Nin bastoolad sita ayaa soo dacweeyey nin sita AK 47 (WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar)

 

Xilliyadii dadka Somaliland ay ku soo guryo noqdeen magalooyinka isla markana aanu jirin amni la taaban karaaa, qof kastaa wuxu gacantiisa ku haystay hubkiisii si uu amnigiisa u ilaaliyo maadaama oo aanay jirin dawlad amnigiisa dammaanad qaadi karaysay.

Ciidamada loogu talo galay in ay amniga ilaaliyaan degmo kasta waxa joogay askar isku ahyb ah  ama ciidan beeleed, askari kasta oo ciidankaas ka mid ahi wuxu ku hubaysnaa qori uu isagu iska leeyahay.

Mid ka mid ah magaalooyinka Somaliland waxa ka hawl galay hal sadhig oo boolis ah, kaasi oo aan si fiican u qalabaysnayn, lana odhan karo xataa dhisaha uu saldhigu ku shaqaynayey wuu dunsanaa oo labaabada iyo daaqaduhuba way bannaanaayeen.

Waxa dhacaysay in si lama-filaan ah mararka qaar uu askari ciidanka saldhiggaas jooga ka tirsani oo ka mid ah kuwii gaadhka caawa oo kale lagu ogaa uu amar la’aan magaaladiisa iska galo duruufo jiray awgeed, kadibna waxa laga yaabaa in uu haddana berri iska soo noqdo iyada oo aanay jirin cid ka daba tagtay oo u yeedhay.

Waa marxalado iska caadi ah oo cid kasta oo xaaladdaasi soo martay ay fahmi karto. Wax mushahar la yidhaadaa oo askarta la siiyaa ma jirin. Waxaba laga yaabayey in dawladda inteedii kale aanay toos u wada hawl gelin.

Haddaba akhristoow, iyada oo ay xaaladdu is-dhexyaacaas ahayd oo aanay kala-dambayni jirin ayaa haddana dadku waxay aaminsanaayeen haddii ay wax isku qabtaan ama dhibi dhexdooda ka dhalato in waxa kaliya ee ay ku kala bixi karayeen ay tahay sharciga.

Maalin maalmaha ka mid ayaa waxaa saldhig booliis u soo dacwad tagay nin dhallinyaro ah oo ka mid ah cidammadii hubaysnaa ee magalada soo galay, gaar ahaan kuwii caanka ku ahaa gacan-fudaydka dagaalka. Wuxu ku hubaysnaa bastoolad rasaasteedii u dhan tahay.

Ninkii dhallinyarada ahaa ee bastoollada sitay wuxu u tagay ninkii booliiska ahaa ee fadhiyey Xafiiska Dacwad-furashada (OB-ga), kadibna dacwaddiisii iyo cidda uu ka dacwoonayo ayuu u sheegtay.

Ninkii booliska ahaa ee dacwada qorayay kama qarsoonayn in ninkan dacwoonayaa uu yahay nin bastoolad ku hubayasan, laakiin iskama indha-tiri karo wacyiga iyo waayahii ku gadaanaa magalada uu joogo iyo halka xaal marayey.

Ninkii dacwoodaha ahaa wuxu ninkii booliiska ahaa u sheegay laga heelaayo ninkan uu ka dacwoonayo, kadibna Taliyihii Saldhiga ayaa waxa uu soo raaciyay ninkii nin askari ah si loo soo ka xeeyo ninka eedaysanaha ah.

Waxa isa soo raacay ninkii dhalliyarada ahaa oo bastoollada ugu xaragoonaya sidii kowboy-ga iyo ninkii booliska ahaa oo isagu sita Qori oo AK 47 ah, labadii nin oo wada socda ayaa waxa ay u yimadeen ninkii edaysanaha ahaa oo meel gidaara kada-looba, isaga laftiisuna waxa uu ku hubaysan yahay qori silsilad leh.

Markii ninkii laga dacwoonayay loo yimi loona sheegay in dacwadi ay Saldhiga Booliska u taallo, ayaa inta uu qoslay isaga oo aan wax kiis-iska-waal ah samayn, sharcigana aan gacantiisa ku qaadan, soo racay labadii nin, kadibna waxa ay si wada jira u yimaadeen saldhigii booliska oo uu markaasi taliyihii joogo. Waa saddex nin oo hubaysan, dacwoode, eedaysane iyo askarigii booliska ahaa.

Markii uu taliyihii mudicigii iyo mudacalaygii midkastaba uu waydiiyay dooddisii ayaa labadii nin mid kastaba waxa uu si adag ugu dooday in uu garta isagu leeyahay, kadibna waxa uu taliyihii waydiiyay labadii nin in midkastaaba uu keeno markhaati cadaynaaya, taas oo ay aqbaleen.

Saddexdoodii oo hubaysan ayaa saldhigii ka baxay kadibna waxa meel aan sidaasi saldhigga uga fogayn ay kula kulmeen markhatiyadii ay dalbadeen.

Akhristaw waxaa iyaduna layaab kale ah in afarta nin ee markhatiyada loo qabsaday midkastaba uu ku hubaysan yahay qoryaha daran-dooriga u dhaca, qaar’koodna ayba u dheer tahay bombooyinka gacanta laga tuuro, waxaanay dhammaantood isku soo raaceen saldhiggii.

Ninkii garsooraha ahaa wuxu damcay in uu kiiskii guda-galo midkastana uu dhagaysto dooddiisa, balse waxaa si kadis ah ninkii garsooraha ahaa maskaxdiisa ugu soo dhacday inta aanu kiiska furin waxa uu ka yeelaayo hubkan faraha badan ee ay nimankani sitaan.

Waxa uu ka baqday ilayn gari laba ruux kama wada qoslisee in marka uu garta qaado, dhinac ka mid ahi uu gardiid noqdo kadibna si lama filaana la isu adeegsado hubkan faraha badan ee lagu gashaman yahay, iyada oo uu waliba is tusay in isaga laftiisu uu halis gali karo. Dhanka kale wuxu ogsoon  yahay in qoryaha laga dhigo iska daaye in cid soo hadal qaadi kartaa aanay jirin.

Ninkii taliyaha ahaa laba ayay u joogsatay: in uu garta sida ay tahay uu u qaado iyo in garta dibadda u saaro oo uu yidhaahdo odayashiinu ha idiin garqadaan, wuxuse go’aansaday in  gartu sida ay tahay uu u qaado inta uu Ilaahay wakiisho. Taliyuhu wuxu ahaa nin diinta ku fiican, wacdi Alle-ka-cabsi ah ayuu ka horaysiiyey ka hor intii aanu garta qaadin, kadibna arrinkii ayuu gudo-galay.

Waxaa gartii yeeshay ninkii markii horaba dacwadda soo furtay. Arrinta la-yaabka lihi waxay noqotay in ninkii garta laga helay iyo markhatiyadii uu watayba ay ku qanceen sidii fiicnayd ee loogu garsooray, lixdii nin ee hubaysnaana waxay saldhiggii ka baxeen iyaga oo gacmaha is haysta .

Akhristoow waxa aynu dhacdadan ka faa’idaysanaynaa in markasta aanay fiicnayn in uu qorigu shaqeeyo, balse waxaa ay garashada fiicani ku jirtaa adiga oo qorigaga sita, adiga oo is bidaya in aad awooda leedahay, ayaa haddana caqliga iyo garashada adeegsan kartaa waxa aad rabtona aad si sharci ah ku heli kartaa. Awood kasta oo aad leedahay “gardiid” ha noqon.

Waxa qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aare

khadar-aar.blogspot.com

khadaraar7@gmail.com