Ciyaaraha dunida ugu ballaadhan ee Olympcs-ka ayaa magaalada Rio de Janeiro ee Brazil laga furi doonaa Sabtida foodda innagu haysa. Hase ahaatee dhibaatooyin baaxad leh ayaa hor taagan isla markaana la filayaa in ay saamayn ku yeelan karaan ciyaaraha waxaana ka mid ah xanuunka Zika Virus-ka la yidhaa oo ka dilaalacay welina ka jira dalkaas, xanuunkaas oo dhibaatooyin dhinaca laxaadka ah u gaysta carruurta kujirta uurka hooyadood isla markaana la isugu gudbiyo kaneecada iyo galmada. Taasi waxay keentay in ciyaaryahanno door ahi ay sheegeen in ay ka baaqan doonaan ciyaarahayaas iyagoo caafimaadkooda u baqaya.
Waxa jira arrimo dhinaca amniga la xidhiidha iyada oo toddoobaadkan gudaheeda koox gaangistar ahi ay dad ku laayeen magaalada Rio ee ciyaaraha lagu qabanayo gudaheeda. Maanta wakhti lix maalmood oo kali ahi ka hadhsan yihiin ciyaarihii kooxda maamulaysa ciyaaruhu waxay eryeen shirkaddii qaabilsanayd amniga taas oo wakhti dheer heshiiskeedu soo qaatay isla markaana ay adag tahay si loo helo ciddii beddelli lahayd.
Sidoo kale guud ahaan waxa ka jirta dalka Brazil dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah iyo dhibaatooyin dhinaca siyaasadda ah iyadoo dhawaan xilkii laga xayuubiyey haweenaydii dalkaas u talinaysay isla markaana aan weli jagadeedii xal sugan laga gaadhin walow uu xilka ku-sime ahaan u sii hayo ku-xigeenkeedii.
Waxa iyaguna jira dhibaatooyin dhinaca diyaar-garowga la xidhiidha iyadoo dhismeyaashii iyo goobihii muhiimka ahaa qaarkood ilaa maanta dhismahoodii ama dayac-tirkoodii uu socdo.
Dhinaca kale Ururka Olombikada Adduunku waxaanay weli xal sugan ka gaadhin ciyaaryahannada Kiiniyo iyo Kuwa Ruushka oo lagu helay in ay dawooyinka woodda kordhiya ee mabnuuca ah hore u isticmaaleen haatana looga shakisan yahay in ay isticmaalaan.
Isku soo xooriyoo ciyaarahani waxay bilaabmi doonaan iyadoo niyadda ay dadweynaha adduunku u hayaan iyo niyadda ay ciyaaryahannadu u hayaan labaduba hoosayso. Waxay bilaabmi doonaan iyadoo caafimaad ahaan iyo amni ahaanba wadnaha farta lagu hayo.
Ciyaaraha Olombikada waxa ka qayb gala 200 oo dawladood. Waa laba nooc. Kuwa ugu caansan waxa la qabtaa xagaaga, kuwa kalena waxa la qabtaa jiilaalka iyadoo laba sannadood loo dhaxaysiiyo.
Bandhige@gmail.com