Murti Laga Reebay Dad Maangal ah. Q….2aad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

= “ Tusaale kasta oo mihiim ah oo aad hadalkaaga ku soo qaadato, aragtidaada ku qeexdo, dareenkaaga ku gudbiso, rabtiaankaaga ku cabbirto, ama aad ficilkaaga ku muujiso, waxa kuu fahmaya oo qudha qof soo maray xaaladdaada ama mid aad kuu jecel oo aad naftiisa ku weyntahay”. Naguib Mahfouz.

= “ Waddan kasta oo ku tallaabsada horumar dhaqaale, mid nabadeed, iyo waxbarasho intaba waxa tiir u ah helitaanka saddex arrimood oo mihiim u ah jiritaanka bulshada: – Beerley dalagga abuurta si mujtamaca loogu quudiyo loona dhoofiyo wax soo saar dalka. – Askari daacad ah oo ilaaliya qaranka kana shaqeeya nabadda iyo xasilloonida shicibka. – Macalin tarbiyeeya ardayga si mustaqabal ifaya loogu diyaariyo jiilka cusub ee u soo baxay dalka”. Gibran Khalil Gibran.

= “ Anigu ma aamino qofka keligay ii wanaagsan ama jacaylka beenta ah ii muujiyo haddii uu si xun ula dhaqmayo dadka nolol ahaan isaga ka hooseeya, maxaa yeelay waxa ogahay oo aan shaki igaga jirin inuu igula kici lahaa ficilkaasi foosha xun oo kale haddii aan booskaasi ku jiri lahaa.” Maxamed Cali Kalay.

=” Haddii aad guulaysato waxa waajib kugu ah in aad wax uun ka hadasho, laakiin haddii aad khasaarto waxaad ku khasban tahay in aad naftaad qariso si aan lagaaga baahan in aad macluumaad ka bixio jabkii ku soo gaadhay.” Adolf Hitler

=” Marka ay dhibaato ku soo wajahdo oo aad cidhiidhi iyo werwer dareento ha ku ooyin dadka dhinacyadooda si aad u miciinsato mar haddii aanay culayska kaa qaadi Karin, ee ku dhaqaaq salaad oo sujuudda dhexdeeda ku ilmee adiga oo Rabbiga baryaaya, maxaa yeelay ma jirto waxa kale oo dhibta kaa qaadi kara ama aad xasillooni ku helayso oo aan ka ahayn baryada aad Alle ka dalbato”. Dr Zakir Naik.

= “ Qoraagu fasax ma qaato. Qofka wax qora waxa ay noloshiisu oo dhani ka kooban tahay mar uu wax qoraay iyo mar uu ka fikiraayo wixii uu qori lahaa, ma aha jawaabta wax iftiimisa ama farriinta culus gudbisa balse waa su’aasha”. Eugene Ionesco.

= “ Marnaba jihadaad ku socota ma gaadhaysid haddii aad mar kasta istaagto si aad dhagax ugu tuurto Ey walba oo kugu ciya ama doonaya inuu fashiliyo hadafka aad leedahay”. Winston Churchill.

= “ Marka tuugu uu waddooyinka ku socdaalo isaga oo nabad ah waxa jirta laba sababood oo arrintaasi loo aaneeyo: – in nidaamka dawladda ay ka buuxan tuugo waaweyni ama in shicibka ku nool deegaankaa ay yihiin kuwa doqomo ah”. Lee Kuan Yew.

= “ Waxa hubaal ah in qof kasta aanu kula doonayn in aad guulaysato. Qaar baa sugaya in ay ku arkaan adiga oo guuldaraystay, oo riyadaadii oo dhani ay burburtay kuna jira xaalada jahawereer ah. Tani waa murugo xannuun badan waan astaan lagu yaqaanno dabciga basharka ee ka taxaddir cidda aad la wadaagayso arrimahaaga, ujeeddooyinkaaga iyo riyooyinka aad hiigsanasyo in ay ifka kuugu qabsoomaan”. Dr Zakir Naik.

=” Ma aragtay dadka oo ku odhanaaya baryahan waad is-beddeshay? Wax kale ma aha ee waxaad joojisay noloshii khiyaaliga ahayd iyo ficilladii ay kaaga barteen oo ay iyagu weli ku jiraan waan sababta ugu weyn ee inta badan dadku su’aalaha kuu weydiiyaan, qofka marka ay dareemaan inuu si dhab ah u fahmay ujeedada loo abuuray, waxa naftiisa anfacaya iyo waxa khasaaraha u keenaya intaba”. Morgan Freeman.

= “ Xilliga safarka lagu guda jiro ha la saaxiibin qofka taajirka ah ee xoolaha badan haysta, maxaa yeelay haddii aad wax bixinta kala sinnaato waxa ay kugu tahay dhibaato raad xun kugu yeelata, sidoo kale haddii aad wax la wadaagto waxa dhici karta inuu kugu dullaysto waxa yare e aad ku darsatay”. Cali Bin Abii Daalib.

= “ Akhriska buugta wanaagsani waxa la micno tahay sida adiga oo la sheekaysanaya qaar ka mid ah dadkii ugu caqliga badnaa casriyadii hore ee la soo dhaafay”.  Rene Decartes.

= “ Marka lagu jiro samanka maaddiga ah ee lacagta, lebbiska iyo tiknoolojiyada la isku qiimeeyo, keligaa oo aad meel gaar ah fadhiisato waxa ay ka fiican tahay in aad fadhi la wadaagto shakhsiyaad eegaya nooca kabaha aad xidhan tahay ka hor inta aanay dhuuxin heerka garashada caqligaagu uu gaadhsiisan yahay”. Martin Luther King Jr

 

= “ Ragga markay gabadh kala tagaan waxa ay ku arkaan qurux dheer aad ah oo aanu indhahoodu qaban markii uu jacaylku ka dhexeeyey, balse gabadhu waxa ay nafteeda weydiisaa sideed doqonkan ku jeclaatay”. Ahme Khaled Tawfik.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

La soco…………………………