Baroordiiq qaran oo ka bilaabantay Ciraaq kadib weeraro ay ku leedeen 119 qof

Dawladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah kaddib markii ugu yaraan 119 qof lagu dilay qarax ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

In ka badan 150 qof oo kalana waxaa soo gaadhay dhaawacyo markii gaadhi xamuul ah oo laga buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay meel u dhaw masjid Shiico ay leedahay oo ku yaal xaafadda Karrada.

Xilliga uu bamka qarxayay aagaasi aad ayuu mashquul u ahaa oo dadku waxa ay u dukaamaysanayeen Ciidan Ramadaanta.

Kooxda Dawladda Islaamiga ah ayaa sheegtay in ay ka dambeysay weerrarkaasi.

Dad isku soo baxay ayaa ilaa xalay saqdii dhexe soo jeeday oo shamacyo ka shiday goobtii qaraxyadu ka dhaceen, dadkii dhintayna u ducaynayay.

Dadka qaarkood ayaa qaadayay heeso mad-habka shiicada ku salaysan oo loogu baroor diiqayay dadkii dhintay.

Waxaa sidoo kale dhacay isku soo bax lagu dhaleecaynayay musuqmaasuqa dawladda. Ka dibna waxa shiid hadhka lagaga dhigay baabuurkii Raysal-wasaare Xaydar Al-Cabaadi oo la go’doomiyay mar uu doonayay in uu gaadho goobta shilku ka dhacay.

Wuxuu sheegay in qalab lagu xoojinayo nabadgelada lagu rakibi doono goobaha laga soo galo Baghdad.

Xoogaga nabadgelyada ayaan hadda ka dib loo ogolaan doonin in ay adeegsadaan telefoonada moobaylada ah marka ay joogaan baraha kaantaroolka.

Sidoo kale waxa laga soo ururin doonaa qalab lagu baadho bambaanooyinka oo baadhitaan BBC-du samaysay sannadkii hore lagu ogaaday in aanay waxba tarayn, kuwaas oo weli aad loogu isticmaalo Baghdad gabi ahaanteedba.

Arrimahaas oo dhami arrinta jirta waxba kamay tarin. Mana dhawa weli in Ciraaq ka baxayso dagaallada taxanaha ah ee bilaabmay markii dalkan ay soo galeen Maraykanka, Ingiriiska iyo xulafadoodu sanadkii 2003-dii.

Todobaadkan dawladda ingiriisku waxay baahin doontaa warbixintii muddada dheer la sugayay ee gudida Chilcot ee baadhaysay wixii ka dhacay Ciraaq gelitaankii xulufada ka hor iyo ka dibba.

bandhige@gmail.com