Mindi-mindi ku Taag: Dhaliisha Gole-ka-fuulka ah Waxay Yeelataa Is-difaacid Gole-ka-fuul ah (WQ: Maxamed Cumar Cabdi “Cirro”)

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Xamse  Ciise oo warbaahinta la hadlay maalintii Isniinta ee toddobaadkan (04 May 2020), ayaa soo bandhigay muqaalo dayac ka muuqday qaybo ka mid ah Caasimadda Hargeysa oo uu sheegay inuu soo kormeeray iyo dhismayaal uu ku dooday inay leeyihiin ama dhisanayaan Maayirka iyo Maayir-ku-xigeenka Hargeysa, isagoo xusay in lacagaha cashuuraha ee ummadda laga qaado si gaar ah loogu tagri-falo, waxaannu lacagtaas cashuurta ah ku sifeeyey mid xaaraan ah oo si tuugo ah ummadda looga qaadayo.

“Cashuurtaas qayrul-sharciga ah ee aannu baarlam ansixin ee aad moodid sida tuugada ah in ummadda looga qaadayo, cashuurtaasna shirkad ayaa loo samaystay, mana aha shirkad tartan la geliyey ee cid gooni ah ayaa lagu naas-nuujinayaa… Haddaba lacagtaas xaaraanta ah ee dadka laga qaadayo halkii ay maraysay ayaannu soo aragnay anagu.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodi-jeex.

Muuqaalka Xisbiga WADDANI soo duubay marka aad wada daawato ama dhegaysato, waxa kuu soo baxaya in Guddoomiyaha Xisbigaas ee Gobolka Maroodi-jeex ama Maamulka Xisbiga WADDANI ee Gobolku ay ugu yaraan muujiyeen dedaal ah inay ummadda la wadaagaan xog maqal iyo muuqaal ah, balse aan si xaqiiq ah loo wada fahmi karin run iyo been macluumaadka ay xogtaasi gudbinayso, sababtoo ah xogta bulshada lala wadaagay ma wadato wax dhukumantiyo ama caddaymo dheeraad ah oo muujinaya in cashuuraha ay dowladda Hoose ee Hargeysa qaado yihiin qaar qayrul-sharci ah, sidoo kale may keenin caddaymo  bulshada dhexdhexaadinta ah ku qanci karto oo iftiiminaya in Maayirka iyo Maayir-ku-xigeenku leeyihiin guryaha xisbiga WADDANI soo bandhigay ama ugu yaraan haddii ay guryahaas leeyihiinba in laga dhistay xoolo xaaraan ah iyo cashuurta laga qaado bulshada Caasimadda Hargeysa.

Xisbiga WADDANI waa xisbi qaran oo xildhibaanno ku leh Golaha Degaanka Hargeysa, waxaannu bulshada la wadaagi karayey xog intaas ka faahfaahsan, caddaymo dheeraad ahna wadata, iyagoo ka faa’iidaysanaya xildhibaannadooda iyo dadka kale ee ay xidhiidhka la leeyihiinba, waxayna xisbi ahaan awood u yeelan karaan inay si cad u soo bandhigaan hanti kasta oo dhul ama guryo ah oo ay sifo musuq ah ku heleen xildhibaannada Golaha Degaanka, gaar ahaan Maayirka iyo Maayir-ku-xigeenku.

Sida ku cad Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee XEER LR: 23/2019, kaasoo baarlamanku ansixiyey, Madaxweynuhuna wareegto ku dhaqan-geliyey 23 December 2019-kii, xildhibaannada Golayaasha Degaanka  oo ay ku jiraan Maayirka iyo Maayir-ku-xigeenka, waxa lagu waajibiyey inay si rasmi ah u diwaangeliyaan hantida ay leeyihiin muddo bil gudaheed ah marka la doorto, taasoo fududaynaysay in xogtooda si sahlan loo heli karo markasta oo loo baahdo, waxaanna arrintaas lagu faahfaahiyey qodobka 26-aad ee xeerkan oo u dhigan sidan;

Qodobka 26aad

Diiwaangalinta Hantida Mudanayaasha.

  1. Mudanuhu wuxuu bil gudaheed marka la doorto ku diiwaangelinayaa hantida
    uu leeyahay mood iyo noolba.
  2. Xoghayaha Fulintu wuxuu samaynayaa, ilaalinayaa, kaydinayaa diiwaanka
    hantida mudanayaasha, wuxuuna nuqul u soo gudbinayaa Wasaaradda
    Arrimaha Gudaha.

Hantida xildhibaannada ma la diwaangeliyey, mise lama diwaangelin? Waa arrin baadhis dheeraad ah u baahan, waxaanna arrintaas samayn kara xisbiyada Mucaaridka ah ee uu ka mid yahay xisbiga WADDANI, kadibna waxa si dhib yar loo ogaan karaan xildhibaan kasta hantida uu lahaa maalintii la doortay iyo hantida uu imminka haysto, iyadoo wixii dheeraad ah ee soo baxa ay muhiin noqonayso in baadhis kale lagu sameeyo, si loo ogaado sifada uu ku helay hantidaas guryaha ama dhulka ah ee aan hore ugu jirin diwaanka loo hayey maalintii la doortay ee ay xilka la wareegeen. Haddii ay soo baxdo in hantidaasi ku soo gashay sifo musuq iyo xatooyo ah waxa waajib sharci noqonaysa in lagala wareego, lana saaro Maxkamad awood u leh dacwadooda, waa haddii dowladnimada iyo shuruucda aynu dhisanayey inoo shaqaynayaan, haddii kale waa yeelkeen iyo in hantida ummadda loo boobo sidii timir xabaal taal.

Dhinaca kale, sida ku cad qodobka 64-aad ee xeerkan 23/2019, xildhibaannada Golayaasha Degaanku ma laha wax mushahar ah oo ay u xaadiraan bil walba, marka laga reebo Guddoomiyaha Golaha Degaanka (Maayirka) iyo Ku-xigeenka oo xeerku u waajibiyey mushahar iyo gunno xil labada, balse xildhibaannada kale waxay yeelanayaan lacag gunno kal-fadhi ah iyo lacago kale oo ay ka mid tahay gunnada safarku, taasina waa arrin kale oo lagu ogaan karo wixii ay musuq ku sameeyeen.

Haddaba, si baadhisaha noocaas oo kale ah loo sameeyo, loona saxo, una toosiyaan dhaliilaha Dowladda Dhexe iyo Dowladdaha Hosoe, waxa xisbiyada mucaaridka ah ama guud ahaanba xisbiyada qaranka, marka hore iyaga ku waajib ah inay noqdaan xisbiyo dhisan oo dhexdooda aanay ka jirin qaar ka mid ah waxyaaha ay ku dhaliilayaan dowladda, haddii ay tahay dhismaha hay’adaha kala duwan ee xisbiga, isla-xisaabtanka xisbiga dhexdiisa, qaabka loo maamulayo maaliyadda iyo dhaqaalaha xisbigu leeyahay, xisaab-xidhkooda la diyaariyo, shirarka xisbiga ee Golaha Dhexe iyo shirweynayaasha lagu qabto xiliga sharcigu u waajibiyey, isla markaana ay noqdaan xisbiyo aqoon ahaan, xisbi ahaan iyo xafiisyo ahaanba dhisan, qaab-dhismeedkiisuna u wada dhammaystiran yihiin.

Marka ay xisbiyadu noqdaan qaar dhisan oo awood ahaan si fiican oo madaxbannaan u shaqeeya, waxa looga baahan yahay inay saameeyaan waaxaha cilmi-baadhisaha, kadibna ay waax kasta oo xisbiga ah ama Xoghayeyaasha kala duwan ee xisbigu (shadow ministers) ay daraasad ku sameeyaan baahiyaha adeegyada bulshada, sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka ama kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay dadku kala kulmaan adeeg la’aanta jirta iyo musuqmaasuqa ay dowladdu samayso, kadibna ay soo saaraan warbixinno dhinac walba ka dheelli-tiran oo mid mid loogu iftiimiyo waxyaabaha ay ka gaabiyeen Hay’adaha Dowliga ah ama Wasaaradaha Xukuumaddu, dhaliishaasina ay noqoto mid ka iibsami karta xisbiga, kuna kastaban karaan rabitaanka bulshada, maalinta doorasho loo dareerana ay ku heli karaan codadka dadka ku nool degaannada ay baahiyaha ugu badan ka jiraan, waa haddii uu xisbiga mucaaridka ah u soo bandhigo  barnaamij ay ku kastan karaan codka dadweynaha.

Hasayeeshee, haddii ay dhaliishu noqoto mid gole-ka-fuul ah oo ay masuuliyiinta xisbigu maalin walba horyimaadaan kamaradaha saxaafadda, iyagoo aan soo bandhigin eedayn ama dhalliin macquul ah oo qalbiyada dadka ka iibsani karta, waxa qudha ee ay sugaan waa in Xukuumadda ama Hay’adda dowliga ah ee ay dhaliileen ay iyaguna jawaab is-difaac gole-ka-fuul ah u soo mariyaan saxaafadda, taasina waxay bixinaysaa sawir ah in bulshadu u aragto in aanay mucaaridka iyo muxaafidku waxba isdhaamin oo ay yihiin qaar yooyootamaya oo qudha.

Waxa aynu Ilaahay ka baryeynaa inuu bishan ramadaanta fadligeeda ina siiyo, cudurrada faafaya iyo masiibooyinkana ina hareer mariyo. Dowlad ahaan, xisbiyo ahaan iyo dadweyne ahaanba waynu wada dunsannahay ee Ilaahay ha ina wada toosiyo, qabyaaladda iyo qudhunkeedana Alle ha innaga daweeyo.

https://www.youtube.com/watch?v=Vwrf4RdawRw

By; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.