heshiinaya (observers). Haddaba xidhiidh dibloomaasiyadeed duniduna u taqaano hanaanka isu socodka uu soo kala dhexgalo inyar oo isa-saluug ahi, waxaan ku talin lahaa wanaajintiis mooyaanee xumaantiisu faaโiido malaha.
Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qorayย Xasan Cabdi Shire:
Jooji Cabashada, Iskaa wax u qabso!
Anaaniyaddu waa cudur dilaa ah
Qaarada cagaaran iyo xidhiid-ka cusub ee dunida horumartay
Daawlidnimada iyo xatooyada xoolaha dadwaaynaha
Doorka Sekaddu ku leedahay bulshada iyo dhaqaalaha